WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOMALILAND OO HADALO HABJABAAD AH UGU DUURXULAY MR GABOOSE.
Xaflan ay ugu soo digo roganayeen dadwayne aad u tiro badan oo ka soo baxay xisbiga Kulmiye ayaa maanta mar uu ka hadlay wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cabdilahi Ismaaciil Cali (Ciro) uu ku weeraray gudoomiyaha ololaha doorashooyinka gobolada bari ee xisbiga Kulnad Maxmed Cabdi Gaboose ,taas oo uu wasiirku sheegay in uu Gaboose markii uu haysan jiray jagadan aan iminka hayo uu u shaqayn jiray si cadaalada ka baxday taas oo uu dad badan uu riday xukun sharci daro ah .Wasiirka daakhiliga Somaliland Mr ayaa sheegay in aanay ka xibig ahaan cay iyo aflagaado iyo hanjabaan midna aanay ku kicin taas oo sheegay in aanay intaas midna gayin oo aanay cidna ku odhanayn se ay Kulmiye intaba yaqaanaa." Horta waxaan idiin sheegayaa madaxweynaha iyo ku xigeenka oo hore ugu sharaxnaa labada jago maanta u sharaxan way ku guulaysanayaan horena way ugu guulaysteen , waxaan idiin sheegeyaa waxyaalo badan oo aanaanu gayin oo ay ka mid tahay caytanka iyo aflagaada iyo habjabaada Qolada Kulmiye ku hanjabaan, waxaanaan idiin sheegayaa Gaboose markii uu ahaa wasiirka arimaha gudaha dadkii uu maxakamada nabad galyada ee sharcidarada ku xukumay waxaanu soo bandhigaynaa maaliteeda waana maalinta tartanka doorasho"
Mr Ciro oo maanta halkaasi hadalo duur xul iyo hamjabad qabood u gubinaayey Gaboose iyo rag la mac ahaa ayaa waxa uu sheegay in in maanlinteeda ay wax yaalo badan oo mucaaradka ay kula xisaabtamayaan ay soo bandhigi doonaan , ugu damnayntiina waxa uu u mahad noqay dadweynihii madashaa ka soo qayb galay kuwaaas oo ka soo digo rogtay Kulmiye iminkana waxaan idin leeyahay Udub waa xisbigii dalka ee ku soo dhawaada.
Mohamed Muuse
Togaherer
Hargaysa
No comments:
Post a Comment