Maanta Oo Kale Iyo Mujaahidiintii Xaqu Dirirka SNM Oo Ku Waarabariistay Burco, Dhirbaaxo Kululna U Geystay Ciidamadii Faqash
Hargeysa May 27, 2010 (Haatuf)-Maanta oo ay ku beegan tahay 21 guuradii ka soo wareegtay 27 May 1988-kii, markii ay xoogagii Mujaahidiinta xaq u dirirka SNM ay guluf dagaal ku soo qaadeen, islamarkaana ku waabariisteen magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer, iyaga oo dhegta dhiiga u daray ciidankii rajiimkii Siyaad Barre ee dalka Somaliland ka talinayay.
Cutubyada xoogaga SNM ee soo galay Aaga bari Burco, ayaa waxa hogaaminayay saraakiishii milatari ee kala ahaa Muj Axmed Mire iyo Muj Maxamed Kaahin Axmed, iyadoo uu dagaalkaasina ahaa mid ay guulo ka soo hooyeen Ciidamada SNM.
Waxa maalintaa shacbiga reer Somaliland u baryay waa cusub, islamarkaana waxa gabal baas u dumay ciidamadii Rajiimkii Barre (Faqash) iyo taageerayaashoodii, waxana mujaahidiinta SNM Subaxnimadiiba gacanta ku dhigeen xeryihii milatari ee ciidamadii Siyaad Barre, iyaga oo mujaahidiinta SNM saraakiishii Ciidamadaasi ee darajada isku taxday, darajooyinkoodii kabaha ku xidhay. Ka hor intii aanay SNM gudaha dalka soo galin weerardii ay ku soo qaadi jirtay ciidamada Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa xuduudaha dalka ayaa inta badan guushu raaci jirtay SNM halka ciidamada Faqashna wax la dilo iyo wax laga qabto ay ahaayeen, balse maalintana waxay fashilisay cududa ciidankii Africa ciidamada ugu horeeya ka mid ahaa xag walba marka laga eego laakiin waxa gabagabeeyay oo cagta mariyey mujaahidiintii xaq u dirirka SNM, oo kal xidhay dariiqa dheer ee xamar iyo Burco isku xidhayay oo kala jaray wixii gurmad uga imanayay. Alle ha u naxariistee Carmiye oo ka mid ahaa odayaasha waaweyn ee reer Somaliland oo isagu xilligaa dibada uga baxay dalka oo laga waraystay waxa dalkii ka dhacay, ayaa yidhi hadalkan "waxa dalkii ka dhacay balaayo loo baahan yahay".
Mujaahidiinta SNM waxay taageero weyn oo hiil iyo hooba leh ka heleen shacbiga reer Somaliland. Sidoo kale 31 May ayay mujaahidiinta xaq u dirirka SNM soo galeen magaalada Hargeysa.
No comments:
Post a Comment