22 February, 2012

Masuuliyiinta Urur Siyaasadeeka Jamhuuriga oo Canbaareyn Culus U Jeediyay Cid Kasta Oo Ka Danbeysay Xadhigii

Masuuliyiinta Urur Siyaasadeeka Jamhuuriga oo Canbaareyn Culus U Jeediyay Cid Kasta Oo Ka Danbeysay Xadhigii Gudoomiyahoodda Gobolka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse

Muuse C/Laahi Suweeen oo ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa carabka ku dhuftay in sababta lagu xidhay Shucayb Maxamed Muuse, ay ka danbeysay Maayirka gabiley.
Hargeysa (GNS)- Masuuliyiinta ugu sarsareysa Urur siyaasadeeka jamhuuriga ayaa canbaareeyay xadhigii lagula kacay Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Jamhuuriga ee Gobolka Gabiley Mudane Shucayb Maxamed Muuse, kaas oo maanta ciidanka amaanka ee Magaaladda Gabiley ay ku hubsadeen saldhiga dhaxe ee xasibagaas, ka dib markii sidda la sheegay uu amar dhankoodda ahi uu kaga yimid Maayirka Magaladda Gabiley Khadra Xaaji Gaydh.

Masuuliyiintani waxa ay sidaas ku sheegeen shir jaraa’id oo ay Galabta ku qabteen Magaaladda Gabiley, waxana ay sheegeen in Xadhiga Gudoomioyaha urursiyaasadeeka Jamhuuriga ee Gobolka Gabiley uu ahaa mid si sharci darro ah loo maray waxana ay tilmaameen in xadhigii loo geystay Mudane Shucayb Maxamed Muuse uu ahaa mid laga xumaado isla markaana uu ahaa xadhiga waddo khaldan loo soo maray, oo lagu dhaawacayay sharaftiisa iyo karaamadda urur siyaasadeedka Jamhuuriga waa sidda ay hadalka u dhigeene.

Muuse C/Laahi Suweeen oo ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa carabka ku dhuftay in sababta lagu xidhay Shucayb Maxamed Muuse, inaan si cad loo garanayn illaa wakhtigan, waxana uu intaas ku daray in ka dib markii ay ukuur galleen xadhigiisa ay ogaadeen in ay ka danbeysay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Khadra Xaaji Gaydh, waxana ay sheegeen in ujeedada ay u xidhayna ay ahayd in ay ku tilmaamtay Shucayb Maxamed Muuse, in uu la socddo ama uu la dhinac yahay xubno ka mid ah golaha deegaanka Gabiley kuwaas oo ay kala aragti duwan yihiin Maayirka Gabiley, waa sidda uu hadalka u dhigay e.

Dhanka kalle Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Jamhuuriga ee Gobolka Gabiley Mudane Shucayb Maxamed Muuse,oo aanu khadka Talifoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay in wakhtigan la soo daayay isla markaana xuriyadiisii dib loogu soo celiyay, waxana uu sheegay in sabata lagu xidhay ay tahay “sababta laygu xidhay waxay tahay amar ay bixisay Maayirka Gabiley, kaas oo ku saabsan inaan la socddo Xildhibaano iyadda ka soo horjeedda inaan raacay, balse waa lay soo daayay hadda ka dib markii wax danbi ah layga waayay,” ayuu yidhi Shucayb Maxamed Muuse.

Gudoomiye Shucayb Maxamed Muuse, ugu danbeyntiina waxa uu mahadnaq balaadhan usoo jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo uu sheegay in uu hawshan isku xilsaaray isla markaana uu arintan uga shaqeeyay si dhex dhaxaadnimo ah.

Gabiley News Desk
Gabiley Office
contactgabiley@yahoo.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment