16 February, 2012

Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Si Kulul U Dhaliilay Siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo

Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Si Kulul U Dhaliilay Siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo, Sheegayna In Wakhtigan Shacabka Somaliland Ay Ka Niyad Jabeen Hogaanka Xukuumadda Dalka.

“madaxweynahana waxaan leeyahay magac iyo sharaf baad ku timi..." C/raxmaan C/qaadir
Hargeysa (GNS)- Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYE C/raxmaan C/qaadir ayaa ka hadlay iscasiladdii agaasimahii guud ee wasaaradda arimaha dibadda Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim, waxana uu sheegay in iscasilaadda agaasimahani ay ka dhalatay musuqmaasuqa hadheeyay xukuumadda uu hugaaminayo Siilaanyo, waxana uu gudoomiye ku xigeenku sheegay in loo baahan yahay in haayaddo caalami ah oo badhaadha goobo ka mid ah wasaaradaha dalka in la baadho si loo soo afjaro musuqmaasuqa lagu xanto xukuumadda Siilaanyo.

Sidaas waxa uu ku sheegay mar uumaanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta dalka, waxana uu sheegay in dawladda taladda haysaa ay ka dagaalantay musuqmaasuqa balse nasiib darro ay tahay in maanta lagu xanto musuqmaasuqii ay ka dagaalamaysay muddo ka baddan sided sanno “dadka qaarkood oo weliba kulmiye dadkii ahaa ee aadka ahaa,waxay aaaminsan yihiin musuqmaasuqii aanu ka dagaalamaynay ,oo aanu sideeda sanadood ka qaylinaynay inuu maanta isagoo kasiibatay mooyaane inaanuu kayaraan, agaasimaha guud ee iscasilay sheekadii wuu bedelay wuxuu inoo sheegay inuu xaqiiiq hayo, inuu waxla taabto hayo, inuu warqado hayo , inuu documents-yo hayo inuu qodobayn karayo wixii lalunsaday iyo sidii loo lunsaday iyo halkiii lamariyay wax danboo markaa la iska indho tiri karayaay majirto waxa loo baahanyahay arintii inaan ladabisin, inlaga badheedho in labaadho ,oo hadii laga maarmi waayo haayado caalamiya way jiraane kuwo halkan ka shaqeeyaa oo waxaa baadhaa in dib loo baadho oo arintaa laga baraaan dego oo lasoo xaqiijiyo ama la beeneeyo ,

In layidhaahdo dawladii odhad bay dirtoo baadhaysa, sheekadaasi sheeko iibsamaysa maaha dawladu waata labaadhayaa weeyaan odet kayagiibaa soo saxeexoo yidhi waxba majiraan cid idinka akhrisanaysaa majirto baadhasho caalamiya baa loo baahanyahay” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye.

Sidoo kalle C/raxmaan C/qaadir baaq u soo jeediyay madaxweyne Siilaanyo, waxana ka mid ahaa hadalkiisii “madaxweynahana waxaan leeyahay magac iyo sharaf baad ku timi dadkii kuu codeeyey maanta hadaad cod uqaadid umalayn mayo 20% inaad ka helay waxa xaqiiqda taasi , dadkii aad iyo aad ayay uniyad jabsanyihiin wixii ay filanayeen iyo wax udhow toona may helin maamulxumo iyo jaahwareer baa kujira ””

Dhanka kalle waxa uu C/raxmaan C/qaadir ka hadlay shirka dhowaan ka dhici doona magaaladda London, waxana uu yidhi “anigu shaqsiyan waxaan ahaa dadkii lahaa shirkaas yaan latagin, sababtaan ulahaana midunbay ahayd , midaan axmed maxamed maxamuud(siilaanyo) kabartay ,casharaan qaatay isagu markuu gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahaa bay ahayd wuxuuna had iyo goor na odhan jiray oonagu gubaabin jiray shiraanad garanaynin waxa kasoo baxaya lama tago , markaa waxaan lahaa waar hadiiyaynaan hubin bahalkii wax faaido ee inoogu jira waar bilaw waraabe inaga soobaxaa,desicionkana iyo goaanka waxaanu udaynay dawlada dawladii waxay goaansatay inlatago waxaana ay ku qanceen inay kujirto Somaliland danteedu waynuna ku taageeraynaa markaa waynu ugu ducaynaynaa ilaahay waxaanu kabaryaynaa inay kuguulaysato”

Ugu danbeyntii Gudoomiye kuxigeenka xisbiga kulmiye waxa uu ka hadlay xaaladda deegaanka Buuhoolle, "dagaalka waxa keenay fashilaad taasina waxay ahayd shirkii taleex lagu qabtay wax khaatumo loo bixiyayna laga sameeyay arin inaga hoosbaxday ayay ahayd shirkaas waynu ogayn inuu soosocdo waynu ogayn dadkii kaqayb galayay berebera iyo hargaysay kasoo degeen, puntland way diiday shirkaas eanguse shikaas waynu tageernay waxaynuna iska dhaadhicinay iyo cid inagu tidhi garanmaayee shirkaasi waa shir beeli leedahoo arimeheeda qusuusiga ahkaga hadlayso waar mameesha cali khaliif galaydh iyo cali ciise baalagaga tashanayaa danbeeleed lagaga tashan mayo” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye

Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Gabiley news reporter
Hargeysa office
Contactgabiley@yahoo.com



http://samotalis.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment