23 February, 2012

Gudoomiyaha Kulmiye Iyo Xubnihii 3-da Gole Kaga Jiray Weftiga Shirka London Oo Lagaga Guuray Addis Ababa, Kuna Hungoobay In Fiisayaal Ay Helaan

Gudoomiyaha Kulmiye Iyo Xubnihii 3-da Gole Kaga Jiray Weftiga Shirka London Oo Lagaga Guuray Addis  Ababa, Kuna Hungoobay In Fiisayaal Ay Helaan
"Aniga Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Ayay Baasabooradii Naga Haystaan, Xubnihii Udub & Ucid Ayaa Shirka Loo Kaxaystay,  Arrinkuna Waa Kulmiye Diid" Md Mahdi Gees
Hargeysa, February 23, 2012 (Haatuf) - Masuuliyiinta iyo xubnaha golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada ee ka soo jeeda xisbiga Kulmiye oo ka mid ahaa waftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo kala qaybgali lahaa shirka London maanta ka furmaya ee lagaga hadlayo arrimaha Somalia ayaa lagaga guuray magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kuwaas oo ku hungoobay in fiisayaal ay ka helaan Safaarada Ingiriisku ku leeyahay Addis Ababa oo ay muddo todobaad ah ka sugayeen.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixe Cabdi iyo Mudane Mahdi Xuseen Cadar oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee xisbiga Kulmiye laga soo doortay ayaa Safaaradda UK ay ka qaaday Baasaabooradoodii, isla markaana aan ilaa hada loo soo celin.
Sida uu Haatuf u xaqiijiyay Md Mahdi Xuseen Cadar oo ka mid ah xubnaha weftigaasi ee lagaga guuray Addis Ababa oo shalay galab khadka Telephone-ka nagula soo xidhiidhay isaga oo jooga Addis Ababa ayaa sheegay in xubnahoodii xisbiga Kulmiye ka soo jeeday ee weftigaasi ku jiray ay ka baaqsadeen ka qaybgalka shirkaasi, halka uu sheegay in xubnihii ka socday xisbiga UDUB iyo UCID ee weftigaasi fiisayaashii in iyaga la siiyay, waxaanu tilmaamay in xubnihii Kulmiye ee waftiga dhamaantood lagaga tagay Addis Ababa.
Md Mahdi Xuseen Cadar wuxuu intaa ku daray in arrinka ay kaga hadheen iyagu uu salka ku hayo dagaal Kulmiye ku socda oo xukuumadu wado oo ay ka dambayso caqabadaha ay kala kulmeen safarkooda.
Sidoo kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali, Md Maxamuud Axmed Obsiiye, Md C/llaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) iyo Marwo Aamina Timo-dheer ayaa ka mid ah xubnaha lagaga tagay Addis Ababa, iyagoo labada Wasiir ee cadaalada Xuseen Axmed Caydiid iyo Diinta iyo Awqaafta Sheesh Khaliil C/llaahi Axmed oo iyaguna sidoo kale ku hungoobay in weftigaasi u baxay London ay ka mid noqdaan.
Ugu horayn Mudane Mahdi Xuseen Cadar oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Waftigayagii Addis Ababa u joogay ka qaybgalka shirka London oo ka kooban siddeed xubnood oo uu ku jiro gudoomiyahii xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, wasiirkii xananaada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir, xildhibaan C/llaahi Dhugad, xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, marwo Aamina timo dheer iyo xubno kale oo dhamaantood aanu ka soo wada jeedno xisbiga Kulmiye ayaa nalaga baajiyay ka qaybgalka shirkaasi, waana arrin lagula dagaalamayo Kulmiye, oo Kulmiye diid ah, waana arrin badheedh ah oo loogu talo galay, waxaana shirka loo kaxaystay xubnihii xisbiyada Ucid iyo Udub"
Mudane Mahdi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray  "Aniga iyo gudoomiyihii xisbiga Kulmiye ayay masuuliyiinta Safaarada UK Baasaabooradii ay in muddo ah naga haystaan ilaa hadana noomay soo celin, horena waa tii loo soo celiyay wasiiradii cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed oo iyaguna ka soo jeeda xisbiga Kulmiye, sidaa darteed dagaalkani waa mid loola badheedhay xubnaha saddexda gole qaran kaga jira Kulmiye.
Dhinaca kale waxa iyagu habeen hore u kicitimay magaalada London ee dalka UK oo ay wada socdeen markii hore wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade, gudoomiye ku xigeenka Udub Axmed Yuusuf Yaasiin, gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe iyo xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee xisbiga Udub laga soo doortay.
Waxa kale oo ka mid ah xubnaha lagaga guuray Addis Ababa gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Siciid Jaamac Cali.

No comments:

Post a Comment