21 February, 2012

Cumar Xasan Al-Bashiir Oo Ka Qeybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Fanaanka Weyn Ee Caanka Ah Reer Sudan Maxamed Wardi

Cumar Xasan Al-Bashiir Oo Ka Qeybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Fanaanka Weyn Ee Caanka Ah Reer Sudan Maxamed Wardi Oo Habeenii Sabtidii Uu Ku Geeryoodey Isbitaal Ku Yaala Caasimada Khartoum


Wardi waxa uu ku dhashay magaalada Sowarda ee ku taala waqooyiga Sudan bishii July 1932-dii hooyadiis iyo aabihii waxa ay dhinteen isagoo yer,

Khartoum (GNS)- Tobanaan kun oo qof oo ah dadka Sudan oo uu ku jiro Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ka qeybgalay aas qaran oo loo sameeyay fanaanka weyn ee caanka ah reer Sudan Maxamed Wardi oo habeenii sabtidii uu ku dhintay isbitaal ku yaala caasimada Khartoum markii uu la xanuunsanaayy dhawaanahan cudurka kilyaha.

Allaha u naxaariistii fanaan Maxamed Wardi ayaa ku geeeriyooday da’da 83-ka dib markii wakaalada wararka rasmiga dalka Sudan ee SUNA ay shaacisay in ku dhintay isbitaalka.

Waxa aaskiisa uu ka dhacay oo lagu qabtay fagaaraha Al-Farouq oo ku yaala caasimada Khartoum, halkaas oo tobanaan kun oo qof ay ka qeyb galeyn oo ay alle uga baryeen in uu janada galiyo.

Wardi ayaa dalka iskaga cararay markii madaxweynaha Al-Bashir uu awood militry kula wareegay Sudan 1989-dii, waxana uu ahaa dibad joog, laakin sanadkii 2002-da ayaa loo ogolaaday in uu dalka ku soo laabto wixii xiligaas ka dambeeyay si xur ah ayuu dalka ugu noolaa.
Ka hor inta uusan ku laaban dalkiisa saandkii 2002-da ayaa wareesi uu siiyay allaha u naxariistee Maxamed Wardi wakaalada wararka AFP waxa uu ku yidhi:

“ Anniga waxa aan ahay bini’aadam, qof kasta oo bini aadam ahan waa uu ka soo horjeedaa xukun kaliya taliyanimo waan sii wadi doonaa in aan arrintaas ka soo horjeedo xittaa haddii aan ku laabto Sudan” ayuu ku sheegay wareesiga ay la yeelatay AFP bishii Jun 2002.
Wardi waxa aad looga jeclaa heesihiisa dagan ee ku laabqadaya wadamada carabta iyo kuwa Africa

Aaskiisa waxa ka qeub galey qaar ka mid ah heesayaasha kuwaas oo ku tilmaamay Mohamed Wardi, in uu yahay nin codkar ah,
Taarikhdiisa Oo Kooban Allha unaxariisto Al-Fanaan Maxamed Wardi
.................................................................................................

Taarikhdiisa Oo Kooban Al-Fanaan Maxamed Wardi

Wardi waxa uu ku dhashay magaalada Sowarda ee ku taala waqooyiga Sudan bishii July 1932-dii hooyadiis iyo aabihii waxa ay dhinteen isagoo yer, waxa soo koriyay oo uu la joogay adeerkiisa intii uu yaraa, ka hor inta uusan ku biirin dhalinta heesaha , sidoo kale waxa uu ahaa macalin wax ka dhiga magaalo ku taalo dalka Sudan, wuxuu heesaha qaadistooda uu bilaabay isagoo shan jir ah.

Waxa uu soo wareegay caasimada sanadkii 1957-wuxuuna bilaabay in uu xirfsadiisa galiyo heesha iyo muusigada waxana ilaa 55-sano ayuu galiyay

Waxa uu ahaa nin aad looga qadiriyo waxana loogu yeedhi jiray nin aan xuduud laheyn, heesihiisa waxaa aad looga xiiseeyaa Masar oo aad looga iibsado Ethiopia iyo wadamao badan oo Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay

Wuxuu markii uu ka fadhiistay heesaha noqday siyaasi isagoo ku biiray hogaamiyaasha mucaaradka ugu weyn Sudan ee ka soo horjeeda madaxweyna Al-Bashiir.

abdirahman



http://samotalis.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment