13 November, 2011

RAADYOW MA QALOOCSHE


Haba laydin doortee
Xagee daacad laga heli
Haba dalab lahaatee
Dubbe toos-sha yaa heli
Haba dookh xumaatee
Nin dumaale yaa heli
Dus-dus haw dhuslaysee
Dalka qaade waa kuma
Damanaanta qaarkeed
Waa lagu dulloobaa
Tollow yay ka dedan tahay
Hay’adahan dayayntiyo
Deeqaha shisheeyuhu
Dal hadday dhisaayaan
Soomaalida dayacaniyo
Dariskay  wax tari lahayd
Waligeenba dibadaha
Daqiiq iyo Bariisiyo
Diric iyo dhar mooyee
Talo dool nagaga timi 
Dalkayaga laguma dhiqin
Ninka dawlad nabaddiyo
Dal nimco ah ku noolee
Kiiniya u duulee
Mahiiga iyo dirkiisii
La daawaystay gaalaw
Marka hore dem baad tahay
Sharaftiisa diiraha
Isdullaynayaad tahay
Demiin khaayinaad tahay
Debno horumar sheegiyo
Dib u ride dal baad tahay
Digtoor cudur ah baad tahay
Daalin samafalaad tahay
Diin Islaam ku dhuuntiyo
Gaal daahiraad tahay
Fadlan soo dir baad tahay
Eber Dollar baad tahay
La soco….. 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment