12 November, 2011

Maxay Kala Yihiin Ergayga Gaarkee iyo La-taliyahu....


Maxay Kala Yihiin La-taliyaha Siilaanyo Ee Gobolada Bari Iyo Ergayga Gaarkee Ee Gobolada Bari


Madaxweyne Siilaanyo oo ku dhaleecan jiray xukumadii Rayaale inay tahay mid tiro badan oo tayo daran kuna faani jiray markuu kursiga ku fuulo inuu soo dhisaayo xukumad tiro yar oo tayo badan ayaa xilalka cusub ee aan hore u jiri jirin ee uu magacaabay lix jeer ka badan kuwii xiligii Riyaale jiri jiray.

 Bal aan tusaale u soo qaadano wasaaradaha dalka xilligii Rayaale wasaarad kastaaba waxay lahayd hal ama laba taliye-wasiir laakiin maanta xukumada Siilaanyo  wasaarada ugu yari waxay leedahay sadex la taliye-wasiir halka wasaaradaha qaarna leeyihiin lix taliye-wasiir,kaaga darane Rayaale wuxuu lahaa 8 la taliye madaxweyne halka Siilaanyo Maanta leeyahay 37 la-taliye madaxweyne,waxaa intaas dheer ilaa lix ergay madaxweyne .

Bal u fiirsada xilalkan in farqi u dhexeeyo iyo inkale….Agaasimaha  xidhiidhka golayaasha iyo siyaasada ee madaxtooyada Bashiir C.Xariir,waxaa kaloo jira la taliyaha madaxweynaha ee arimaha siyaasadda Abiib-timocad iyo la taliyaha madaxweynaha ee xidhiidhka golayaasha  cabsiiye sadexdaas jagoba xafiiska madaxweyne Siilaanyey hoos tagaan.

Sidoo kale waxaa jira la-taliyaha madaxweyne Siilaanyo ee gobolada Bari (Sool iyo Sanaag) iyo ergayga gaarka ah ee madaxweyne Siilaanyo gobolada Bari (Sool iyo Sanaag).haddaba bal waxay labadaas xil ku kala duwan yihiin ayaa dhawaan warbaahintu weydiisay inuu fasiraad ka bixiyo Fu'aad Aadan Cade oo ah la taliyaha madaxweyne Siilaanyo ee gobolada Bari.

Fu'aad  wuxuu  ku jawaabay ninkaa ergaygu magac fiican buu la baxay  ergaygaase la-taliyaha ka qurux badan balse labadayaduba laba la-taliye madaxweyne ayaanu nahay isna waa la-taliyaha madaxweynaha ee qolada sanaag bari (warsangeli) aniguna la taliyaha madaxweynaha ee Gobolada bari (Dhulbahantaha sool iyo ka Sanaag).si kale haddaad u dhuuxdo nuxurka hadalka Fu'aad Aadan Cadana waxaad dareemaysaa xukumada Siilaanyo in qofku magaca xilka soo daydaydo oday siilaanyana u ansixiyo maadaba fu'aad leeyahay ninkaasi magac qurux badan buu la baxay taasoo loo qaadan karo inuu ninkaasi magaca la yimi.

Ali Aden Elmi

Burco

No comments:

Post a Comment