14 November, 2011

Asbaabihii Muddo Kordhinta Loogu Sameeyay Wakiilada Oo Wali Aanay Fari Ka Qodnayn

Asbaabihii Muddo Kordhinta Loogu Sameeyay Wakiilada Oo Wali Aanay Fari Ka Qodnayn Iyo Xubnaha Aan Waxba Ka Ogayn Go'aanada Golahooda Ka Soo Baxa

Qaybtii 13aad ee barnaamijka taxanaha ah ee qiimaynta xilgudasho ee 82-ka xubnood ee aqalka wakiilada Somaliland, oo muddadiisii sharciyada ee shanta sanadood ee xilkaasi loo soo doortay ay ka dhamaatay badhtamihii bishii October 2009-kii, isla markaana ay golaha guurtidu xeerkii lagu soo dooran lahaa golahaasi oo aan samaysnayn awgii ay muddo kordhin laba sano iyo sideed bilooda ugu kordhiyeen golahaasi 8 September 2009-kii, kuwaas oo abaal uga dhigay korodhsiimadaasi mushahar kordhintii ay wakiiladu ugu dareen guurtida xeerkii kala xadaynta mushaharka golayaasha ee wakiiladu ansixiyeen October 2009-kii, kaasoo Madaxweynuhuna dhaaan galiyey.

Asbaabihii muddo kordhinta golaha wakiilada loogu sameeyay oo ahaa shuruucdii lagu soo dooran lahaa golayaashooda sharci dajinta ee guurtida iyo wakiilada inay mudadaasi ku sameeyaan iyo inay qabyo tiraan xeerarka doorashooyinka golayaasha deegaanada ayaa ilaa hada wali qabyo ah, iyadoo muddadii kordhsimada ahayd ee ay guurtidu u samaysayna ay gabo-gabo tahay iyagoon wax ay ku qabteena aanay jirin muddadaasi.

Waxa jira mudanayaal ka tirsan golahaasi wakiilada oo iyagu aan waxbaba ka ogayn go'aanda iyo xeerarka golahoodu meelmarinayo, isla markaana aan madasha fadhiyada ka soo xaadirin, dayacayna xilkii iyo waajibaadkii sharci dajineed ee loo soo doortay.

68. Md Abuubakar C/raxmaan Good oo isagu ka mid ah mudanayaasha xisbiga Kulmiye ee laga soo doortay gobolka Awdal, oo isagu inta badan muddadii shanta sano ahayd si joogto ah uga soo xaadiri jiray madasha fadhiyada doodihiisana ka dhiiban jiray mooshinada iyo xeerarka golahaasi la soo hordhigo, ayaan isaga madashaa fadhiyada lagu arag inta badan mudadii korodhsiimada golahoodu ku jiray, hase yeeshee ka mid ah mudanayaasha Awdal ee mawqifkoodii xisbiyada laga soo doortay aan mar kaliya badalin, gaar ahaana xisbigooda kulmiye ee Mucaaridka ahaa, iyadoo mudanayashii gobolka Awdal ee xisbiga Ucid laga soo doortay muddadii shanta sano ahayd ay la safnaayeen inta badan xisbiga Udub wakhtigii ay muxaafidka ahaayeen, hase yeeshee Md Abuubakar ayaa isagu ka mod ahaa wakiilada Kulmiye ee laga soo doortay Awdal ee mawqifyadooda xisbi aan ka digo roganin.

69. Md Mahdi Xuseen Cadar (Mahdi Gees) oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga Kulmiye ee laga soo doortay gobolka Awdal ayaa isagu ka mid ah mudanayaasha inta badan aan ka soo xaadirin madasha fadhiyada golaha, isla markaana ka mid ah mudanayaasha aan hal dood ah ka dhiibanin muddadii golahaasi uu ku jiray, hase yeeshee Md Mahdi Gees oo isagu ah mudane aan mawqifkiisa xisbinimo aan badalin muddadii shanta sano ahayd eee la soo doortay, ayaa hadana ka mid ah wakiilada aan inta badan waxba kala soconin go'aanada iyo xeerarka golahoodu ansixinayo, sidoo kalena ka mid ah xildhibaanada inta badan aan ka soo xaadirin ee xoghayta golaha wakiiladu ay magacyadooda ka baafiyaan warbaahinta dalka ee looga soo jeediyo inay ka soo qaybgalaan fadhiyada golaha.

HAATUF

No comments:

Post a Comment