14 September, 2011

Natiijada Socdaalka Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Maraykanka Iyo dedaalada aqoonsi raadinta

Natiijada Socdaalka Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Maraykanka Iyo dedaalada aqoonsi raadinta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland ayaa ka warbixisay Natiijada socdaalka Wasiirka Khaarajiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku marayo dalka Maraykanka iyo nuxurka Kulamadii uu la yeeshay dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka.

 War-saxaafadeed ay Wasaaradu ka soo saartay socdaalka madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan:- "Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo socdaal diblomaasiyadeed ugu kicitimay Cariga Maraykanka ayaa labadii maalmood ee ugu denbeeyay (Isniin iyo Salaasa) kulan wadareed iyo kulammo gooni ah la galay Danjirayaasha sida joogtada xubnaha uga aha Golaha Amaanka ee kale ah Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha magaalada New York. Waxa kale oo wasiirku kulamo kuwaa la mid ah la yeeshey wadamada Koonfurta Afrika iyo Gaaboon oo labaduba hadda xubno ka ah Golaha Ammaanka. Dhinaca kale wuxuu Wasiirku kaloo la kulmay safiirada wakiilka ka ah wadamada Norway, Masar iyo jarmalka.

 Wasiirka oo warbaahintu caalamku wax ka waydiisay ujeedada sicdaalkiisa wuxuu ku jawaabay "Kulamadana waxaanu kaga hadalay qaddiyadda Siyaasada ee Somaliland iyo xaalada amaanka iyo baahida iskaashiga ee Somaliland ugu baahan tahay beesha caalamaka. Waxaanu xubnaha golaha u gudbinay warbixinta ka hadalaysa xaaladda dhabta ah ee Somaliland oo dhinacyo badan taabanaysay. Waxaanu hore xukuumad ahaan uga codsanay Golaha Ammmaanka dhawr todobaad ka hor inaanu siino xog-waran khaas ah oo la xidhiidha Somaliland ka hor inta aan shirwaynaha golaha iyo shir-sanadeedka guud Jimciyadda Quruumaha ee madaxwaynayaashu oo bilaabmaya todobaadka soo socda, si warbixinta Somaliland ay saamayn ugu yeelato shirwaynaha, oo la filayo in qodabada laga hadlayo sanadka ay ugu wayn yihiin arrimaha khuseeya Geeska Afrika ee ay Somaliland ka midka tahay."

kulankan oo muujiya in isebedel wayn oo horumar ka muuqdu ku yimid siyaasadda dibadda ee Somaliland iyo wadashaqaynta Somaliland iyo Golaha Amaanka oo aan hore shir noocan oo kale ah aanu u dhexmarin. Waxaa la filayaa inuu wax ka bedelo fikirkii ay hore golayaasha caalamku uga qabeen Somaliland. Waxayna arintan mar kale muujisay in dunidu siinayso Somaliland fursad ay ku hesho in la dhagaysto garnaqsigooda siyaasadeed."

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

Cumarmfaarax@hotmail.com

No comments:

Post a Comment