10 September, 2011

Arabsiyo: Nin Gudin Qudha Kaga Jaray Macalin ay Dugsi


Arabsiyo: Nin Gudin Qudha Kaga Jaray Macalin ay Dugsi

 Arabsiyo (Somaliland.Org)- Alle ha u naxariistee marxuum Cabdi Xirsi Samatar oo ahaa macalin wax ka dhiga dugsi   ku yaala meesha la yidhaahdo Korjiga oo dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley ayaa maanta  maydkiisa laga helay deegaankaasi.
Marxuumkan oo uu dilay gacan ku dhiigle Axmed Cabdi Yoonis oo sida la sheegay  isaga iyo  marxuumku macalimiin ka wada  ahaayeen dugsigaasi ku yaala deegaanka Korjiga, ayaa dilka u adeegsaday Gudun.
Taliyaha ciidamada Booliska ee Saldhiga Arabsiyo Cabdi Cabdilaahi Xandule oo aanu wax ka waydiinay arrinta dilka marxuumkaasi   ayaa noo sheegay in subaxnimadii  hore ee maanta  warkaasi loo soo sheegay ka dibna ay ciidamdaa Boolisku ka hawl galeen.
Waxaa kale oo uu taliyuhu xusay in ninka gacan ku dhiiglaha ah ee dilka gaystay uu baxsaday ka dib markii uu marxuumka dilay, isla markaana ay ciidamada boolisku ku daba jiraan sidii ay u soo qaban lahaayeen sharcigana loo marin lahaa.
 Taliyuhu isaga oo arrimahaa faahfaahin ka bixinaya  waxa uu yidhi “Waxa aanu maqalnay dilka alle ha naxariistee Marxuumka aroornimadii hore ee shalay, ilaa haddana ma hayno ninkii dilka gaystay, laakiin waxa u xidhan inaadeerkii  oo aanu soo qabanay, waanan ku raad joognaa.”
Cabdi Cabdilaahi Xandule  taliyaha Saldhiga ee Arabsiyo  waxaa kale uu intaasi raaciyay in ninka dilka gaystay iyo marxuumku ay  saaxiibo dhaw  ahaayeen isla markaana wax ka wada dhigi jireen dugsi ku yaala meesha la yidhaahdo Korjiga oo dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Arabsiyo, balse dhawaan shaqada  laga eryay gacan ku dhiiglaha.
 Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment