11 August, 2011

“Xerada Agoomaha nimanka soo weeraray ........

Qaar ka mid ah dadweynaha Degan Xarunta Agoomaha Hargeysa "Ex-dhalinta Kacaanka" ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhallan karta haddii mar labaad lagu soo weeraro dhulka ay degen yihiin

"Xerada Agoomaha nimanka soo weeraray dawladdii Cigaal iyo Riyaale mid-na soomay weerarin. Tan Siilaanyo malaha jilicsanaan ayey ku arkeene waanu iska celinaynaa" odayada iyo Haweenka degan dhalinta

Hargeysa - Qaar ka mid ah dadweynaha Degan Xarunta Agoomaha Hargeysa "Ex-dhalinta Kacaanka" ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhallan karta haddii mar labaad lagu soo weeraro dhulka ay degen yihiin, waxayna sheegen in dhulkaasi yahay mid Danguud ah oo Dawladu leedahay, balse dad budhcad ahi doonayaan in ay Boobaan oo ay iibsadaan, waxayna sheegen in muddo dheer oo 20sanno ah ay degenaayeen oo ay dawlada u ilaalinayeen, basle aanay aqbali doonin in dad gaar ahi dhulkaasi Bililiqaystaan, waxayna Xukuumada u soo jeedinaynaa in ay wax ka qabato budhcadaasi dhulboobka ah.

Waxay sidaasi ku sheegen Shirjaraa'id oo ay ku qabteen Xalay  Hotel Emperial ee magaalada Hargeysa.

 

 

Khaalid sheikh Nuuriye oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi Jaraa'id ayaa Xukuumada ugu baaqay in ay wax ka qabato dhibaatada lagu hayo dadka degen Xarunta Agoomaha agteeda, waxaanu digniin u jeediyay dad uu ugu yeedhay in ay Boob wadaan oo ay doonayaan in ay xoog ku qaataan dhulkii Asluubta ee xarunta Agoomaha ah ee hargeysa.

waxanu yidhi "waxaanu doonaynaa in dawlada Somaliland iyo Dadweynuhuba ogaadaan in aanu nahay dad degena meeshaasi 20sannadood, dhulkan dhalinta kacaankana aanu ilaalinaynay, dhulkan dad hore ayaa nagu soo weeraray oo doonayey in ay dhacaan balse waanu u diidnay, dawladihii kala duwanaa ee Somaliland soo marayna way na  ogaayeen in aanu dhulka dawlada degenahay, laakiin waxa na soo weeraray dad dhulkii dawlada soo madhiyay oo meel kasta soo maray ayaa maatidayadii soo weeraray oo watay Cagafyo  iyo Askar sharci darro ah oo doonayey in ay burburiyaan guryahayagii, haddii ay dawladu na tidhaahado ka guura waanu ka guuri, balse dad dhul-boob ahi naga rari kari maayaan."Ayuu yidhi Khaalid

Cabdi Xasan Axmed oo isaguna ka hadlay dhacdadaasi ayaa yidhi "Waxaanu nahay dadkii degenaa Xarunta Agoomaha ee magalada hargeysa ee ilaalin jiray dhulkaasi, balse waxa layaab nagu noqotay in lanagu soo weeraro Cagafyo iyo Ciidan booliis ah oo aan meel ka socon, waa arin laga yaabay. hadaba waxaanu dawladayada ka codsanaynaa in wax ka qabato Shuftadan dhul-boobka wada ee doonaysa in dhulkii Xarunta Agoomaha ay boobaan, anaguna waxaanu leenahay ninka-na soo weeraray Guryahayaga marka aanu ka shaqo tagno wuxuu doonayaa dhibaato, dhibaatadaas oo keeni karta Dhaawac iyo dhimashoba"Ayuu yidhi Cabdi Xassan

Maxa'ud Mowliid Xusseen (Maano) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday uu ahaa mid gardaro ah oo la doonayey in Dhib weyni meesha ka dhacdo, waxaanu sheegay in haddii mar labaad ay soo weeraraan ay iska difaaci doonaan, waxaanu Xukuumada iyo Shacabkaba ugu baaqay in ay ogaadan in ragaasi yihiin qaar budhcad badeed ah oo doonaya in ay Bililiqaystaan Dhulka xarunta Agoomaha"Shalay lixdii Aroornimo ayaa nala soo weeraray, waxaa na soo weeraray rag boolis ah iyo Cagaf ay wateen, iyo dad shicib ah oo la socday, aniga gabadhaydii ayaa ku dhawacantay oo Kooma ku jirta, dhib badan ayey na gaadhsiiyeen nimankaa budhcada ahi. markaa xukuumada waxaanu leenahay degdeg wax ha uga qabato, malaha kolba marka Madaxweynuhu dalka ka baxo ayaa laga faa'iidaystaaye oo ay jaanis ka  dhigtaane waa in wax laga qabto waa arintani madaxweynaha ayaa lagu ceebaynayaa iyo Dawladaba."Ayuu yidhi

 

 

 

Hooyo Caasha Cabdi Gudaal oo iyaduna ah Hooyo degen dhulkaasi oo sheegtay in sandaqadeeda cagaf la marinayey oo la doonayey in la baabi'iyo, laguna laayo dadkii ku jiray ayaa waxay tidhi "Xukuumada Madaxweyne Siillanyo waxaan ugu baaqayaa in ay wax ka qabto, dhibtan lanagu hayo ee guryahayagii la burburinayo, oo waliba ay burburinayaan dad aan dawlada ka socon oo dhulboob ah, waxaanu leenahay dhulku waa dhulkii dawlada oo aanu muddo dheer degenayn oo aanu ilaalinaynay markaa in dhulkii Dawlada lanagu soo weeraro waa arin la yaab ah, anagu waxaanu nahay qoysas badan oo ilaa 50 ah oo degen dhulkaasi ay rag doonayaan in ay Iibsadaan" ayay tidhi Hooyo Caasha

Waxa kale oo isaguna halkasi ka hadlay Xuseen Maxamed Cabdi waxanu yidhi "Anagu waxaanu ahayn dadkii ilaalinaynay  dhulkan ilaa Xerada Agoomuhu ku jiraan, nimankan na soo weeraray dawladdii Cigaal namay soo weerarin Tii Riyaalena namay soo weerarin tan Siilanyo ayey na soo weerareen, malaha jilicsanaan ayey ku arkeen ayaan u malaynayaa, dee waxaanu leenahay waanu iska celin doonaa ee Dawlada iyo dadweynuhu ha ogaadaan, haddii dadkaasi aan lanaga qaban wax dhici doonta dhibaato weyn, oo dad badan oo mayd ah ayaa meeshaasi lagu arki doonaa."Ayuu yidhi Xusseen

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Waris Xassan Cali iyo Xiis Daahir waxayna ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan doonta haddii aan wax laga qaban dadkaasi dhulboobka ah ee doonaya in dhulkaasi xoog ku Dhistaan oo ay qaatan.

Short URL: http://waaheen.com/?p=19527

No comments:

Post a Comment