Fadhigii Caadiga aan ahayn ee Golaha Guurtida uga socday Xaruntooda Maalmahan ayaa Waxa Lagu Ansixiyey Xeerka Furashada Ururada ee Dhawaan ay ansixiyeen Golaha Wakiiladu.
Fadhigan oo uu shir guddoominayay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Sh/Axmad Sh/Nuux Fureh waxa ka soo xaadirey 53 Xildhibaan waxa u codeeyey Ansixinta iyo Ogolaanshaha Xeerka Furashada ururada 33 Mudane waxaa Diidey 15 Mudane waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan Gudoomiyuhun muu codayn.
Sidaasaanu ku ansaxay Xeerka Furashada Siyaasada waxaanu hadda wixii ka danbeeya wuxuu u gudbayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si uu u saxeexo dhaqan galkiisu.
Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa
No comments:
Post a Comment