13 August, 2011

Suld. Maxamed oo Sheegay in la Marin habaabiyay Hadalkii uu Ku Duray Madaxweynaha

Suld. Maxamed oo Sheegay in la Marin habaabiyay Hadalkii uu Ku Duray Madaxweynaha, Shakhsiyadda Sillaanyo-na ku Tilmaamay Mid badheedha oo aan labac labacda aqoon

Suld. Maxamed oo Sheegay in la Marin habaabiyay Hadalkii uu Ku Duray Madaxweynaha, Shakhsiyadda Sillaanyo-na ku Tilmaamay Mid badheedha oo aan labac labacda aqoon

"Anigu Dagaalkaan sheegay maaha mid xabad la isla dhacayo ee waa Dagaal Siyaasadeed, waayo Dagaal hore ayey Beelihii oo dhami iskugu kaayo tageen, Markaa Beesha is leh ma aargoosanayaan waxaanu u sheegaynaa inaanu Ugaadhsan Doono."-Waraysi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi

Hargeysa(Togaherer)-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa sheegay in aanu marnaba odhan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu mijo xaabinayaa jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland, balse uu ka hadlay qorshe ay wadeen Aqoonyahano Somaliyeed oo aanu Madaxweynuhu waxba ka ogayn.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa uu sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) uu yahay mid halgan dheer u soo maray Madax banaanida Somaliland, isla markaana aanay marnaba ka suurtoobayn in uu mijo xaabiyo Somaliland.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo waxa kale oo uu ka hadlay hadalo uu dhawaan warbaahinta qaarkood qortay oo la xidhiidhay Dagaal uu ku baaqay, waxaanu sheegay in Dagaalka uu ku baaqay aanu ahayn kii rasaasta la isku qaadanayey oo uu tilmaamay inuu hore u soo arkay, balse uu ahaa Dagaal Siyaasi ah.

Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi"Anigu marnaba ma odhan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Somaliland mijaxaabinaya anigu waxa aan ka hadlayey shir lagu qabtay Jabuuti oo aan tagay, tii oo aan cidina I garanayn halkaasi oo ay ku shirayeen Aqoon yahano Somaliyed oo ay ku jiran qaar Somaliland ah oo Debadaha ka yimid, markaa go'aamada ka soo baxay oo ahaa laac loo dhigayo Somaliland jarna ka hooseeyo, aniguna marnaba ma odhan Madaxweynuhu Somaliland ayuu mijo xaabinayaa oo waxay soo saareen ayuu kula socdaa, Madaxweynuhu nin meel la soo fadhiistay maaha, taasina waa khiyaamo Qaran ma odhan karo.

Madaxweynuhuna haddii uu u fahmay in aan leeyahay waa khaayinu wadan ma odhan waxaanan ku qiimeeyaa Halgankii dheeraa ee uu u soo maray dalka, Somaliland-na ma khiyaamayn karo oo waa nin ka badheedhi kara.

Axmed Maxamed Maxamuud waynu naqaanaa cidna kama gabado ee wuxuu doonayana waa nin ka badheedhi kara oo aan labac labacda aqoon".

Suldaan Maxamed oo aanu weydiinay sababta isaga oo ah Suldaanka guud ee Somaliland ugu baaqay Dagaal waxa uu ku jawaabay "Anigu Dagaalkaan sheegay maaha mid xabad la isla dhacayo ee waxa weeyi Dagaal Siyaasadeed ayaa la galayaa, waayo Dagaal hore ayeynu u soo aragnay oo Beelihii oo dhami iskugu kaayo tageen, markaa maanta anagaaba eeganayna Beesha Axdigii Somaliland dhigatay ka baxda inaanu ugaadhsano, Beesha is leh ma aargoosanayso is leh waxaanu u sheegaynaa inaanu aargoosan doono.

Sadexda Xisbi Qaran waa iskugay mid iyo Asxaabta dambe ee soo baxaysa, laakiin waa in aan la ii arag nin u hadlaya Xisbi Reer, Xisbiguna waxa uu xaq iigu leeyahay inaanu u hadal Xisbi Reer, maalintii hore ee ay UDUB haysatay Baarlamaanka, Barlamaanku reer Somaliland ayuu ahaa, waanagii furayaasha ka qaadnay Madaxweyne Rayaale markuu furaha ka qaatay Barlamaanka, halkii oo kale ayey taagan tahay tanina oo labadii Xisbi ee shalay Mucaaridka wada ahaa wixii ay doraad ka cabanayeen inay maanta ku wada cawdaan maaha, anigu furayaasha I siiya baan ku idhi, markaa inaan dhex dhexaadiyo labada garab ee isku haya Xisbiga ayey ahayd, laakiin markuu furihii galay gacantii Xukuumadda dee in Xisbi Qaran Awood lagu kala bur buriyo ta aan ka hadlayey taasi uunbay ahayd oo aan lahaa Xukuumadda ka daaya, taana haddii la qoonsaday waxay ahayd mid meesheeda taala oo Xisbi Qaran oo kastana u hiiliyo Xaq baa la iigu leeyahay oo wixii markaa jooga inaan ka hadlo arinkiisa, Xukuumaddana iskumaanaan ogayn inay Mafaatiixda kala baxsato ee waxay ahayd in wixii qalad ah iyadu gacanta ku qabato".

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu raali gelin ka bixiyey hadal uu yidhi, waxa uu yidhi " Waxaan raali gelin ka bixinayaa hadal aanan odhanin oo anaga oo kaftamayna oo gaadhi gudihii saaran oo rikoodh I hoos dhigeen, oo dadka markay kaftamayaan iyo markay Saxaafada wax u kala qorayaan way kala duwan yihiin. Arrinkaa sodohaha aniga kuma jirto hadalkayga oo intay Saxaafadu bahalkaa I hoos dhigtay ayey warkoodii ku darsadeen.

Dumarka Reer Somaliland waa wada hablahaygii sodoh iyo inanba, markaa eray eray aan lagu kaftami karin, nin weyn oo Suldaan ahna hadalkiisa ahayn waa yara foolxumo in la xado, markaa arintaa raali gelin baan ka bixinayaa, waxaan leeyahay umadda reer Somaliland arinkaasi yaanu maskaxdiina gelin ee raali ahaada, anigu kuligiinba Sodog baan idiin ahay".

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka hadlayey afduubkii Putland kula kacday Weftiga ka tirsan Somaliland waxa uu yidhi "Jilicsanaantaasi Xukuumadda ayaa iska leh, Xukuumaddna waynu nahay, laakiin waxaan leeyahay cid kasta oo Xukuumadd u baxaysa oo wax hagaajinaysa waa in aan garabkeeda difaaca laga reebin, laakiin Xukuumaddu siday wax u suurto gel lahayeen kamay wareysan Salaadiinta, Beelahan Dhulbahantena cid baa ka masuul ah, Garaad qudha oo ilaa hadda Deeganadaasi Somaliland ku soo dhaweynaya maynu arag, ama loo arko inay yihiin cidii wax ka qaban kari lahayd, laakiin waxaan odhan lahaa Xukuumaddu ha ka bilawdo inta aanay Maamulka u wareegin shacabka ha la weydiiyo cida ay ku kalsoon yihiin, haddii la moodayo in Xildhibaanada iyo Wasiirada Hargeisa jooga iyo reer Laascaanood isku sal banaan yihiin iskuma sal banaana, ragga Laascaanood jooga ee Isimada ah waa in wax la weydiiyaa.

Gogoshii Nabadeedna sidii la rabay umay dhicin, Xukuumadduna Ciidamo badan ayey meesha gelisay oo arinkii Kalshaale sidii la rabay ugamay hawl gelin oo labadii Beelood ee ay kala dhex geli lahayd ayey mid raacday, ergadii ku haboonaydna looma dirin Laascaanood gogoshii loo fideyeyna xabad ayaa lagu bilaabay.

Gobolkana waxaan leeyahay waar hubkana ha la dhigo nabadana ha lagu soo noqdo, cidii Nabadaa ka shaqayn karaysana Xukuumaddu ha u dirto, oo Madax dhaqameed cidna raacsanayn oo dhex dhexaad ah ha loo diro meesha"

Warqabadka Togaherer
Xafiiska hargeysa, Somaliland
Togaherer@gmail.com

No comments:

Post a Comment