15 August, 2011

Roobkii caawa ka da’ay Gobolka Hargeysa iyo khasaarihii ka dhashay

Roobkii caawa ka da'ay Gobolka Hargeysa iyo khasaarihii ka dhashay

Hargeysa - waxa caawa ka da'ay magaalada Hargeysa roobkii ugu weynaa ee muddo sanado ah ka da'a caasimada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, roobkaasi oo da'ayay muddo sadex saacadood ah ayaan geysan khasaare buuran.

Roobkan oo watay dabalaylo iyo dhagaxaan ayaa kala xidhay muddo saacado ah isku socodka magaalada, waxaanu roobaasi uu waxyeelo uu soo gaadhsiiyay qaar ka mid ah jidadka liitay ee caasimada Hargeysa.

Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo aanu caawa wax ka weydiinay khasaaraha roobka , ayaa sheegay in roobkan oo si weyn uga da'ay inta badan deegaamada gobolka Maroodi-jeex aanu geysan khasaare laxaadle.

"Markii aanu la xidhiidhnay degmooyinka gobolka Maroodi jeex oo dhan waxa naloo sheegay inuu jiro Guri qudha oo ku yaala xaafada Maxamed Mooge inuu ka qaaday jiingadii. Waxa kale oo naloo sheegay inay jiraan guryo uu daad galay,"ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Hargeysa.

Badhasaabku waxa kale oo uu tilmaamay in daad u galay laba saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Hargeysa isla markaana laga daad gureeyay maxaabiistii ku jirtay oo loo wareejiyay qolal kale.

Daadadkii ka dhashay roobka ayaa xalay xanibay baabuurta yar yar ee raaxadda, waxaana wadooyinka lagu arkay baabuur ku xanibmay dariiqyada magaalada.

Dhinaca kale, Roobkan ayaa si weyn uga da'ay dhamaan degmooyinka hoos yimaada Gobolka Hargeysa.

Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com

No comments:

Post a Comment