05 August, 2011

Odayaal Madax dhaqameeyo iyo Xildhibaano Ka Soo Jeeda beelaha Ciidagale.......

Odayaal Madax dhaqameeyo iyo Xildhibaano Ka Soo Jeeda beelaha Ciidagale ee Hargeysa oo sheegay in hadalkii Suldaan Maxamed uu isaga gaar u yahay

Hargeysa/ToggaHerer 05 Aug 2011

Odayaal , Salaadiin , Cuqaal, Xildhibaano ka tirsan Beelaha Ciidagale ee Hargeysa ayaa shir Jaraa`id oo ay qabteen ku sheegay in hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan  Maxamed Suldaan CabdiQaadir Suldaan Cabdilaahi uu keli ku yahay.

Odayaashan ayaa sheegay in marka laga tago Xilka guud ee Suldaanimo, uu Suldaanku leeyahay aragti iyo Fikir Gaar ah kaas oo uu ku cabiro karo dareenkiisa sidaa Darteedna uu Fikirku yahay mid Suldaanka gaar u ah.

Xubnahan Shirka Jaraa`id Qabtay ayaa kala ahaa Suldaan Cali Baane , Boqor Raabi Cabdilaahi , Xildhibaan Xaaji Cabdi kariim Xuseen Yusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) , Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin Dheeg, Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Diir Qadhaadh ,Caaqil Cabdi Wali Jaamac iyo Xubno kale.

Xaaji CabdiKariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ugu horeyn Shirkaa Jaraa`id ka hadlay ayaa sheegay "Halkan waxa iskugu yimid odayaashii beesha Ciidagalle waxaanu ka shiraynaa oo aanu Saxaafadda ugu yeedhnay hadalkii Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir uu Saxaafada ka sheegay , Odayaashu hadalkaasi Suldaanka waxay u arkeen meel ka dhac oo uu Madaxweynaha meel kaga dhacay waana aanu ka xaal bixinaynaa madaxweynahana waanu ka raali gelinaynaa."

"Madaxweynaha xaal ayaanu ka siinaynaa dul lagu qaado madaxweyne ayaa lehe dul qaado ayaanu leenahay, wax suldaan Maxamed hadalkaasi la qaba oo odaya ama beesha ahi ma jiro. Beeshu waxay isku raacday inay hadalkaasi diidan yihiin,"

Xaaji Cabdi Xuseen ayaa mar uu ka hadlaayay Arrinta in Siilaanyo lagu yidhi Noqo Madaxweynaha Somaliya waxaa uu yidhi "Shirarka beeshu yeelatay waxaanu ku mamnuucnay in colaad la abuuro iyo in mudaharaad la sameeyo, Dawladani wax wanaagsan oo aan la tirin Karin ayay qabatay. Waxa uu yidhi Suldaanku Madaxweynaha ayaa lagu yidhi madaxweynaha Soomaaliya oo dhan noqo, waxaanu leenahay arrintaasi waxa lagu bilaabay Marxuum  CabdiRaxmaan Axmed Cali, waxa lagu xigsiiyay oo isna lagu yidhi Marxuum Cigaal, waxa kale oo lagu yidhi Rayaale midna ma yeelin hadalkaasi Madaxweynahana ma yeelayo lamana hadal hayo wax uu madaxweynuhu ku jirana ma aha arrintaasi.hadalkaasi waanu kaa xaal marinaynaaye'e naga gudoomo."

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) ayaa isna ka hadaly Shirka Jaraa`id waxanu yidhi"Khilaafka UCID anigu waxaan leeyahay ILAAHAY baa fududeeyoo waa la furay asxsaabtii oo waxay taagan tahay ninkii banaayoow lagu fasax, wax la isku qabqabsadaana ma yaalaan ninkii dad haystaaba urur siyaasadeed ayuu furanayaa Beeshayadu haddii ay is lahayd xisbiga UCID waad ku soo tacabteen oo hawl baa idinka gaadhay haddii kan laga qaado dee mid kaleba way furan ama kay ku soo tabceen ayaaba loo dayn iyada arrintaasi wax dhib ah oo ku jiraa ma jirto iyo wax la yidhaahdo beel baa ka dagaalamaysa midna ma jiro."

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaah ayaa isna Yidhi "Marka ugu horaysa arrintaasi waxaanu ka bixinaynaa raaligelin waxaanan caddaynaynaa inaan la qabin hadalada deel qaafka iyo kicinta ah ee uu ku hadlay Ina CabdiQaadir. Aad iyo aad ayaanu dadka xaal uga siinaynaa ugana raali gelinaynaa hadalkaasi oo suldaankaas kali ku ahaa."

"Waxa kale oo aanu xasuusinaynaa ummadda dagaalka uu iclaaminayo Suldaan Maxamed waa kii kan ka horeeyay uu Tuutaha u soo xidhay kiibaanay waxba ka gaadhin ayaan filayaa waxay ahayd in lagu ciqaabo oo dunuubtiisana la mariyo. Inuu maanta dagaal kale ku celiyo oo uu dad kale ku laayo ma aha mid beeshu ay ka yeelayso,".

Boqor Raabi oo ka hadlayay khilaafka xisbiga UCID waxa uu yidhi "Khilaafka xisbiga UCID arrintiisii faraha ayaanu ku haynaa beel ahaan xisbiga madaxdiisii ayaa xoogaa khilaaf ahi dhex maray waligeed baanay dhici jirtay. Waxaanu rajaynaynaa inaanu xisbiga sidii ku soo celino waxaanu madaxda kala duwan ee xisbiga u soo jeedinaynaa inay u dhego nuglaadaan tallooyinkayaga nasteexa ah."

Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Qaalib (Diirqadhaadh) oo isna ka hadaly Shirka Jaraa`id ayaa sheegay "Madaxweynaha Somaliland ee uu cambaareeyay Suldaanku waa kii u soo kifaaxay wadanka ee halkan soo gaadhsiiyay, nin la odhan karo halkaas uun mar ma aha, waxaanu leenahay Madaxweyne raali gelin ayaanu kaa siinaynaa hadalka deel qaafka ah ee Suldaanka kaa soo gaadhay,"

Shirkan Jaraa`id ee ay qabteen  Madax dhaqameedkan iyo Xildhibaanadan ka tirsan Golaha Guurtida  ayaa ahaa mid la hadal hayay labadii maalmood ee u danbeeyey iyada oo ay xukuumadu Waday abaabul ay kaga Hortagayso Hadalkii Suldaan Maxamed uu Maalintii dhawayd ku Duray Xukuumada Siilaanyo .

Warqbadka ToggaHerer

Hargeysa

Somaliland

No comments:

Post a Comment