15 August, 2011

Maxkamada Hargeysa oo Xukn Xadhig ah iyo Soo celin Hanti la lunsaday ku riday

Maxkamada Hargeysa oo Xukn Xadhig ah iyo Soo celin Hanti la lunsaday ku riday Agaasimihii Maamulka iyo lacagta ee Wasaarada Waxbarashada iyo Agaasimihii Xarunta Agoomaha Hargeysa
 

Maxkamada Hargeysa oo Xukn Xadhig ah iyo Soo celin Hanti la lunsaday ku riday Agaasimihii Maamulka iyo lacagta ee Wasaarada Waxbarashada iyo Agaasimihii Xarunta Agoomaha Hargeysa

Foto File:Labada Eedeysane ee Ay Maxkamadu Xukuntay Sawiradooda Midig Ibraahim Gadiid Bidix Cabdirisaaq Kildhi

Hargeysa/ToggaHerer 15 Aug 2011

Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta Xukuno Kala Duwan ku Riday Agaasimhii Maamulka Iyo lacagta ee Wasaarada Waxbarashada Jamhuuriyada Somaliland Ibraahim Aamin Gadiid iyo Agaasimihii Xarunta Agoomaha Hargeysa CabdiRisaaq Cabdilaahi Maxamed (CabdiRisaaq Kildhi).

Labadan Masuul ayay maxkamdu Sheegtay in lagu helay Lunsi Hanti Qaran Maxkamada Ayaa ku dhawaaqday Xukunka labadan Nin ka dib markii ay in muddo ah dhagaysanaysay  Dacwadooda.

 Ka dib Dhegaysiga iyo eedeynta loo soo jeediyey Waxay Maxkamadu ku xukuntay Eedeysane  Ibraahim Aamin Gadiid Shan Sanno oo Xadhig ah iyo in uu soo celiyo Lacag cadaan ah oo sifo Sharciga k baxasan uu u qaatay kana qaaday hayadaha Samafalka ee la hawlgala Wasaarada Waxbarashada lacagtaas oo dhan 10,7000 oo ah lacagta Maraykanka ee Dollarka iyo Lacag Somaliland Shilling ah oo dhan 110 Milyan oo Wasaarada Waxbrashadu lahayd .

 Agaasimihii Xarunta Agoomaha Hargeysa CabdiRisaaq Cabdilaahi Maxamed (CabdiRisaaq Kildhi) ayaa waxa ay maxkamadu ku xukuntay Shan Sanno oo Xadhig ah  waxaanay maxkamadu ku Heshay in uu lunsaday Raashin ay laahaayeen Xarunta Agoomaha Hargeysa waxayna maxkamadu Go`aamisay in Labadaa Nin ee la xukumay in ay si wada jir ah u soo celiyaan Lacag Dhan 70 Milyan oo Somaliland Shillings ah oo ay si wadajir ah u musuqmaasuqeen una lunsadeen.

 Xukunkan ayaa Noqonaya kii  u horeeyey ee Noociisa ah ee ay Maxkamada Hargeysa Xukunto Tan iyo Intii Somaliland ta Cusubi dhalatay tan iyo !991 kii.

Hore ayay Maxkamadaha Gabiley iyo Togdheer U xukmeen eedeysanyaal ku eedeysan Lunsi hanti qaran Halka qaarkoodna ay ka socoto Dhegaysiga Dacwadahaasi.

No comments:

Post a Comment