06 August, 2011

Madaxweynaha JSL, waxa uu Digreeto Madaxweyne ku Magacaabay Guddiga Tacliinta Sare ee JSL (Higher Education Commission)

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne ku Magacaabay Guddiga Tacliinta Sare ee JSL (Higher Education Commission)

  Date: 06/08/2011

Warsaxaafadeed

 Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne ku Magacaabay Guddiga Tacliinta Sare ee JSL (Higher Education Commission) oo baahi weyn loo qabay Gudiddan oo aan hore u jirin.

Madaxweynuhu waxa uu digreetadiisa ku yidhi:-
 

Markuu Arkay:                                      Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                                      Qoraalka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee MOE&HE/01/176-217/11 kuna taariikhaysan 21/07/2011,

Markuu Ka Baaraandegey:                    Xeer Hoosaadka Guddida Tacliinta Sare ee JSL,

Markuu Tixgeliyey:                                Ahmiyadda Tacliinta Sare (Higher Education) u leedahaya dhismaha Qaranka,

 Markuu Arkay:                                      In baahi loo qabo buuxinta Xubnaha Guddida Tacliinta Sare ee JSL,

 Wuxuu go'aansaday

In uu magacaabao Guddiga Tacliinta Sare ee JSL (Higher Education Commission), Guddigaas oo ka kooban 11 xubnood oo ah Guddiga Guud (The Commission) iyo 4

xubnood oo ah Maamulka Fulinta (Executive Secretariat), waana sidan hoos ku xusan:

A.       Guddiga Guud (The Commission):

1.    Zamzam Cabdi Aden                                   Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada    (Chairperson)

2.   Saleebaan Axmed Guleed                             Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud   (Vice Chairperson)

3.       Siciid Axmed Xasan                                    Gudoomiyaha Jaamacadda Golis

4.       Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale                  Gudoomiyaha Jaamacadda Burco

5.       Edna Aden Ismaaciil                                     Gudoomiyaha Jaamacadda Edna Hospital

6.       Xasan Cabdi Madar                                      Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL

7.        Jaamac Axmed Maxamed                             Agaasimaha Guud ee Wasaaradda     Maaliyadda

8.       Khadar Axmed Diriye                                   Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee W/ Waxbarashada

9.       Cabdirashiid Axmed Guleed              Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka

10.    Sucaad Ibraahim Cabdi

11.       Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

B.      Guddiga Guud (Executive Secretariat):

1.    Xuseen Xaaji Xasan Guleed                            Chairman

2.    Maxamed Xaashi Dhamac                             Vice Chairman

3.    Aden Xaaji Baxnaan

4.        Siciid M. Daahir

Guddigu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka iyo Xeer-hoosaadka halka ku lifaaqan.

ALLAA                         MAHAD                             LEH

 
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

No comments:

Post a Comment