06 January, 2011

Wasiirka Caafimaadka Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Heshiisyo Uu La Galay Hay’addo

Wasiirka Caafimaadka Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Heshiisyo Uu La Galay Hay'addo

Hargaysa (Somaliland.org)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland
Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Xoog) ayaa sheegay in ay kor u qaadeen
tayada adeegyaddii Caafimaad ee Cisbitaalada Dalka, isla markaana
Masuuliyadda iyo maalgelinta goobahaasi ay ku wareejiyeen qaar kamida
Hay'addaha Caalamiga ah ee ka hawl gala dalka.

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu maanta horgatay Guddida
hoosaadka joogtada ee Golaha Guurtida, waxaanu kulankaasi faahfaahin
dheer kaga bixiyay Heshiisyo ay dhawaan la galeen qaarkamida
Hay'addaha Caalamiga ah, Xaaladda iyo Baahiyaha Caafimaad ee dalka ka
jira iyo waxyaabihii u qabsoomay wasaaraddiisa intii uu xilka hayay.

Dr. Xuseen Xoog isaga oo ugu horayn ka hadlaya xaaladda Cisbitaalada
iyo goobaha Caafimaad ee gobolka Saaxil waxa uu yidhi "Waxaanu
samaynay Barnaamijyo Heshiisyo ah, Cisbitaalka Gobolka Saaxil sida uu
u dhan yahay laga bilaabo bishan koowaad, shaqaalihiisa, hawshiisa iyo
dhismayaashiisaba waxaanu ku wareejinay Hay'ad, waxay naga haynaysaa
saddex sannadood. Waxaa la samaynayaa goobo caafimaad oo sidii
cisbitaalada oo kale soddon sariirood yaalaan oo la kala dhigayo
tuulooyinka Abdaal iyo Go'ada-wayn, Bullaxaarna waxaa laga samaynayaa
MCH. Cisbitaalka Berberana dib u dhis iyo qalabayn ayaa lagu
samaynayaa, Goobahaas Caafimaad ee la sameeyay wixii wax lagaga qaban
kariwaayo ayaa Berbera loo dirayaa."

Wasiirku isaga oo ka hadlaya heshiiska ay la galeen Hay'adda ay ku
wareejiyeen Cisbitaalada iyo goobaha caafimaad ee gobolka Togdheer
waxa uu yidhi "Gobolka Togdheer waxa aanu ku wareejinay Hay'ad,
heshiiskiina waanu saxeexnay, dib u dhiskii iyo qalabayntii ayay
wadaan. Mushaharkii shaqaalaha hadda ayay u bilaabayaan. Dhaktarka Kun
iyo boqol doolar (1100$) oo mushahar ah ayay siinayaan,
Kalkaaliyayaasha waxay siinayaan 500 $ oo mushahar ah, waashmaanka iyo
nadiifiyaha waxay siinayaan 200 $ oo mushahar ah, hawshaasina way
inaga hagaagaysaa, muddo saddex sannadood ah ayayna inaga haynayaan."

Dr. Xuseen Xoog mar uu ka hadlayay xaaladda Caafimaad ee gobolka
Sanaag iyo sida ay wax uga qabteen adeegyadii caafimaad ee gobolkaas
waxa uu yidhi "Gobolka Sanaag, dhibaatada ugu badani halkaas ayay ka
jirijirtay, sababta oo ah waa gobolka inoogu fog, waanu waddo
xunyahay, isaguna wuu kala fogyahay inagana wuu inaga fogyahay. Markaa
runtii Cisbitaalkiisu shaqo badan ma qaban jirin, dhakhtar wax qalaa
ma joogin, inkasta oo dhakhaatiir badani u dhalatay gobolka haddana
Burco iyo Hargaysa ayay uga soo shaqo tageen, wuu dayacnaa gobolku.
Qofka Tooray lagu dhufto ama xabad ee qalliinka u baahan, Hooyada ilmo
isku gudbo ee u baahan in Ilmihii lagu qalaa Saraar ayay ku dhiman
jirtay inta ay soo socoto, hawshaa hadda waxa lagaga bogsaday Hay'adda
MSF Holland oo Cisbitaalkii la wareegtay , hawshaa waanu ka raysanay,
Dumarkii Saraar ku dhiman jirayna ILLAAHAY wuu uga reeyay."

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadku waxa kale oo uu ka hadlay kormeero ay
ku sameeyeen dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo ay ugu
kuur-gelayeen xaaladahooda Caafimaad, waxaanu yidhi "Gobolada dalka oo
dhan waxaanu ku samaynay kormeer, meel kasta waanu istaagnay,
xaaladdeeda iyo waxa ay ku sugantahayba waanu soo qiimaynay,
baahiyahana sida ay u kala daran yihiin ayaanu u kala daboolaynaa.
Waxa kale oo aanu samaynay barnaamij la yidhaahdo Subax wanaagsan oo
lixda gobolba aanu ka hirgelinay, siddeeda subaxnimo ayaa waxa naloo
keenaa warqad Foom ah oo lagaga hadlayo wixii dhibaato dhacay gobol
kasta, ciddii gaadhi la dhacay, ciddii xabad lagu dhuftay, ciddii ilmo
lagu qalay iyo ciddii indho loo jeexay, marka aanu warbixintaa helno
haddii uu gobolku dhamaystiri kariwaayo koox caafimaad ayaanu halkan
ka dirnaa oo hawshaa ka soo qabta."

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.org/Hargaysa

cumarmfaarax@hotmail.com

No comments:

Post a Comment