11 January, 2011

Warbixin: Safarka Madaxweyne Siilaanyo uu ku joogo Berbera iyo soo dhaweyntiisii

 

http://waaheen.com/wp-content/uploads/2011/01/IMG_0648-300x224.jpg

Berbera (Qaran news): Madaxaweynaha jamhuuriyada soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta booqashadisii ugu horeysay intii uu xukunka dalka hayay kuyimi magaalada Berbera waftiga madaxweynaha boqashadiisa ku wehelinaayay xubno fara badan oo katirsan xukumada soomaaliland oo ay kamid yihiin wasiiro.agaasimayaal katirsan wasaaradaha dawlada. Chief of cabinetka madaxtoyada. baratakoolka madaxtooyada. iyo xildhibaano tiro badan oo ka kala tirsan baarlamaanka iyo guurtidaba.

http://waaheen.com/wp-content/uploads/2011/01/IMG_0668-300x224.jpg

Waftigan madaxweynuhu hogaaminayo ayaa siweyn loogu sii diyaar garoobay waxaana saaka salaadii subax magaalada lagu arkaayay gaadiid waaweyn iyo yarba leh oo laga lulay calanka soomaaliland iyo sawirada madaxweynaha oo noocyo badana halka ay dadweynuhuna ku labisnaayeen garo iyo koofiyado uu kuyaalo sawirka madaxweynaha iyo calanka soomaaliland iyo waliba iyaga oo lulaayay caleemo qoyan gaadiidka ayaa magaalada uga sii baxaayay dhinaca wadada galbeedka magaalada Berbera iyaga oo ay saran yihiin dadweyne tiro badani waxanay waftiga kaga hortageen meesha layidhaahdo cumar kujoog oo dacar budhuq ka soo sokeysa waana masaafo dhan (80km) waana halka kala badha Berbera iyo hargeysa halkaas oo ay kusii diyaar ahaayeen masuuliyiinta heer gobol heer degmo.maamulka dekeda iyo masuuliyiinta laamaha dawlada oo dhan waxa iyaguna iskood isu sii abaabulay oo siweyn ugu soo baxay soo dhaweyna madaxweynaha iyo waftiga lasocdaba dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya Berbera iyo hargeysa bulshooyinka deegaanada ku dhaqanina waxa madaxweynaha u soo dhaweeyeen si aan hore loo arag halka uu madaxweynaha iyo waftigiisuba ay istaagayeen deegaanadaa madaxweynuhuna uu dadweynahaa mid mid u salaamayay.

http://waaheen.com/wp-content/uploads/2011/01/IMG_0651-300x224.jpg

Dhinaca kale waxa ay masuuliyiinta dawlada ee magaalada Berbera oo dhami ay laamiyada soo tubeen shaqaalaha ay xukumaan oo iyagu ku labisnaa dereysyada ay ku shaqeeyaan waxaanay utaagnaayeen laan waliba goono waxaana maanta aan jirin wax shaqo ah oo laqabtay magaalada berbera shicib iyo shaqaale iyo masuuliyiinba waxa lagu hawlanaa soo dhaweynta waftiga uu madaxweynuhu hogaaminayo.

Sidoo kale maamulka wasaarada waxbarashada ee berbera ayaa iyana silayaable usoo abaabulay ardayda iskuulada oo kulabisnaa direysyada ugaarka ah iskuul waliba.

Haddaba madaxweynaha ayaa Berbera loogu soo dhaweeyay si aan hore loo arag oo aad u diiran isaga qudhiisuna uu mabsuud ku noqday madaxweynaha ayaa kaataroolka Berbera soo gaadhay 10.00 subaxnimo waxaanu booqashadiisa koowaad kabilaabay garoonka diyaaradaha ee Berbera halkaas oo laga hirgaliyay adeegyo aan hore uga jirin madaarka dib uhabeyn balaadhana lagu sameeyay waxaanu madaxweynuhu xadhiga kjaray terminalkii labaad ee halkaa laga dhisay mudadii ay xukumadiisu shaqeynaysay waxaanu madaxweynuhu isla madaarka salaam sharaf kaga qaatay cutubyo katirsan ciidamada qaranka soomaalilan oo iyagu halkaa diyaar kusii ahaa kadibna waxa uu waftigii madaxweynuhu soo gaadhay magaalada waxaanu dib xadhiga uga jaray (8)sideedii wado ee dawlada hoose ee berberi hirgalisay qaar kamida oo sadexa.

http://waaheen.com/wp-content/uploads/2011/01/DSC00852-300x225.jpg

Kadibna waxa uu madaxweynaha iyo waftigisaba loo galbiyay dhinaca dekeda berberra halkaas oo uu maareeyaha dekeda Axmed Yuusuf Dirir isna kusoo bandhigay waxqabadyadii uu qabtay mudada yar ee uu maamulayay dekeda waxaana kamid ahaa wiishashka wax roga waxna rara oo (4)afara iyo gaadiidka waaweyn ee dhismaha iyo hal ambalaas oo gargaarka deg dega ah iyo waliba xarunta caafimaadka ee dekeda iyo beebeka iyo maraakibtu biyaha ka dhaansadaan isaga oo maareeyuhu madaxweynaha meelkasta warbixin kasiinaayay isaga oo maareeyuhu markii danbe madaxweynaha kormeer kusoo mariyay qeyb kamid barxada weyn ee dekeda oo maareeyuhu dib udhis kusameeyay kadib markii ay daacday oo dhameyd (180mt)boqol iyo sideetan mitir.

Ugu danbeyntiina waxa uu madaxweynuhu uu kulan soo dhaweyn iyo warbixinaba kula qaatay masuuliyiinta laamaha dawlada ee kala duwan xarunta dawlada hoose ee Berbera halkaas, waxaana halkaa madaxweynaha warbixino kusiiyay Duqa Degmada Berbera Cabdale Maxamed Carab iyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax) waxaana ugu horeyn halkaa madaxweynaha warbixin kusiiyay maayarka degmada Berbera waxaana hadaladiisii kamida ahaa sedan”waxa sharaf noo ah hadii aanu nahay masuuliyiinta gobolka saaxil ee heer degmo iyo mid gobolba in uu maanta Berbera nagu soo siyaartay madaxweynaha soomaaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)oo Berbera ugu deeqay booqashadiisa koowaad ee gobolada dalka intii uu talada dalka qabtay waana wax lagu faano booqashadaa koowaad ee madaxweynuh nasiiyay hadaanu nahay reer Berbera mudane madaxweyne kusoo dhawoow qalbi furan iyo niyad sami mudane madaxweyne su.aasha had iyo jeer lays weydiiyaa ee waliba anaga dawlad hoose ahaan nala weydiiyaa waa tolaw dawlada cusubi durbaba ma waxay gobolkan siisay dakhli dib loogu dhiso bilicda magaalada mudane madaxweyne taas jawaabteediina waxay noqotay dawlada cusubi wali may saldhigi oo miisaaniyadii maybaas gareyne waxa wada shaqeynaya burjiga madaxweyne siilaanyo iyo burjiga magaalada berber waxaas oo su.aalana waxa keenay waxqabadyada aad arkeyso ee gobolka ka hirgalay haday noqoto madaarka sida weyn loo dayactiray iyo wadooyinkaa aad xadhiga nooga jartay iyo dekeda oo iyadana aad looga shaqeeyay qalab badana lagu soo kordhiyay markaa madaweyne waxan aad ugu faraxsanay masuuliyiinta da.da yaryar ee aad noo soo magacawday ee ay kamidka yihiin gudoomiyaha gobolka iyo maareeyaha dekeda..waxa isna kelmado kooban halkaa ka yidhi badhasaabka gobolka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)waxaana kamid ahaa” waxanu aad ugu faraxsanahay booqashada aad nasoo booqatay mudane madaxweyne iyada oo gobolkan laga hirgaliyay mashaariic waaweyn oo aad adiguba indhahaayga kusoo aragtay madaxweyne wixii warbixina waxaanu kugu siin doonaa qoraal.

Intaa kadib waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf gudoonsiiyay maayarka degmada Cabdale Maxamed Carab iyo maareeyaha dekeda berber Axmed Yuusuf Diri iyo wasiirada duulista hawada Maxamuud Xashi Cabdi iyo wasiirka caafimaadka ee s/land Dr xuseen Muxumed Maxamuud oo isaguna gobolkan dhinaca caafimaadka waxweyn ka qabtay waxaana hadaladii madaxweynaha kamid ahaa”waxaan aad mabsuud ugu ahay soo dhaweynta aad nasoo dhaweyseen ilaa iyo intii aanu soo gaadhnay xuduuda gobolka saxil waxan marka labaad maamulka dawlada hoose iyo ka gobolka iyo maamulka dekedaba ku hambalyaynayaa waxqabadka muuqda ee ay sameeyeen muda yar waana mid mudan in lagaga deydo walaalayal dekedu waa halbawlaha dhaqaalaha ee dalka waana meel qiimo weyn inoogu fadhida inaga iyo madaqada aynu kunaanoloba waxaannan reer Berbera leeyahay walaalayaal sidaa wax uqabsada oo dadaala waxanan ilaahay idiinka baryayaa in uu dadaalkiina idiin aqbalo.

Hadii aynu dib u eegno maanta iyo soo dhaweynta madaxweynaha ayaa la odhankaraa waa soo dhaweyntii ugu balaadhneyd ee loo sameeyo madaxweyne iyada oo manta soo dhaweynta madaxweynaha lagu dhex arkaayay xubnihii ugu mihiimsanaa ee dawladii xisbigii udub ee uu madaxweynaha ka ahaa daair riyaale ee gobolkan kasoo jeedey sida maareeyihii hore ee dekeda Berbera iyo cali xorxor iyo wasiirkii hore ee waxbarashada s/landd xasan xaji maxmuud(Gadhweyne)oo iyaga qudhoodu sitay koofiyado uu ku sawiran yahay madaxweyne(Siilaanyo).

 

Waaheen

 

No comments:

Post a Comment