10 January, 2011

Guri Caawa Ku Shuf-beelay Magaalada Hargaysa

Guri Caawa Ku Shuf-beelay Magaalada Hargaysa

Hargaysa (Somaliland.org) Guri ku yaala xaafada Xero Awr ee degmada
Ibraahin Kood Buur ee magaalada Hargaysa ayaa caawa shuf beelay kadib
markii uu gubay sida la sheegay shoodh ka dhashay laydhkii gurigaasi
ku jiray.

Hantidii dhex taalay gurigaasi ayaa ku shuf beeshay dabkaas, iyada oo
khasaare ballaadhanina soo gaadhay dhismaha saqafka sare ee guraas,
sida uu shabakada Somaliland.org u sheegay mid kamida qoyska gurigaas
degaanaa. Dadwaynaha xaafadaas ku dhaqan ayaa u gurmaday deminta
dabkii gurigaasi qabsaday.

Gurigan ayaa dabku qabsaday abaaro kowdii iyo badhkii habeenimo,
waxaana Gaadhiga dabdamiska Madaarka Hargaysa soo gaadhay xili dambe
Guriga gubtay, oo badi hantidii gurigaasi dhex taalay ay shuf beeshay.

Magaalada Hargaysa ayaa maalin walba guryuhu gubtaan iyada oo
dabkaasina badanaa uu ka dhasho qaabka laydhka loo geliyo guryaha
magaalada.

Badhasaabka Magaalada Hargaysa Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi
(Xamarje) ayaa booqday gurigaasi dabku qabsaday, waxaanu sheegay in uu
ka xunyahay khasaaraha soo gaadhay qoyskan, isaga oo ILLAAHAYNA uga
baryay in uu cawil naq degdega siiyo.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.org/Hargaysa

No comments:

Post a Comment