21 December, 2010

Wararkii Wargeyska DAWAN ee Cadadkii 20/12/2010

Wasiirka Kalluumaysiga Oo Sii Daayay Laba Markab Oo Ay Soo Qabteen
Ciidamadda Ilaalada Xeebuhu


Hargeysa (DAWAN)- Xukuumada Somaliland ayaa shalay sii daysay laba
Markab oo ka mid ahaa afar Markab oo ay Ciidamada ilaalada xeebahu 17-
kii bishan Dicembar ka soo qabteen xeebta galbeedka ee magaalada
Saylac, oo ay sifo sharci darro ah uga kalluumaysanayay.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in labadan markab ay ruqsad ka haysteen
Wasaaradda Kaluumaysiga waxaana la sheegay in hore ay u bixiyeen
lacag dhan $10 kun. labadan markab ayaa lagu sii daayay uu qoraal u
soo qoray ciidamada ilaalada xeebaha Wasiirka kalluumaysiga iyo
khayraadka badda.

Labadan markab ee kale oo lagu hayo jasiirada Sacaada diin waxa la
sheegay inuu leeyahay nin muwaadin ah oo magaciisa la yidhaahdo Axmed
Yuusuf Dhoolayare, waxaana sida la sheegay ay ruqsad ka haystaan
Agaasimaha Guud ee wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda
C/Raxmaan Cawil.

Illaa imika lama garanayo sababta labada markab ee shisheeyaha ahna
loo sii daayay maraakiibtii muwaadinkaasna wali loo haysto.

Dhinaca kale, Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Md.
Maxamed Yaasiin Xasan oo aanu xalay isku deynay inaanu arrintan wax
ka weydiino ayay noo suurto geli wayday inaanu helo ka dib markii uu
Telefoonka qaban waayay.

Geesta kalena waxa xeebta galbeedka Somliland ayaa noqotay marin cusub
oo ay ka tahriibaan dad ka yimaada koonfurta dalka qalalaasuhu ka jiro
ee Somalia, waxaana la sheegay inay sii raacaan doonyaha keena
shiidaalka, waxa lagu eedeeyaa masuuliyiinta ciidamadda ammaanka ee
gobolka Salal inay dadkaasi socotada ah ka qaataan lacago.

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Diyaaradii Madaarka Hargeysa Ku
Xidhan ee Puntland Ku Socotay

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga
ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay inay
qaramadda midoobay u gudbiyeen baadhista diyaaraddii dirayska
ciidamadda iyo saanadda milatari u siday maamul goboleedka Puntland ee
tobankii cisho ee la soo dhaafay ku xidhnayd Madaarka Hargeysa ka dib
markii ay soo wajahday shiidaal yaraani.

Wasiirka arrimaha dibada ahna Guddoomiyaha Guddi Madaxweynuhu u saaray
baadhista diyaaradaasi oo u waramayay laanta af soomaaliga ee BBC-da
wuxuu yidhi "Guddidii Madaxweynuhu u saaray arrintan diyaaradda
waxaanu yeelanay fadhiyo arrintan ku saabsan. Waxaa arrintan marka
hore waxa baadhisteeda gacanta ku haysa ciidanka Baadhista dambiyada.
Hawshii baadhistuna wali way socotaa. Qalabkii diyaaradaasi siday iyo
dadkii saarnaaba waxa loo gudbiyay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka."

Wasiirku wuxuu sheegay inay arrinta diyaaradaasi ku wargeliyeen golaha
ammaanka ee qaramada midoobay waxaanu yidhi "Waxaanu xidhiidh la
sameynayay xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca Nabadgelyada
oo aanu ku wargelinay inaanu aaminsan nahay in qalabka ay diyaaraddani
sidaa oo ah dharka milatarigu xidhaan iyo agab kale ay ka hor imanayso
go'aankii ka soo baxay golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ee
mamnuucayay ka ganacsiga iyo rarida hubka, qalabka Milatariga ee
mandaqadda geeska Afrika.markaa Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland
waxay qaramada midoobay ka dalbatay in khuburo ka tirsan qaramada
midoobay u soo diraan diyaaradan si ay u baadhaan khubaradiina way
timid waxaanay baadhis ku sameeyeen qalabka diyaarada saaran. Waxa
kale oo ay waraysteen duuliyeyaashii diyaaradaasi waxaanay muujiyeen
khubaraddu tuhunkii aanu markii horeba qabnay.waxaanay meel ka dhac ku
tahay go'aamaddii qaramada midoobay."

Wasiirka Arrimaha dibada oo ka jawaabayay su'aal ahayd halka ay rasmi
ahaan ka timid diyaaradaasi wuxuu yidhi "Baadhitaankii ay ciidamadda
baadhista Somaliland samayeeyeen iyo kuwii khubaradii caalamiga ahayd
sameeyeenba waxay caddaysay in diyaaradani ay ka soo duushay magaalada
kampalla ee dalka Ugaandha waxaanay ku socotay magaalada Boosaaso ee
maamul goboleedka Puntland. Waxaanay soo fadhiisatay madaarka Hargeysa
ka dib markii ay sheegatay inay shiidaal yaraani soo waajahday.
Arrintan waxa iska kaashanaya xukuumadda Somaliland iyo qaramada
midoobay."

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu sheegay in hawl wadeenada
diyaaradan oo tiradoodu lix qof tahay ay maxkamadeyn doonaan isla
markaana la sii dayn doono laba qof oo u dhashay Koonfur afrika oo
rakaab ahaan u saarnaa diyaaradaasi.

Dhinaca kale, xeer Ilaalinta guud ee qaranka ayaa sheegtay inay sii
daynayayso laba suxufi oo u dhashay Koonfur afrika oo saarnaa
diyaaradaasi kuwaasi oo u shaqeeya Telefishan Maraykan ah.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland wuxuu soo dhaweeyay
afti u qaadista madax banaanida laga qabanayo Koonfurta Sudan bisha
fooda inagu soo haya isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi
"Waxaan soo dhawaynayaa haddii ay shacbiga ku dhaqan koonfurta dalka
Sudan ay soo doortaan inay noqdaan qaran madax banaan.

Xeer Ilaaliyaha Guud Oo Sheegay Inay Sii Daynayaan Laba Suxufi Oo
Saarnaa Diyaarada Hargeysa ku Xidhan

Hargeysa (DAWAN)- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland Xasan Axmed
Aadan, ayaa sheegay in wax dambi ah lagu waayay laba Nin oo Suxufiyiin
ah oo saarnaa diyaaraddii u socotay magaalada Boosaaso ee maamul
goboleedka Puntland, muddada tobanka cisho ah ku xidhan madaarka
Hargeysa oo ay soo fadhiisatay markii shiidaal yaraani soo waajahday.

Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka oo xalay khadka Telefoonka aanu kula
xidhiidhnay ayaa sheegay in wax dambi ah aan lagu haynin labadii
suxufi oo saarnaa diyaaradaasi isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu
yidhi "Labada nin ee suxufiyiin ah ee u dhashay Koonfur Afrika wax
dambi ah waa lagu waayay, waxay filim la sameynayeen shirkada
Puntland ciidamada u tababaraysa, waa la sii daynayaa."

Xeer Ilaaliyuhu wuxuu sheegay inay labada dawlood ee Somaliland iyo
Koonfur Afrika ka wada hadleen sidii loo sii dayn lahaa Suxufiyiintan.

"Lixda nin ee shaqaalaha Diyaarada ahaa ee Ruushaka ku dhashayna sida
ugu dhakhsaha badan ayaanu maxkamad u horgeynaynaa waxaana loo haystaa
inay si sharci darro ah u soo galeen hawada Somaliland iyagoo aan
fasax u haysan, isla markaana ay ka been sheegeen wixii ay sideen.waxa
kale oo ay ku eedeysan yihiin agab iyo hub sharci darro ah
siddeen,"ayuu yidhi Xasan Axmed Aadan.

Biyo Yaraan Ba'an oo Soo Food Saartay Buuhoodle Iyo Sicir Barar
Saameyay Nolashii danyarta

Buuhoodle (DAWAN)- Magaalada Buuhoodle iyo deegaamada hoos yimaada
waxa soo waajahay xaalad biyo yaraan ah oo ba'an, waxaana qaaliyoobay
qiimaha biyaha. Biyo yaraanta Magaaladaasi waxa sababay roobkii
dayrta oo yaraa.

Foostada biyaha ah ayaa gaadhay 2 Dollar waxaanay arrintaasi saamayn
xun ku yeelatay qoysaska danyarta ah ee degan deegaamadda Buuhoodle.
Waxa magaalada Buuhoodle dadweynuhu ka cabaan laba Riig oo halkaasi ku
yaala hase yeeshee waa biyo qadhaadh oo aad u adag. Dhinaca kale, sida
uu ku soo waramayo weriyahayaga Magaalada Buuhoodle waxa kale oo
qaaliyoobay qiimaha lagu iibiyo maceeshada daruuriga ah ka dib markii
dhawaan shaqaaqaqdu ka dhacday deegaanka Kalshaalle waxa yaraaday
isku socodkii Ganacsiga ee Burco iyo Buuhoodle. Xaalada nabad gelyo ee
deegaankaasi ayaa xiligan aad u wanaagsan inkasta oo ay laga cabsi
qabso inay isku dhacaan laba maleeshiyo beeleed oo sida la sheegay
kala fadhiya masaafo aad iskugu dhow.

Ugaadhsato Carbeed Oo Lagu Arkay Deegaamo Ka Tirsan Degmada Lughaya

Boorama (DAWAN) Wararka ka imanaya degaanada Lughaya iyo Cabdi
Geeddi oo ka kala tirsan gobolada Awdal iyo Hargeysa ,ayaa la sheegey
in lagu arkay deegaamadaas ugaadhsato Carbeed oo hawlo ugaadhsi ah
ka wada deegaamadaas.
Warkan oo uu magaalada Boorama nooga soo diray weriyaha Wargeyska
Dawan uga soo warama gobolka Awdal weriye Maxamed Cumar Sheekh (HYNE)
waxa uu intaas ku daray in dhawrkii maalmood ee u dambeeyey lagu
arkayey dhulka miyiga ah ee ku dhow dhow magaalooyinka Cabdi Geedi iyo
Lughaya niman lagu tilmaamay in ay yihiin Ugaadhsadeyaal u dhashay
wadamada khaliijka Carabta oo ay gacan siinayeen xubo muwaadiniin
ahi.

Kuwaasoo sida ay soo sheegayaan dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan
deegaamadaasi maalmahanba la arkayey iyaga oo dhulka miyiga ah ku gaaf
wareegaya dhawr baabuur oo ah nooca aadka u dheereeya ee Land
cruiser-rada loo yaqaano, mararka qaarkoodna Teendhooyin ay sitaan ka
dhisanaya meelo cidlo ah oo ka mid ah dhulkaas. Iyada oo warkani
intaas raaciyey in nimankaas iyo gaadiidkooduba dhibaato xoog leh ku
hayaan dadka xoola dhaqatada ah ee deegamadaas ku nool. Kuwaasoo
baabuurtoodu ka didiso xoolaha ay haystaan oo xiligan ah kuwo aad u
liita tamar darro xoog lihina ka soo gaadhay abaaro deegaamadaas mudo
dheer ka jirey, hase ahaatee baabuurta nimankaasi wataan ku khasabto
in ay didaan isla markaana ku daataan dhulka laagahay iyo jeex
jeexyada ah halkaasoo ay xoolahaasi had iyo jeer dhintaan ama ku
jajbaan, isla markaana baabuurta nimankaasi wataan ku kalifto
Baabuurtaasina had iyo jeer ku didiso taasina ay sababto in
xoolahaasi ku daataan dhulka laagaha iyo jeex jeexyada ah marka ay ka
didayaan guuxa baabuurta nimankaasi wataan, halkaasna xoolo badani
ku dhintaan ama ku jajabaan.

Ilaa imika si rasmi ah looma oga dalka ay dhalasho ahaan ka soo
jeedaan nimankaas ugaadhsatada ahi, mana jirto cid xukuumada
Somaliland ka tirsan oo ka hadashay arrintani.ugaadhsatadan carbeed
ayaa sida la ogyahay waxa dalka ugu dambaysay wakhtigii u talada
dalka hayey xisbiga UDUB , xiligaasi kooxo ugaadhsato oo u dhalatay
dalka Qadar laga mastaafuriyey dalka ka dib markii lagu arkay
degaaanada Lughaya iyagoo ka ugaadhsanaya.

Wararkii Wargeyska DAWAN ee Cadadkii 20/12/2010

dawannews@yahoo.com

No comments:

Post a Comment