24 December, 2010

Wararka Wargeyska DAWAN Cadadkii Khamiista 23. 12. 2010

DAWAN:Ciidanka Booliska oo Raad Goobaya Masuuliyiin Ku Eedeysan Lunsi Hanti Qaran

Xubnaha la Raadinayo waxa ka mid ah Maayarka Iyo Xoghayaha Fulinta D/Hoose Gabilay

Gabilay-Ciidanka Booliska ee magaalada Gabilay ayaa ku dabo jira lix xubnood oo Maxkamada Gobolka Gabilay waaran u jartay ka dib markii Hanti dhawrku ku soo eedeeyay inay lunsadeen hanti lacageed oo aad u badan. Masuuliyiintan waaranka soo qabashada loo jaray waxay isugu jiraan saraakiil ka shaqayn jiray xiligii xukuumaddii Rayaale iyo kuwo hadda ka shaqeeya  dawladaha Hoose ee Gabilay, Wajaalle iyo xafiiska cashuuraha bariga ee gobolkaasi.

Masuuliyiintan oo afar ka mid ahi ay ka tirsan yihiin dawlada Hoose waxa ka mid ah Maayarka Gabilay Aadan Muxumed Badde, Xoghayaha fulinta dawlada Hoose Axmed Maxamed Afay iyo xoghayihii hore ee dawlada Hoose ee Gabilay, halka labada masuul ee kalena ay ka kala tirsan yihiin xafiiska cashuuraha barriga ee Gabilay iyo dawlada Hoose ee Wajaale. Amarka soo qabashada lixdan xubnood ayaa xiisad ka abuuray magaalada Gabilay waxaana masuuliyiintaasi ay daba galiyeen qabaa’ilka ay ka soo jeedaan. Ma jirto illaa imika cid Boolisku gacanta ku dhigeen waxaana la sheegay in xubnaha waaranka loo jaray ay ku dhuumanayaan gudaha magaalada Gabilay iyo caasimadda Hargeysa.

Hawl galkan ayaa ka dhashay  baadhis xoog leh oo koox hanti dhawreyaal ahi ay muddo ku baadhayeen laamaha dawlada ee gobolka Gabilay, waxana sida ilo ku dhow dhow hanti dhawrku ay tibaaxayaan in masuuliyiintaasi ay lunsadeen lacag aad u badan oo aan la sheegin xadigeeda. Waxaanay hawl galka baadhista ahi ay wadeen illaa 29-kii  bishii November ee la soo dhaafay. Waxaana markii ay baadhista soo gabo gabeeyeen Maxkamada ka dalbaday in la soo xidho Hanti dhawraha guud ee qaranka Maxamuud Dheere. Hanti dhawraha guud Md. Maxamuud Dheere oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo arrintan waxase uu sheegay inuu maanta ka hadli doono baadhistoodan.

 

Booliska Boorame Oo Xidhay Labaatameeye Dhalinyaro Ah oo Ku Lug-yeeshay Rabshado Dhex Maray Ardayda Jaamacadda Camuud

Boorame -Ciidamada ammaanka ee magaalada Boorame ayaa shalay ku hawlannaa qabqabashada qaar ka mid ah dhallinyarada magaalada oo lagu tuhunsanyahay inay xaalad ammaan darro ah  ka abuureen magaalada, kadib markii ay isku dhaceen .
Rabshadahan  oo ka duwanaa kuwii hore loogu arki jiray Boorame ayaa sida la sheegayo ka dhashay markii dhallinyaro wax ka barata Jaamacadda Cammuud iyo kuwa reer Boorame ahi is faro-saareen kadibna halkaa dhaawac xun loogu geystay mid ka mid ah dhallinyarada reer Boorama, taasina ay keentay in falal aargoosi lagu gelelefo hoyga ama gurayaha ay galaan ardayda Jaamacadda kana kala yimi gobolada kale ee dalka sida bariga Somaliland iyo gobolada dalka Soomaaliya ee qalalaasuhu ka taagan yahay, sida uu ku soo waramay Weriyahayaga gobolka Awdal Maxamed Cumar Sheekh.
Rasaas goosgoos ah oo xalay caweyskii laga maqalayey magaalada, isla markaana aan la ogeyn inay ciidamada ammanku adeegsanayeen iyo inay cid kale ridaysay, ayaan khasaare geysan ,hase yeeshee rabshadaha aargoosiga ee lagula kacay ardayda dhigata jaamacadda ee ka kala yimi gobolada  bariga dalka iyo meelo ka mid ah dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya, ayaa sida la sheegeyo geystay burbur hanti farabadan. Waxa kale oo khasaare la gaadhsiiyay Guryo.

Lama oga sababta keentay iska horimaadkan dhex maray arday sannaddo badan  dhiganayey jaamacadda iyo kuwa reer Boorame ee weligoodba soo dhaweyn jiray .lama oga tirada dhabta ah ee haatan u xidhan rabshadahaasi balse sida la sheegeyo waxay gaadhayaan ilaa labaataneeyo labada dhinacba leh .
Qaar ka mid dhallinyarada geysatay dhaawacyada oo ka kala yimi gobolada kale ee ka baxsan gobolka Awdal ,ayaa iyagu sida la sheegeyo ka fakaday gacanta ciidamada, baadigoobna loogu jiraa sida ay sheegayaan warar kasoo baxaya saldhigga Booliska Boorame mana jirto cid kale oo ka hadashay dhibaatada ka iman karta iska horimaadyadan oo kale oo cabsi geliyey qaar ka mid ah ardayda dhigata Cammuud kulliyadaheeda kala duwan .

Ciidamada ammaanka ayaa haatan ilaalinaya xarunta hoyga u ah ardaydaasi si loo ilaaliyo ammaankooda , mana jiraan dhaqdhaqaaqyo kale oo rabshadahaasi ka dambeeyey .
Waana markii ugu horreysay ee ay isku dhacaan dhallinyarada reer Boorame iyo ardayda dhigata jaamacadda Cammuud ee ka kala yimi gobolada dalka iyo daafaha dalka Soomaaliya. Mana jirto ilaa hadda cid ka tirsan masuuliyiinta iyo maamulka jaamacadda oo ka hadlay rabshadahan.

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir Oo Xaalad Caafimaad Loogu Qaaday Jabuuti

 Hargeysa -Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, oo ah Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, ayaa shalay xaalad caafimaad darteed loogu qaaday cisbitaal ku yaala wadanka Jabuuti,ka dib markii uu xanuunsanay muddo laba ilaa sadex bilood ku dhow. waxa gacan weyn ka geystay  qorshaha lagu qaaday Suldaanka Xukuumadda Somaliland, siday xalay faafisay shabakada wararka ee Somaliland.org, ee Internet-ku.

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir oo sida la sheegay muddo bilo ah xanuunsanayay waxa tigidhkii diyaaradda ka bixisay xukuumada Somaliland, waxaanu noqonayaa qofkii sadexaad ee masuul ah ee lagu soo daweeyo dalka Jabuuti tan iyo markii uu is bedelay cilaaqaadka labada dale e Somaliland iyo Jabuuti ee weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay dhawaan socdaalka ku tageen dalka Jabuuti.

Mid ka mid ah ehelada Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir ayaa ammaan u soo jeedisay xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti oo iska kaashaday sidii Suldaanka loogu soo dawayn lahaa cisbitaalada wadanka dariska ah ee Jabuut. Suldaan Maxamed waxa la sheegay inuu hayo xanuunka Nimuuniya, oo uu jiifay muddo.

Waxa hore loogu soo daweeyay dalka Jabuuti Xoghayaha Maaliyada ee xisbul xaakimka KULMIYE Md. Maxamed Cabdi Iskeerse iyo Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Dalka Jabuuti oo tobankii sanadood ee la soo dhaafay laga hirgaliyay Cisbitaalo casri ah oo lagu qalabeeyay shaybaadho casri ah isla markaana ay ka hawl galaan dhakhaatiir khibrad leh oo iskugu jira Ajaanib iyo kuwo u dhashay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Kormeeray Xarunta Wasaarada Boosaha

Hargeysa -Madaxweyne  ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay  kormeer hawleed ku soo maray qeybaha kala duwan ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta  .

waxa Madaxweyne ku xigeenka  kormeerkiisa  Wasaaraddaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiinta  wasaaraddaasi oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Mudane  C/risaaq Maxamed Ibraahin , Agaasimaha guud ee Wasaarada Xasan Cumar Hoori  iyo Agaasimaha Maamulka Wasaaradda Saleeban Xaaji Nuur iyo shaqaalaha kale  duwan ee wasaaradda.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil “Saylici”  iyo masuuliyiinta wasaaradda ayaa kormeer kusoo maray  qeybaha kala duwan ee  Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta , waxaanay  kormeerka wasaarada gudaheeda  ka dib  ay soo mareen  xarumihii hore  ee wasaaradda Boosuhu lahaan jirtay , kuwaasoo imika dad shicib ah ay isticmaalaan .

Madaxweyne ku xigeenka  JSL Mudane C/raxmaan C/laahi  Ismaaciil , oo kormeerka ka dib  hadal  kooban  ka jeediyay  halkaa waxa uu sheegay in  maamulkii hore  ee  wasaradda Boosuhu  ay  ahaayeen kuwo fadhiid ah , balse  imika wasaaradu ay taloobooyin  horumaleh  ku talaabsaday , waxaanu  intaasi raaciyey Madaxweyne ku xigeenku  in xukuumadu gacan weyn  ay ka geysanayso  horumarinta  wasaaradda  isagoo gabgabadii uga mahad celiyay masuuliyiinta  wasaaradda sida fiican ee ay usoo dhaweeyeen.

Wasiirka wasaarada Boosaha iyo isagaadhsiinta  C/risaaq  Maxamed  Ibraahin oo isna  halkaasi ka hadlay  ayaa sheegay  in qalabkii isku xidhayay shirkadaha tilifoonada dalka , Wasaaradu in ay keentay  dhawaan ay rakibi doonto , waxaanu  Madaxweyne ku xigeenka  ka codsaday in  loobaneeyo guriyihii  wasaaradu ay lahaan jirteyy , oo imika dad gaar ahi ay isticmaalaan .

 Xildhibaano Ka Tirsan Wakiilada Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Farogelin Ku Hayso Golaha

Hargeysa -Mudaneyaashii watay mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka ee buray  inuu buray  shir jaraa’id oo ay  shalay ku qabteen  Huteelka Xaraf magaalada Hargeysa waxay xukuumada Somaliland ku eedeeyeen inay faro galin ku hayso golahooda waxaanay ugu baaqeen inay golaha faraha ka baxdo.

Waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi, waxaanu difaacay mooshinkoodii oo uu ku sifeeyay mid lagu hagaajinayo xeer hoosaadkooda. Waxaanu cambaareeyay tallaabadii shirgudoonku ku xidhay fadhiyadii golaha. Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi wuxuu xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay faraha kala baxdo shaqada Golaha. Sidoo kale waxa shirkan ka hadlay Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-Weyne) oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id wuxuu yidhi “Waxaanu doonaynaa in aanu hagaajisano xeer Hoosaadka Golahayaga waxa loo turjumay si khalad ah waxana ay shir gudoonku sheegaan in iyaga la doonayo in la ridayo. arrintaasina sidaas ma aha, haddii aanu doonayno in aanu ridno toos ayaanu u wajihi lahayd, tan kalena wakhtigoodii waabu dhamaaday, oo waxa ay tahay in dib loo soo doorto shir gudoon. Markii aanu is qabanay waxana soo kala dhex galay Madxweynaha oo markii uu London joogay nagu yidhi waar arrintaas igu sima intaan imanayo, markii uu yimid waxa aanu u dirnay 13 Mudane, oo aan ka mid ahaa Madaxweynuhu markii aanu u tagnay isagaa hadalkii noo bilaabay oo waxa uu noo sheegay go’aan uu soo gaadhay oo ahaa in aad waxa ka badashaan Qodobka 55 mudane ee ridaya Shir Gudoonka ma aqbalayo, anaguna waxaanu ka filanay in uu anagu yidhaa, waxaanu ku nidhi Mudane Madxweyne Golaha Shaqadiisa farahah kala bax.” Sidoo kale, waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Mudane Saleebaan Cawad Bukhaari waxaanu isaguna ka waramay mooshinkoodan iyo xaqa ay u leeyihiin inay xeer hoosaadkooda furaan.

Mudaneyaashan dibad jooga ka ahaa fadhiyadii ugu dambeeyay intii aanu goluhu fasaxa gelin shalay intii aanay   gudo gelin shirkooda jaraa’id waxay ku gacmo saydheen ergo uu Xildhibaan X. Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtidu ugu tagay kana dalbay inay sugaan go’aanka ka soo baxa dacwada ay Maxkamada sare u gudbiyeen. Hase yeeshee Mudaneyaashaasi waxay sheegeen inay doonayaan inay ummada sheegaan nuxurka dacwadooda.

Dawlada Hoose Ee Boorame  Oo Sumaysay Ey Buux Dhaafiyay Magaalada
Boorama Maamulka  dawladda Hoose ee Boorame ayaa shalay bilaabay hawlgallo lagu sumanayo tobanaan ka amid ah eyda buux dhaafisay magaalada isla markaana kahatar dhinaca caafimaadka ku hayey dadweynaha .

Hawshan oo ay iska kaashadeen dawladda Hoose iyo xubno ka tirsan dadweynaha ,ayaa shalay goor hore laga bilaabay magaalada dhexdeeda isla markaana kooxo ka tirsan shaqaalaha dawladda Hoose oo watay gaadiidka dawladda hoose suuqyada kaga gurayeen bakhtiga tobanaan Ey  ah oo loo sumeeyay hilib ay cuneen kaddibna ku le’deen. Culimada Masaajidada ayaa todobaadyadii la soo dhaafay Golaha deegaanka ku canaanayay eyda buux dhaafisay magaalada Boorame.

Wararka Wargeyska DAWAN Cadadkii Khamiista 23. 12. 2010

dawannews@yahoo.com

 

No comments:

Post a Comment