| Boorama-(Lug)-Ciidamada amniga Boorama ayaa su'aalo weydiinaya raxan ka mid ah dhallinyarada Boorama oo dhawaanta lagu soo qabqabtay hawlgallo ay ciidamada ammaanku ka fuliyeen magaalada labadii habeen ee u dambaysay. Hawlgalkan oo lagu soo qabtay ku dhawaad toddoba dhallinyaro ah ayaa waxa uu ka dambeeyey toddobaadyo magaalada Boorama ay dhacayeen qalaanqal dhinaca siyaasadda iyo amnigaba leh oo dhaliyey bannaanbaxyo, dacaayado iyo waraaqo suuqyada lagu daadiyey oo lagu cambaareynayo xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo beddelkii lagu beddelay taliyihii ciidamada xeebaha galbeed, kuwaasoo sababay in wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdi uu horkacayeyba Boorama lagaga wadhadlo xaaladii markaa taagnayd . Inkastoo oo aanay jirin wax war ah oo ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda kuna saabsan xadhigga dhallinyaradan, hase yeeshee sida ay sheegeen warar ku dhawdhaw ciidamada amniga waxa dhallinyaradana lagu eedeeyey inay qayb ka ahaayeen xasilooni darada dhinaca siyaasadda iyo abaabulka bannaanbaxyo kale oo laga dhigi lahaa Boorama . Dhinaca kale qaar ka mid ah odayaasha iyo salaadiinta Boorama iyo maamulka G/Awdal ayaa maanta ka wada hadlay arrintaasi, taaoo ku saabsanayd sidii cidii dembi yeelatana loosoo taagi maxkamad inta kalena la iskaga sii deyn lahaa, hase yeeshee maamulka gobolka ayaa odayaashaa ku wargeliyey in la siiyo wakhti ay ku kala saaraan dhallinyaradaasi loona sii deyn lahaa kuwa aan wax dembi ah gelin . Wariye:- Maxamed Cumar Sh.Ibraahim (Hyena) Lughayanews-Borama |
No comments:
Post a Comment