25 January, 2010

Xisbiga KULMIYE oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xukuumadda

Xisbiga KULMIYE oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xukuumadda

Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa maanta ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo ka dhan ah Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal hadda ku maray dalka Maraykanka.Shir-jaraa’id oo ay maanta Hargeysa ku qabteen hoggaanka sare ee Xisbigaas ayay kaga hadleen aragtidooda la xidhiidha hadalka Xukuumadda iyo xadhig la sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale la damacsan tahay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.Shirka Jaraa’id oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay ku-simaha Guddoomiyaha, ahna guddoomiye-xigeenka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Ayaa waxa halkaa Afka Xisbiga ku hadlay Guddoomiyaha Ololaha gobollada bariga ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.Dr. Gabboose wuxuu ka jawaabay hadal Xukuumadda Somaliland ka soo yeedhay oo ay ku sheegtay in Guddoomiyaha KULMIYE aaminsan yahay mabda’a Soomaaliyweyn, waxaanu hadalladiisii ka mid ahaa; “Waxay yidhaahdeen Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi Federaal ayaan aaminsanaa, waxaan idin xasuusinayaa Ururkii SNM waxa uu ahaa urur ka abuurmay ummada xuquuqdoodii jiritaan iyo xasuuq joogto ah lagu hayey sidii ay isaga dul qaadi lahayeen, Ururkaasi distoorka uu lahaa waxa ku qornaa Somalia wada jir ah ay u tahay siyaasadiisu.

Sababtoo ah markii la bilaabayey arimahaas ama ahaato dalka aan deriska la ahayn iyo aragtii uu ka qabay, ama ahaato dadka halganka u soo baxasy oo nin walba fikradiisa ayaa lagu qoray marka halganku soo dhawaadaba xaqiiqda runta ah ayaa isa sii qorayey in ummada iyo guddoomiyahoodu uu arimahaasi ka yidhi Cabdilaahi Yuusuf oo ahaa hogaankii Ururkii SSDF ayaa ka markhaati kacay, hadii uu maanta Siilaanyo yidhaahdo waxaan aaminsanaa Federaal xaq buu u lahaa qofkasta oo SNM ku jiray inuu afkaartiisa soo bandhigo.”Sidoo kale arrimo tiro badan oo uu Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ka hadlay waxa ka mid ahaa xadhig la sheegay in Xukuumaddu la damacsan tahay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi. “Maxamed Xaashi Cilmi ma diidin Haya’ada sharciga, Maxamed Xaashi waa aasaasayaashii dalka xoreeyey, Maxamed Xaashi nololashada ugu qaalisan isagoo ka heli kara Maraykan ayuu cimrigiisa ku dhamaystay darxumo iyo halgan, waxa la isku khaldayaa Askariga CID-da ah xogta ee uu soo helo waxa uu u gudbiyaa haya’adii soo diratay, siyaasiguna fikirkiisa ayuu cabirayaa, hay’adu waxay hay’ad tahay markaad cadaalada ka heshid, hore ayaan Aniga (Gaboose), Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid hore ayaanu u soo aragnay Hay’adaha ay sheegaan oo dhakada ayaa laga maamulaa.” Ayuu yidhi Dr. Gabboose.

Intaa ka dib, waxa halkaa lagu waydiiyay Dr. Gabboose su’aalo la xidhiidha Shirka Jaraa’id ee ay kaga hadlayeen arrimahan kor ku xusan.
Somaliland.Org

http://samotalis.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment