Axmed Siilaanyo Oo La Kulmay Jaaliyada Somaliland Ee Washington DC/Virginia
Waxaa khudbado halka ka jeediyay xubno kala duwan oo ka tirsanaa jaaliyada iyo xisbigaba waxaana ka mid ahaa xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar oo si wayn ugu mahad naqay jaliyadaha deegaankaas isla mar ahaantaas ka waramay xaaladaaha ka taagan dalkii iyo guulaha ay ka soo hooyeen safarkooda Maraykan isaga iyo gudoomiyaha xibiga Md Axmad Maxamed Maxamud Siilaanyo.
Waxaa markaas ka bacdi xidhidhiyahii xaflada ahna xubin ka tirsan gudida Fulinta xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan Md Rashid Nuur Gaaruuf uu mikrofoonka ku soo dhaweeyay Md Axmad Maxamed Maxamud Silaanyo, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye. Md Siilaanyo waxaa uu war bixin ka siiyay jaaliyadii halkaa isugu timid marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray iyo dibu dhacyadii doorashada madaxtooyada ee dhowrka goor marba dib loo dhigay.
Md Axmed Siilaanyo waxa uu ka waramay in dib u dhacyadaasi ay waxyeelo siyaasadeed u xun ay u gaysteen geedi socodkeenii dimuqraadiyadeed iyo sumacadeenii bulshada caalamku inaga qabtay. Gudoomiyaha xisbiga Md Axmad Siilaanyo waxaa uu si cad u tilmaamay caqabadaha iyo marmarsiiyaha ay xukuumada Riyaale marba ku carqaladaynayso doorashooyinka dalka oo ay markanna bilowday in ay khilaaf soo kala dhex dhigto xubnaha golaha guurtida.
Md Axmad Siilaanyo waxaa uu cadeeyay in xisbiyada mucaaradka waajibka saarini yahay in ay ka hadlaan qaladaadka xukuumadu samayso shaqada xisbiyada mucaaradkuna tahay wax toosin iyo wax sixid balse aanay noqon doorasho sugayaal aamusan.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxaa uu khudbadiisii uu dhinacyo badan taabanaysay kaga hadalay safarkooda ay ku yimaadeen dalka Maraykan iyo guulaha ay ka gaadheen. Mudane Axmed Siilaanyo waxaa u sheegay in maanta bulshadii caalamku indhaha inoo kala fureen si waynna ay u eegayaan hadba sida aynu wax u qabsano una ilaalino geedi socodka dimuqraadiyada. Md Siilaanyo waxaa uu ka waramay kulamadii uu la yeeshay madaxda dawlada Maraykanka oo si wayn u danaynayay nabad galyadeenna iyo in aynu ka badbaadno dabka ka holcaya Somaliya.
Gudoomiyaha xisbiga waxaa u sheegay in wali aanay u dhamaan kulamadii madaxda dawlada Maraykan, hay'adaha samafalka ee reer Maraykan iyo saaxiibada daneeya jiritaanka Somaliland.
Ugu dambayn waxaa kulankaas jaaliyada reer Somaliland iyo wafdiga lagu soo gabgabeeyay su'aalo toos loo waydiinayay gudomiyaha oo dhinacyo badanna taabanayay halkaasna uu kaga wada jawaabay .
ALLAA Mahad Leh
Gudida Fulinta Kulmiye Ee waqooyiga Maraykan
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa habeenki Sabtida ee bishu ahayd Jan16 ay xaflad wayn ku soo dhaweyeen Jaaliyada Washington DC/Virginia. xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa lagu qabtay Huteelka wayn ee la yidhaa Westin Hotel oo ku yaala daanta dhinaca gobolka Virginia. Waxaa halkaa wafdiga ku soo dhaweeyay dadweyne boqolaal ah oo isugu jiray jaaliyada reer Somaliland ee Washington DC/ Virginia iyo Jaaliyada gobolka Maryland.
No comments:
Post a Comment