| Guddoomiye Cirro:Ciidan Ayaa Na Qabsaday | |||
Hargeysa 29-August-2009
|
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda la baxday Somaliland ayaa sheegay in golaha ay la wareegeen ciidamada amaanka, isagoo ku eedeeyey inaysan fulin amar lix mudane loogaga mamnuucay inay ka qayb galaan fadhiyada golaha mudo saddex cisho ah.
Guddoomiye C/Raxmaan Cirro
Fadhigii maanta uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) isla markaana madasha ay ka soo qeyb galeen 53 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee aqalkaasi ka kooban yahay, ayaa markii uu furmay wuxuu Golaha ka xaadiriyay lix Mudane oo uu sheegay in lagu anshax mariyay in laga saaro sadex fadhi oo isku xiga.
Xildhibaanadan ayaa si cad ugu gacansaydhay go'aanka Guddoomiyaha ee aha in ay kabaxaan fadhiga
Guddoomiyuha ayaa intaasi ka dib ku dhawaaqay ku dhawaaqay in fadhigu uu xidhan yahay.
Intaasi ka dib waxa Guddoomiyuhu soo saaray war-murtiyeed uu ku sheegay inuu shacbiga Somaliland ku war-gelinayo in Golahii la soo doortay ay qabsadeen ciidan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay yaab iyo amakaag ku noqotay in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ku wargeliyey in ciidanka boolisku amar ka sareeya ku haystaan inaan Golaha laga celin lixdaasi mudane lana fulin amarka Guddoomiyaha ee ka joojinta Golaha.
Gees kale gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Ali Waraabe ayaa sheegay in shir gudoonka goluhu uu ku shaqeeyo siyaasada axsaabta mucaaradka ah, ayna u madaxbanaanyihiin go'aanada ay qaadanayaan waxaana uu xusay in ay haboontahay in Goluhu ku shaqeeyo xeerhoosaadka u yaalla.
Faahfaahinta Warkaasi ka dhegayso midigta sare ee boggan
No comments:
Post a Comment