Afeef: "Qoraalkan kuma metelo cid dhaafsiisan naftayda sida, Reer, koox ama Xisbi siyaasadeed. waxay ku kooban tahay aragtidayda Shakhsiga ah". Wax laga xishoodo maaha inaynu warbaahinta u soo bandhigno xubno dano shaqsi iyo ujeedo gaar ah lihi inay majarahabaabiyaan masiir Bulsho ama Beeli lahayd si ay ugu ilaashadaan Sangaaguradooda ama Xilbeenaad aan waaraynin oo ay isku hortaagaan xaquuq beeshoodu lahayd oo Gole sharci dejineed u xukumeen ama Maxkamadi Go'aan ka gaadhay si ay ugu raali geliyaan qofka ay gacanyaraha u yihiin ee Talada haya. Tusaale ahaan Arinta Ceelberdaale Waxaa go'aan guurti ka dhacay labo goor 1993 iyo 2009, inta badana waxa ka soo horjeesta xubno Muhiim ah oo isla beesha loo xukumay ka tirsan oo diidan xaq beeshoodu lahayd oo ka maqan ama loo Xukumay, hadaba maxaad Ka taqaan Xubnaha Ka soo Jeeda Beelaha loo xukumay ee diidan In la Fuliyo Xukunkii Guurtida ee Ceel berdaale iyo ujeedadooda ka danbaysa? Marka laga Reebo madaxweyne Riyaale iyo Qoyskiisa, Xubnaha Beelaha Gudabuursi iyo xoghayaha guud ee Golaha Guurtida oo Arintan wado kasta u maray inaan la dhaqan gelinin kana tirsan beesha laga Xukumay, waxa ka soo horjeeda xubno kale oo badankoodu u dhashay beesha loo xukumay degaanka ceelberdaale.Waxaana laga xusi karaa xubnahaas. Madaxweyne Ku xigeenka ![]() Ku Dhiirasho la'aan iyo kalsooni daro ka haysa dhinaca Madaxweynaha Xaalkiisu waa canaan ka yaab Reer Ma doojo. lagana Filimaayo inuu yeesho badheedhe cadaan ah oo uu kaga hor yimaado Riyaale Kaahin oo jecel had iyo jeer inuu ku bahdilo Madaxweyne xigeenkiisa inuu ku yidhaaho "Awoodaadu waa hadba waxa Madaxweynuhu kuu wakiisho", Waana ta keentay inay beenoobaan Balamo badan oo uu u qaadey Beesha Degaanka Gobolka Gabiley. Wasiirka Arimaha Gudaha. ![]() Cabdilaahi Ciro waxay Riyaale ka wada tirsanaan jireen Kooxdii nabadsugida wuxuuna Taliye Ku xigeen ka ahaan jiray Xarumihii Ciqaabida ee dadka lagu dhibaatayn jiray, wuxuuna u soo joogay kuwo badan oo ehelkiisa aad ugu dhow ah oo hortiisa lagu dhibaataynayo,Markaa ma jirto damqasho ka hayso amuur Tolweyne uu ka tirsan yahay kaga xidhani. Wuxuu aaminsanyahay Riyaale inay isku doon saaran yihiin , ma jirto kelmed uu ku celin karo ina Riyaale , xukun beeshiisa loo Xukumay oo uu fuliyo iska daaye.Waana ninka inta badan loo tirinayo inuu jecel yahay inaanay fulin go'aamada ceelberdaale. Wasiirka waxbarashada ![]() Xasan Gadhweyne oo ahaan jiray Ku xigeenkii hore ee duqa Magaalada Mogadisho Arintiisu kama weyna Mansab ilaashi iyo Raaligenta Riyaale. wuxuuna marwalba talada ku taageeraa in Madaxweynaha loo daayo isagaa xalin doonee, Mana jirto dhiirigelin ama Tusaalayn uu ku siin karaa Madaxweyne Fuli, go'aankii golaha Guurtida , ileen Xukuumadaba Xilkeeda markay kordhiyeen waynagii Amaanaynaye Sharciyaynaye, Amuurtan Ceelberdaale maxaa sharcinimadeedii Hortaagan?. Xasan gadhweynana Waana Xubin kale oo loo Adeegsaday wareemida tolkiis. Xaaji Cabdi waraabe ![]() Xaaji Cabdiwaraabe oo ah Oday awoowgeen ah oo aan xurmo badan iyo qadarin u hayo ma jecla inuu fulo xukunkaas ceelberdaale sababtu wax kale maaha ee waa nin jecel inuu Raaligeliyo Marba ninka kursiga ku fadhiya, isaguna dantiisa ku ilaashada, Wuxuu ku Faanaa inuu tolkiis Garxajis markii la laynayey lahaa Halkaa kaga dhufta iyo hebel xidha, Markaa beesha degaanka Ceelberdaale loo xukumay iyadana hadalkeeda daa, waana xubin kale oo ka mida kuwa sida weyn uga soo horjeeda Fulinta Go'aamadii ceelberdaale guurtidu ka soo saartay. Waxaan ku qoslay labo halhays oo la yidhi xaajiga laga weriyey , "Habarjeclooy Hadaad cadaalad rabtaan dhinta, Cadaaladi Aakhiray Jirtaaye", oo la sheegay inuu Xaaji Cabdi waraabe ku yidhi odayaal Reerkaasa oo uu waydiiyey waxay ka cabanayeen 1997, oo u sheegay waxa keliya ee ay tebayaan inay tahay cadaal umada wada gaadha. Halhayska labaad oo Xaajigaa laga weriyey oo ah "Weligay Meel Naag lagu furayo iyo meel dawlad lagu ridayo ma tegin" sidaa aawadeed isagana maanta ka sugi mayno inuu taageero fulinta Go'aankii laga soo saaray shaqaaqada ceelberdaale ee guurtidu go'aamisay. Gudoomiya ku xigeenka labaad ee guurtida. Siciid Timaweyne inkasta oo Lagu keenay Xididnimo loogu hanjabo oo gobolka Sanaag ka soo jeeda hadana arintiisa ugu weyni ma dhaafsiisna Sandareero iyo danaysi shaqsi ah iyo Maxaa kaa galay waxa galbeed guntii ka dhacaya Xagay doonto ha isu Rogtee ka danayso.Waana xubinta inta badan Riyaale u adeegsado Gudoomiyaha golahaas. Taliyaha Ciidanka Milateriga. ![]() Nuux Taani Waa nin maanta haysta Awood ciidan oo arintan uu ku fuliyo hadii ogolaansho uu ka helo Riyaale Kaahin, oo ah ninka Mindida daabkeeda haya marka laga hadlayo go'aan qaadashada Arinta ceelberdaale, Waxase jira in Riyaale uu samaystay Ninkale oo ay isku beel ka soo jeedaan oo ciidan laxaadleh iyo hubayn balaadhan loo sameeyey si ay uguu noqoto Riyaale iyo beeshiisa difaacooda ugu danbeeya ee ay u adeegsandaan Beesha gabiilay. Ninkan guutooyinka ciidanka ah oo lasameeyey laguna magacaabay Generaalka ciidamada Galbeed oo magaciisa la yidhaaho Ina Xudhuun oo toos uga amar qaata Daahir Riyaale, Taasi waxay Ina Taani ka dhigtay nin Aan amar siin karin Taliye qaybeed ka hooseeya iyo Isagoo ilaashanaya mansabkiisa Taliyenimo, inkasta oo aanay ina Riyaale isku wanaagsanayn Beryahan hadana Ma laha diyaargaroow uu doonayo inuu ku Fuliyo Go'aankii Golaha guurtida ee degaanka Ceelberdaale loogu xukumay Beesha Gabiiley. Buurmadow iyo Ina Dhoolayare ![]() ![]() Waxaa kale oo Arintan Aad ugu ololaynaya inaan la Fulinin go.aankii Ceelberdaale Guurtidu ka Gaadhay Cismaan aw Maxamuud Buurmadow oo ah nin Beeshiisuu Xilkii Madaxdhaqameednimo ka xayuubisay , horena beeshiisa godobta ugu soo jiiday Markii uu Afduubay ganacsadihii weynaa Ilaahay ha u naxariistee Cismaan Juujuule, oo la sheegay tacadigii waqtigaa soo gaadhay inuu la dhintay, oo aynu ognahay Dhibaatada uu u geystay walaalkiisii ka weynaa oo imika Dhibaatadii jeelka mandheera kaga dhacday la Sakaaradsan, Iyo wasiirka Arimaha Debeda Riyaale Cabdilaahi Mohamed Ducaale oo ah nin aad u Neceb beesha loo xukumay Degaanka Ceelberdaale lagana hayo meel ka dhacyo hore oo uu sameeyey. labadoodaasi midna Raali kama aha aha in la Fuliyo Go'aankii Ceelberdaale , waana kuwa Riyaale u adeegsado inay marwalba qaab beelaysan u Aflagaadeeyaan Gudigii Golaha Guurtida ee Arintaas Xukuntay, Mana Jirto Taageero iyo Kalsooni ay kaga haystaan beesha Ay ka tirsan yihiin ee Habarjeclo Xubnihii KULMIYE ka Falaagoobay ![]() Xubanahani Ma jecla in la fuliyo Go'aankii Ceelberdaale Guurtidu ka Soo saartay iyagoo isleh waxaad ku xumaynaysaan Xubnaha kale ee beeshooda ka soo jeeda ee ku jira KULMIYE iyo inay ku Raaligeliyaan Ina Riyaale si uu ugu magacaabo Xilbeenaad ay mudo ku naaloonayeey, Xubanahan oo ka kooban Shaqsiyaadkii laga Eryey ama ka baxay Xisbiga KULMIYE oo kala ah 1-Dr Ahmed Xuseen ciise, Mulkiilaha Waaheen newspaper imikana rajeynaya in lagu bedelo Ina Dhoolayare taas oo ay adag tahay ilaa la Eryo Cabdilaahi Ciro oo Arimaha gudaha jooga inuu booskan yimaado marka laga eego dhinaca saami qaybsiga Beelaha. 2- Cismaan Cabdilaahi Cigaal "Cismaan Hindi" Gudoomiyaha Ololaha doorashooyinka Udub oo ku qanacsan inuu isla sawiro Riyaale oo shaashada telefishanada laga daawado, sida Dhacday marar badan oo uu xitaa cagcadaan iskula sawiray sida booqashadii Tanya oo kale. sida halkan ka muuqata oo kale. ![]() 3-Dr Mohamed Aar Gudoomiyihii KULMIYE Uk ee xilka laga qaaday imikana Xilbeenaadka safiirka wareega haya 4-Cali Guray oo dhowaan laga dhigay Afhayeenka UDUB ka dib markii ay is qabteen rag ay isku beel hoose oo xisbiga Kulmiye kula jiray. iyo xubno kale oo ay iyagu hormood ka yihiin ma ogola in la Fuliyo Go'aankaa Gudigii golaha guurtigu ka soo saaray Arinta ceelberdaale, Jaamac Sweden. ![]() Waa nin aad u deg deg badan Balwada qaadkuna la Degtay waqtigiisa shaqaduna xadidan yahay, waana Ninkii ka danbeeyey inaan sanaaduuqda doorashooyinka la geynin Degaanada loo Xukumay beesha Degaanka Gabiiley ee shaqaaqooyinku ka dhaceen. Arinta Ceelberdaale wuxuu dhaafsaday Abtinimo iyo xididnimo is barkan oo uu ku bedeshay in Riyaale booskan Ku ilaaliyo Gudiga Doorashooyinka xitaa Hadii lagu waayayo Somaliland. Badhasaabka Gabiley Wuxuu ku qanacsanyanay Xilkaa Gudoomiye gobol baad tahay inkasta oo uu qurbejoog ahaa hadana Weli indhihiisu ma arkaan waxan ka maqan beesha uu ka dhashay gudoomiyaha Gobolkana u yahay, waxaana loo adeegsadaa inuu cabdudhiyo dadka degaankan si aan Arintaas looga hadlin. Isaga iyo wasiiru dawle degaanka u dhashay oo internet-ka maqaalo Riyaale jeclaysto ku qoridoodii mansab ku helay, ma doonayaan in la fuliyo Go'aamadaas golaha guurtida. Hadaba waxay isweydiin leh Ceelberdaale yaa haysta yaase laga haystaa?, waa su'aasha u baahan inay isweydiiyaan Shacabka Somaliland iyo dadka Degaankaa ceelberdaale u dhashayba. Wasiirada Cuqdadaysan ![]() Xubnaha ugu cadcad Golaha wasiirada waxaa Ka mid ah cawil Cali ducaale, Talaabo iyo Ina Sulub, sababtooduna kama weyna ku xumayn iyo Cuqdada colaad qabaliyo oo ay u hayaan beesha loo xukumay Degaanka ceelberdaale iyo beelo kaleba. Yay dani Ugu jirtaa in Xukuumada Riyaale fulin weydo Go'aamadii Guurtida ![]() Waxay dani ugu Jirtaa , Xisbiyada Mucaaradka ah sida Kulmiye Iyo Ucid oo ka heli doona taageero aad u balaadhan degaanka gabiiley, Sababtoo ah waxa cadaan ah in Beesha Samaroon Si toos ah u taageeraan Riyaale Kaahin Marka laga reebo Siyaasiyiin waxoogaa ah iyo beesha Maxamed case oo iyadu Taageeradeedu ku salaysan tahay Musharaxooda madaxweyne Xigeenka Ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Saylici. Cid labaad ee taageero ka heli doontaa waa Gudoomiyaha Golaha Guurtida waayo markii hore xubnaha Beesha dhulkan loo xukumay waxay taageeradooda siin jireen Riyaale Kaahin, Imikase waxay u wareegeen Dhinaca gudoomiyaha Golaha Guurtida oo beryihii u danbeeyey fiintu dhex miranaysay isaga iyo Riyaale Kaahin. Maxaa la gudboon Riyaale intuu xilka hayo. Riyaale si uu si xaraga leh uga guulaysto Mucaaradka iyo Golayaasha sharci dejinta ee ay is hayaan una dejiyo Xumada Shacabka oo ay cadahay inaanay doonayin Riyaale Kaahin in Maalin danbe xilkiisa loogu daro, waa inuu fuliyaa Go,aankii Gudiga guurtida ee shaqaaqada ceelberdaale xitaa haday Marwadiisa ku kala Aragti duwanadaan. Taasi waxay u keeni doontaa inuu helo ugu yaraan 50% taageerada beesha Gabiley , taageerada xubnaha Guurtida iyo Baarlamaanka ee beeshaas u dhashay. Taasoo ka baajin karta in lagu sameeyo maamuus ka xayuubin. Waxayna taasi ku noqon doontaa Mucaaradka oo taageeradoodu is dhinto waayo waxay shacbigu u arki doonaan Riyaale nin dhexdhexaad ah oo ka hiiliyey Beeshiisii kuna fuliyey wixii lagu xukumay, Sidii hore ina Cigaal beeshiisa uga hiiliyey oo kale. Godobayta Beelaha Bariga ee Somaliland (Harti, H.jeclo iyo H. yoonis). Waxaa in badan Dhacday in Xubno salaadiin ah iyo Masuuliyiin ka tirsan Beelaha Degaanka Gobolka Awdal ay aflagaado qayaxan u geystaan Beelo kale oo sharaf iyo karaamo wadanka ku leh, oo aanay jirin suldaan ama masuul beelahaas la Aflagaadeeyey ka tirsan oo ka jawaabay wax ay Xeeriyeenba. Sababta lagu colaadinayo Beelahani ayaa loo badinayaa sababahan soo socda. 1- Musharixiinta Mucaaradka ee Madaxweynaha oo ka soo jeeda Dhinac Bariga 2-Taageerada xubnaha Beelaha Bariga (Harti, H.jeclo iyo H. yoonis) Kaga jiraa Golaha Guurtidu ay siiyeen Arinta la xidhiidha Dhulka laga xukumay Beesha Awdal ee Degaamada Ceelberdaale. 3- Waqtigii xoriyada la qaatay oo xubnaha Golaha Baarlamaankii la doortay ee Somaliland ka koobnaa 33 xubnood, waxaa beeluhu u kala lahaayeen sidan: A. Beelaha Isaaq 21 xubnood Marka loogu daro Cumar dheere (ogaadeen) oo ay iyagu soo doorteen. B. Harti (warsangeli iyo Dhulbahante) 7 xubnood C. Gudabiirsi iyo Ciise 5 xubnood. Sidaa Aaawadeed Maadama Beelaha Hartiga ahi ku jiraan kaalinta labaad oo ay qasab noqonayso inay qaataan Madaxweyne Ku xigeenka Ama Ra'iisal wasaaraha ,waxay isu tuseen inay u fiican tahay Beelaha Samaroon in Somaliland laga fogeeyo Beelaha Hartiga ah loona Muujiyo Kuwo mucaarad ku ah Nimcadan Somaliland ilaahay Dhigay oo Daaroodnimo Madaxmartay. Taasinay way u hirgashay Beelaha Gudabiirsi Markii ay Beelaha Isaaqa galbeed oo aan Aqoon wanaagsan u lahayn degaanka Hartiga ay qaateen fikirkaas Beelaha Gudabiirsi, sidaana lagaga Soo dhoweysto beelaha kale ee Hartiga ah. waxaynu la soconaa sababtii Cali kahliif galaydh shirkii Boorame isugu soo sharaxay Madaxweyne xigeenka ama Ra'iisal wasaare inay ahayd isagoo u Arkayey in beelaha Hartigu (Dhulbahante iyo Warsangeli) ay yihiin Cududa labaad ee Somaliland , Marka laga yimaado Beelaha Isaaq oo Kaalinta koobaad ku jira. Cadaadintaa Lagu sameeyey Beelaha Hartiga ahi 1997-dii waa tii keentay Aasaaskii Puntland ka dib Markii Ina Cigaal ilaahay Ha u naxariistee uu eryay Xaabsade iyo Garaad Cabdi Qani iyo siyaasiyiintii Beelahaas ee Somaliland daacada ka ahaa oo dhan. Waana cabashada ugu weyn ee Beelaha Hartiga ahi Maanta Somaliland ku saluugaan in kaalintoodii cid kale haysato. Waxaana Daliil u ah Midna Sadexda xisbi Mucaarad kama ah Maxadweyne ku xigeen, Marka laga reebo Xisbiga KULMIYE oo ay ka sugayaan jagada Ra'iisal wasaaraha , marka uu xukunka qabto xisbigaasi. La soco qayb kale oo ka hadlaysa Somaliland yaa ka daacad ah Mubarak Mohamed Nur Qoorubaxay |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com












No comments:
Post a Comment