22 June, 2008

Dawlad mas’uul ah 7

DAWLAD MASUUL AH OO DADKA MATASHA Q7
Ahmed Arwo

Salaan iyo nabadi korkiina ha ahaato. Assalaamu calaykum wa raxmatullaah wa barakaatu. Waa qormadii toddobaad ee geedi-socodka dimuquraadiyadda furan ee adduun weynaha. Ujeedada socdaalkeena taariikheed waa inaynu dhabadii la soo maray dib u qaadno, si aynu daawo ugu helno xanuunada aafeeyey nidaamka aynu indho la'aan u qaadanay.

Waxa aan is dul taagi doonaa muddo gaaban falsafadaha lagu saleeyey helitaanka dawlad masuul ah. Waxa loo baahday in la darso rabitaanka qofka aadmiga ah iyo himmiladiisa shakhsi, si taasi ugu noqoto dariiq loo maro hab dawlad wanaag ay ku noolaadaan. Haddaba 1870naadkii waxa mufakiriintu ay isku koobeen baahida qofka, waxayna gees mareen baahida bulsho iyo degaan ee wadar dadweyne wadaagi karaan. Waxa taas ka duwanaa qoraaga arrimaha bulsho oo ay ka mid yihiin Charles Dickens, Mathew Arnold, Thomas Carlyle iyo qaar kaloo badan, oo dhammaan ka qoray baahida bulsho ee dhaqan, dhaqaale iyo fikirba.Waxaa se meesha ka maqnaa mufakirtii siyaasadeed oo ay hormood ka ahayd kooxda Manchester School, kuna soo uruuraayey in qofku yahay anaani ku camal fala doonistiisa farxad iyo guul shakhsi, iyo nacebkiisa xanuun iyo fashil shakhsi. Arrintaas waxaa si cad u daadafeeyey Mufakirka weyne ee T. H. Green oo duruus xidhiidh ah bixiyey 1879-1880 ( Lectures on the Principles of Political Obligation). Green, waxuu ku kordhiyey baahida qofku, inay ka mid tahay kor-u-qaadka iyo wanaajinta shakhsiyadiisa iyo maqaamka uu ku leeyahay bulshada. Wanaagana waxa xadeeya bulsho-weynta qofku ka tirsan yahay. Taasina waxa meesha ay soo gelisay in baahida qofka ay qayb weyn ka qaadato degaanka iyo bulshada uu ka tirsan yahay. Waxa iyana soo korodhay hawlaha bulsho ee qofku keli fulin kareen.

Baahida loo qabo dawlad waxa ay ku tilmaameen aqoonyahanka iyo siyaasiinta qarnigii 18naad ee UK in lagu helo nabad iyo ammaan, waxayna shardi uga dhigeen in la helo cadaalad iyo sinaan, si loo helo hab iyo meel lagu shaqeeyo,laguna shaqeeyo, oo lagu helo waxbarasho iyo horumar bulsho. Si taas lagu gaadho, waxa ay sifeeyeen in la darso baahida bulsho iyo tan shaklhsi, deedna lagu dadaalo sidii labada leysu waafajin lahaa. Waxa la garatay in aadmigu u jeelan yahay nolal farxad leh (Happiness), waxaana ay go'aamiyeen in dawladdu waajib ku tahay sidii ay u gaadhi lahyd farxadda ugu sarreysa ee bulsho ( Maximum Happiness). Naf-jecleysiga qofka uu keli ahaan doonaayo inuu farxad iyo guul ku waaro, isagoon eegeyn inta badan waxyeelada taasi u keeni karto bulsho-weynta, ayaa waxa la gar-waaqsaday sida loogu baahan yahay dawlad sharci oo weliba leh wakaalad buuxda oo ay ka haysato bulshada, si ay u dhigto toobiye ay ku hagto dadweynaha, iyo sharciyo ay ku dabarto naf-jecleysiga siyaadada ah oo dhaliya dambiyo laga galo muwaadin kale.Waxa la gartay in talada keli-talisnimo ee boqorku tahay mid aan ka turjumeyn baahiyaha iyo rabitaanka kalo duwan ee muuwaadiniinta. Waxaana mufakiriitu soo bandhigeen, in loo baahan yahay meel ay baahiyahaasi iyo aragtidaas bulsho ku soo hoyato, noqotana tan leh awoodda xukunka. Waxaana ka dhashay fikradda wakiilnimada barlamaan.

Haddaba sidaan maqaaladii hore ku xusay wakiilnimda dadweyne oo ay haystaan Golaha Barlamaanku, ayaa Golaha Barlamaanka ka dhigeysa kan leh awoodda ugu sareysa ee hogaaminta dalka. Isagoo taas tilmaamaaya Mufakirka weyne ee Gladstone, waxuu ku sifeeyey sareynta Barlamanka iyo waajibka ka saaran la-xisaabtanka xukuumadda, inay tahay asal aan doorsoomin, jiritaankeedu yahay lama taabtaan, run ahaanteedana aan hadal ka furneyn. (Cardinal Axiom ). Aan maanta gundhigan falsafadeed ku dhaafno isku-xidhkan aynu ku joojinay hawl-gelinta Barlamaan dadka matala, si loo helo Gole ay ku soo uruuraan baahiyaha kala geddisan ee bulshadu, iyo in lagaga baxo nidaamadii keli-taliska iyo boqortooyada, oo awooddu ku keliyeysatay qof rabitaankiisa shakhsi iyo doonistiisa farxad iyo guulo shakhsi ku xukuma dadkiisa. Waa fariin ku habboon inaynu ku sajilno maankeyna ahna mid si fudud aynu u dul cararnay falsafado baaxad weyn oo dhaliyey hab-maamul wanaaga aynu raadinayno.

Iyadoo qoraalo kale aynu ku daah-furi doono ku dhaqanka falsafadahan oo aynu markan u gudbi doono dhaqan gelinteeda, aynu maanta eegno bal arrimaha dalkeena ka dhacay toddobaadkan iyo qiimeynta heerka bulsho iyo xukuumadba aynu ka joogno Hab-Maamul-Wanaaga. Haddaba dhacdooyinka ayaamahan dalkeena waxa ugu weyn warka farxadda leh ee booqashada rasmiga ah ku timid haweynayda Arrimaha Afrika u qaabilsan dalka Maraykanka iyadoo si habsami ah oo tilmaamaysa maamul-wanaaga iyo wadajirka ummadeed ula kulantay xukuumadda iyo mucaaradkaba. Guusha safarkeeda ka dhalatayna waa mid aynu dhammaan ku faraxnay gudo iyo dabedba, mucaarid iyo muxaafidba. Dhinaca kale waa daris kale oo ku dayasho leh. kolka hawl qaran laga tashanaayo waxa waajib ah in loo dhammaado. Dimuquradiyada dhabta ihina waxa ay waajib ka dhigeysaa wada-tashi, qarsoodi yaraan, furfurnaan maamul iyo wacyo-gelin dadweyne. Waa in inta ugu badan ee suurtagal ah hawlaha dawladeed lagu wadaa, wadatashi dhex mara si gaar ah labada Gole ee Fulinta iyo Sharcidejinta. Waana mid uu waajib ka dhigay distoorkeenu. La-tashiga mucaaradku, waxuu adkeynayaa midnimada qarannimo, waxuuna soo dhoweynayaa ka midho-dhalinta rabitaanka ummadeed. Waana mid magac iyo maamuus ay ku helayso xukuumadda.Dhaliisha iyo tilmaanta waxa qaldani waa dhismaha maamul-wanaaga. Siyaasigii weynaa ee dalkan UK Mr. Churchill, ayaa yidhi " Intaan ka faa'ideystay fikradaha mucaaradka iyo dhegeysiga dhaliisheyda, kamaan helay saaxiibaday iyo sacab-tumkooda. "

Qoddobka labaad ee taabtay dareenkeygu waa kan la xidhiidha taariikhda SNM iyo manhajka. Waxa ayaan-darro ah in Wasaaraddu Tacliintu geliso xamaasad aan meesha oolin. Cid odhanaysa ha la dhigo taariikh ummadeena kala kaxaysa amba reero lagu xumeynaayaa ma jirto. Waxa ay tahay in si miyir ah oon siyaasad ahayn loo eego, oo loo dhigo ardayda iyo da' yarta taariikhda dalkeena, ha ahaato tii SNL, USP, iyo NUF, tan SNM iyo tii Daraawiishta iyo weliba taariikhihii hore ee Awdal, Bulahaar iyo xeebta Maakhirba. Waxaa qalad ah in halkankii SNM laga dhigo mid reero ku duulaan ahaa. Waxuu ahaa mid la dagaalamaaya xukunkii keli-taliska askariga ahaa. Waana guusha uu keenay, tan ay ka dhalatay Jumhuuriyadda Soomaaliland. Waxa muhiim ah in leysla eego waxa la qoraayo, oon loo dhigin si cid lagu xumeeyo, amba cid lagu kiciyo, amba cid laga tegin . Halgan kasta looma dhammaado. Cid ayaa is xilqaantay, inaguna midhaheedii ayeynu guranaa. Waxaana hubaal ah inay rag badan oo reeraha SNM lagu sheegaa ka soo horjeedeen halgankii si dadban iyo si toos ahba.Haddii arrintani ka dhalatay farogelin ka timid dhinaca Fadhiidka Xamar ee uu Wasiirku yidhi wey inala wadaagaan Manhajka, ma aha in lagula soo galgasho gudaheena oo shaki lagu dhex rido bulshada. Waa qalad wasaaraddu gashay sexeedna looga fadhiyo, waana masuuliyad ayna cid kale ku riixi karin.

Yaan taariikhda ummadeena dacaayad la gelin, yeyna inaga lumin. Waa in miisaan la saaraa oo la hufaa oo la qadariyaa hadafkii, halgankii, dhibtii ay SNM soo martay, iyo guushii ay ummadeena u soo hoysay. Yaan diiradda la saarin meel aan mudnayn, ee yoolku ha saarnaado sawirka guud iyo waxtarka ay leedahay.Waxa haddii aynu miyir ku eegno isla garan karaan in taariikhda SNM tahay tan ugu mudan taariikhdeena waayo, iyadaa salka u taagtay Jamhuuriyadeena aynu nabadda iyo dimuquraadiyadaba ku haysano. Guusheeduna waxay ku timid wada-tashi, isqadarin, iyo is-faham ay SNM horseed ka tahay, beelaha oo dhammina si siman uga qayb qaateen.Reer sheegan karaa ma jiro, bal se waxa la xusi doonaa shakhsiyaad guulo gaar ah iyo dadaal gaar ah la yimid. Reernimada yeynaan wax ku eegin, ninwalba xilka qaranku qof ahaan .Waxii wada-tashi iyo wadajir lagu eegaa, waxaa ka dhasha guul lagu wado farxo.

Waxa taariikhdu tahay mid lagu xuso oo lagu abaal mariyo inta xilka ina wada saaran si gaar ah iyo guusha naf-huritaannimo ku gudata. Waxa bishii tagtay geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan ka mid ahaa xidigaha suugaanta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta dadweynaha, waa macalinkii, waa suugaan-yahankii, waa indheer-garadkii Xasan Sheekh Muumin. Haddaba iyadoo ummaddeenu si xishamad leh u xustay, waxa dhiman qadarin iyo abaal marin laga sugaayo xukuumadda. Iynu qadarino muwaadinka waxtarka qaran si gooni ah u guta, kolkaas ayeynu helaynaa ummad dalkeeda jecel, oo dhalinta maantu ku dhaadan doonto, innaan kan wax tara, la tuureyn halgankiisa naf, maal iyo maskaxba. Waana tan ugu weyn ee ummaduhu isku dhaafeen, qaarna madaxa hoos u dhigaan, darna ay kor u taagaan, iyagoo ku faanaya taariikhda ay curiyeen awoowyadood. Xus halyeygaaga si aad magaca qaranka kor ugu qaadid.

Waa inoo maqaal kale iyo fakir aan idinla wadaago Insha Allah.

Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com

No comments:

Post a Comment