07 June, 2010

Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM

Munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayey gudagalkii SNM ee 27 May 1988 oo lagu qabtay magaalada London

 Munaasadan oo ay wada jir usoo agaasimeen Jaaliyadda Somaliland ee UK iyo xubno ka tirsan dagaal yamahimiinta ururka SNM ee ku sugan UK.

 Waxaa ugu horrayn shirka furay Maxamed casayr oo kamid ah qaban qaabiyaashii shirka waxaanu ka warramay ujeedada shirka oo sheegay in lagu xusaayo gudagalkii SNM taasoo maalintii 27 May 1988 la galay magaalada Burco, halka 29ka May 2010 la galay jiida dhexe Cadaadlay iyo Mandheera, halka 31 May ay mujaahidiintii SNM weerarka kusoo qaadeen xeryihii ciidamada ee magaalada Hargeysa. Waxaanu sheegay in halkaas loogu gaystay qasaare aad u balaadhan ciidamadii siyaad Barre.

 Intaas kadibna wuxuu migrifoonka kusoo dhaweeyey Cabdi Cabdillahi  oo isna ka hadkay taariikhdii iyo duruufihii kala duwanaa ee shacbiga reer Somaliland usoo mareen xornimadan aan maanta ay haysano taasoo uu xusay in shacbiga reer Somaliland ay isla midawgii 1960kii ay dareemeen in la khiyaamiyey taasoo lagu khasbay in Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha, Wasiirka arrimaha dibadda, arrimaha gudaha, taliyaha ciidamada qaranka, taliyaha ciidanka Booliiska, iyo caasumaddu ay qaataan reer Somaliya, reer Somaliland la siiyey saddex wasiir oo cawri gaf ah.  

 Waxaana shacbiga reer Somaliland cod aqblibiyad ah ku diideen aftidii distoorka ee la qaaday July 1960, taasoo xukuumaddii Somaliya ay diiday inay aqoonsato codkii shacabka. Waxaana islamarkiiba dadweynaha reer Somaliland bilaabeen muddaharaadyo iyo gadood shacbi. Iyadoo inqilaabkii fashilmay ee dhacay December 1961kii.  Waxaana lagu bilaabay reer Somaliland cadaadis, cabudhin iyo xuquuqdoodii oo la duudsiyey.

Waxaana arrimuhu kasii dareen markii dhammaadkii sannadihii 80aadkii gobolada Waqooyi loo soo badalay  Maxamed Xaashi Gaani loona fasaxay inuu wuxuu doono kasameeyo gobolada waqooyi, taasoo kusoo rogay bando iyo xukun milateri. Taasoo ay ka dhalatay samayntii 6 April 1981 dhaq dhaqaaqii SNM si ay ula soo noqdaan xornimadooda.

 Waxaa isna halkaas ka hadlay  Mujaahid Jamac Maxamud Aden( Doolaal) oo ka hadlay halgankii SNM oo sheegay inay SNM halgankeeda ku bilawday dagaal dhuumaalysi ah oo ku dhufo oo dhaqaaq ah, waxaanu sheegay in dagaalkaasi laga hooseeyey guulo fara badan.

Taasoo markii danbe ee SNM xoogaystay ee hubkii iyo tiknikadii ka furatay ciidamadii cadawga ay badhtamihii sannadihii siddetanaadkii markaas bilawday inay weeraro isdaba joog ah ku qaato ciidamadii cadawga ee fadhiyey xuduudaha dalka. Taasoo uu sheegay in laga soo hooyey dagaalo aad u fara badan.

Waxaanu sheegay in SNM oo tiradeedu aad koobnayd ay jebiyeen ciidamadii ugu awoodda iyo tayada badnaa qaaradda Afrika oo lagu qiyaasi jiray 275.000 oo askari, halka ciidamada SNM lagu qiyaasi jiray inta u dhaxaysa  4000-5000 oo ay hadda ka nool yihiin wax yar oo far ku taris ah, waxaanu sheegay in markuu seexdo uu xasuusto saaxibadiisii ay halganka soo wadagaleen ee dhintay, waxaanu ilaahay uga baryey in dhammaantoodba ilaahay naxariistii janno kawaraabiyo. Waxaanu sheegay in guulahaas milateri ee SNM ay soo hoysay ahayd mucjiso rabbaani ah.

Doolaan wuxuu sheegay in maalintii ay ugu darrayd ay ahayd 1987kii markii buu yidhi aan booyado shidaal usida cadawga ay kasoo qabanay tuulada Unuunlay oo qiyaastii 50 KM ka xigta magaalada Burco, dabadeedna barqadii markaan marayno tuulada Xaydh ducato ayaa 5 guuto ciidan ahi dhinac kasta nagaga yimaadeen oo ay xidheen xuduudka oo dhan waxaananu haayn 17 mujaahid oo ku jiro Maxamed Xaaji Muse( Haragwaafi) ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee.  Waxaanu sheegay inay gubeen shan bee bee sidoo kalena qasaare balaadhan ugaysteen ciidmadii cadawga. Waxaanu sheegay in labadii gaadhi ay wadeen mid ka baxsaday , kii kalena oo siikaa uu ahaana la banjariyey, haddana 17kii nin aan guulaysanay wixii oo ciidan ahaa annagana qasaarahayagu aad u yaraa.

 Waxaa isna halkaas ka hadlay Mujaahid Maxamed Yusuf Liibaan oo sheegay inuu halganka la bilaabay SNM, islamarkaasna uu ka qayb galay dagaalo aad u badan, laakiin dagaalka iigu xusuusta badnaa wuxuu ahaa kii gudagalkii 27kii May 1988, waxaanu sheegay inuu ahaa taliye ururkii koowaad. Waxaanu yidhi waxaa ciidamadii SNM ee aaga bari laysugu keenay Samatar Ahmed. Anigu waxaan ahaa taliyaha ururka koowaad, halka ciidankii saddexaadna uu taliye urur u ahaa Ibrahim Jamac Dhiif 9(hay liqin )allah haw naxariistee. Waxaanu sheegay inuu Mujaahid Xandulle alla haw naxariistee watay Alla Aamin, Halka ururkii Tawakalna uu watay mujaaid Ina Macalin Haaruun alla haw naxariistee. Wuxuu sheegay inay ciidamadaas Burco galay uu watay Ahmed Mire, ku xigeena u ahaa alla haw naxariistee Aden Saleebaan( magubte), waxaa kale oo madaxdii kale ee ciidama SNM  Waxaanu sheegay in waajibaadka ciidanku ahaa inaan Burco ka galno afar meelood oo kala ahaa Barta, xeradii Gooncad, xeradii daraawiishta iyo nabadsugidda, xeradii gaaska iyo Airportka.

Waxaana sheegay inay intaba guul kasoo hooyeen marka laga reebo xeradii Barta oo iyada aanay noo suurgalin  inaan weerarno. Maxamed Yusuf wuxuu sheegay in gudagalkii Burco ahaa dagaal ku reebay xusuus badan islamarkaasna uu ku dhaawacmay halkaas.

 Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Cabdisalaan Turki, Farax Xasan Jagac, Khadra Xasan( Xaaskii  Mujaahid Ibrahim Koodbuur), ilaahay naxariistee janno haka waraabiyee) iyo Caasha Maxamud Qaalib, Siciid Yusuf Cabdi (Siciid Xabashi), , Maxamud Shikh Cali Dalmar, Aden Warsame Siciid( oo kamid ahaa madaxdii Uffo), Cismaan Xaaji Jamac, Khadiija Ceerigaabo  oo dhammaantoodba ka warrameen taariikhdii halganka iyo muhimadda ay leedahay 27ka May oo sheegay inay tahay maalintii dadka reer Somaliland ugu farxadda badnaayeen, sidoo kalena furaha u ahayd xornimada iyo xasiloonida ay  maanta haystaan bulshada reer Somaliland.

 Waxaa isna halkaas ka hadlay Cabdi Bacow oo sheegay in halgankii hubaysnaa uu gobolada waqooyi ka bilawday, dilkii Cabdilaahi Xaaji Siciid oo sheegay inuu dilkiisii goob joog ka ahaa. Waxaanu sheegauy in Maxamed Xaashi Gaani baxshay amarkii  la dilay marxuum Cabdillahi X. Siciid, laguna dilay bishii January 1982kii, taasoo uu sheegay in isla markii la dilay dalka ka baxeen Aden Shiine, Ahmed Dhagax, sidoo kalena ay ka daba tageen, Aden Saleebaan iyo Maxamed Cali alla haw naxariistee iyo  Maxamed Kaahin isagu ka ah sarkaalka hadda ka nool, saraakiishii ugu horraysa ee baxda.

 Waxaa iyana halkaas ka hadlay Saleebaan Dirir oo ka warramay doorkii qurbajoogu ku lahaa halganka, taasoo ka warramay inay xisbiga ka taageeri jireen dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda, warfaafinta iyo wacyigelinta.  

  Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Maxamed Shiikh Ismaciil Xujaale oo isna warramay taariikhdii halganka iyo marhaladihii kala duwanaa ee lasoo maray waxaanu sheegay inuu isagu soo ururshay taariikhdii xorriyada Somaliland isagoo kasoo bilaabay markii gumaysigu yimid Somaliland buuga la yidhaahdo xuuus qor.

 Waxaa isna halkaas warbixin ka jeediyey Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliland mujaahid Ismaciil Aden Dibi (Boos) oo kasheekeeyey garabkii samafalka ee SNM oo sheegay inaan SNM dagaal uun ku jirin ee ay sidoo kalena hay'ad samafal oo caawisa bulshada.

Waxaanu sheegay intaan dalka lasoo gelin in SNM ay samaysay xeryo qaxooti, taasoo buu yidhi xeradii ugu horraysay ee la sameeyey sannadihii 1987kii uu aha xeradii Xarshin oo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa u aqoonsanayd xeradii qaxootiga ugu horreeyey ee dad ka yimaada Somaliya ay ku sugan yihiin.

Wuxuuna xusay in markii danbe ee gudagalka dalkana ee ay ku baro kaceen shacbi aad u fara badani, SNM iyadoo la kaashanaysa dawladda Ethiopia iyo hay'adaha samafalka  la balaadhiyey xeryahii qaxootiga oo laga dhigay Xarshin A, Xarshin B, Kaam Abokor, Ramaso, iyo Darroor.

Waxaanu sheegay inay bilawgii dadka soo gaadheen dhibaatooyin aad u badan oo qaarkood kasoo lugooyeen ilaa 500 KM, sidoo kalena ay kala bateen caawimadii la hayey iyo dadkii soo qaxay oo bilawgii dalku la kulmeen harraad, gaajo iyo daawo la'aan, guri la'aan iyo daryeel la'aanba, laakiin SNM oo awoodeedu aad u koobnayd haddana ay dadaal u gashay in dadku helaan daryeelka ay u baahan yihiin. 

 Waxaa iyaguna halkaas kasoo jeediyey gabayo ku saabsna halganka Maxamed Cismaan Takhal, iyo Maxamed Xasan( Dhaglas).

 Cabdi cabdillahi Xasan,

London, UK

No comments: