28 September, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM XASAN MAXAMUUD JAAMAC.

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM XASAN MAXAMUUD JAAMAC.

 Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xito iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan Xaaskiisa Kaltuum Xaaji Axmed Ildab iyo ubadkiisa degan UK.

 Marxuum Xasan waxuu ahaa macalin debed iyo gudaba Somali iyo Ajanabiba wax baray. Waxaanu muddo dheer wada joognay qurbaha, Jubail, Sacuudiga oo uu Macalin ka ahaa dugsi farsamo, iyo magaalada Cardiif, U.K oo aanu ka ahyn odayada iyo kolkaannu nimid oon u ahayn dhalinyaro.

Marxuum Xasan waxuu ahaa nin aad u af gaaban, cibaado badan oo ku xidhin masaajidda meel uu joogaba.  Alle waxaan uga baryayaa inuu ka abaal mariyo falalkiisa wacnaa, dambigiisana dhaafo uguna naxariisto naxariistii uu u fidin jirtay ehel iyo islaamba.

Xasan Maxaamuud Jaamac waxa lagu aasay maanta Salaasa 27/09/2016 xabaalaha Naaso Hablood ee caasimadda Hargeysa.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.

Axmed Xasan Carwo

http://samotalis.blogspot.com/

18 September, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM CISMAAN CABDILLAAHI CIGAAL (CISMAAN HINDI)

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM CISMAAN CABDILLAAHI CIGAAL (CISMAAN HINDI)

Waxaan la wadaagayaa Tacsida shacab weynha Somaliland, geerida ku timid siyaasiga iyo ganacsadaha weyn ee Cismaan Cabdillaahi, Illaahay ha u naxariistee. Waxaan si gaar ah u tacsiyeynayaa ehelkii, waalid iyo wiilba, qaraabo, iyo guud ahaan bulshoweynta reer Maroodi Jeex oo uu ka soo jeeday iyo ehelkiisa jooga Maamul Degaanka Soomalida Itoobiya. Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa xaaskiisa Marwo Hinda Cabdi Muuse.

Cismaan waxuu ahaa siyaasi hadal cad, meesha uu joogo ka muuqda, isagoo aanu muddo dheer wado ahayn kaadiriinta Kulmiye oo aan ku xusuusto mawqifyo adag iyo kaalintuu iska taagay. Waxuu ahaa ganacsade si weyn u shaqaysta dalkana maalgashi la yimid. Nin karti badan oo dedaal badan.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.

Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com
063 424 2077

http://samotalis.blogspot.com/