28 December, 2015

Wasiir Cukuse: Safiirrada kale waxaan ku dhiiri galinayaa inay ku daydaan, Amb Baashe Cawil Cumar "intii xaman jirtayna maanta ha ka hadho ayaan leeyahay" oo ha eegaan Dedaalkiisa waxqabad



Wasiir Cukuse: Safiirrada kale waxaan ku dhiiri galinayaa inay ku daydaan, Amb Baashe Cawil Cumar "intii xaman jirtayna maanta ha ka hadho ayaan leeyahay" oo ha eegaan Dedaalkiisa waxqabad

Hargeysa () Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir(Cukuse), oo ka mid ahaa wefti madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayay oo degmada Laasgeel ka dhagax dhigay biyo xidheen ayaa sheegay in dhaamkaasi muhiim u yahay degaanka iyo magaalada Hargeysa oo la filayo inay keyd biyood ka hesho. Waxa kale oo uu ammaan u jeediyay safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka. Mashruucan waxaa hirgaliyay dalka Imaaraadka Carabta.
"Waxaanu u nimid degmada Laasgeel mashruuc weyn oo dadku intifaacsan doonaan. Mashruucaas oo wax weyn ka tari doona degaankan laga samaynayo iyo inta la dariska ahba. Biyo xidheenkani waa mid weyn oo anfacaya ilaa Hargeysa, waxaanu ka mid yahay mashaariicdii dawladda Imaaraadku madaxweynaha u balan qaaday socdaalkii u dambeeyay ee uu ku tagay dalkaasi," ayuu yidhi wasiir Cukuse, waxaanu intaasi raaciyay " Dhaamkani wuxuu ka mid yahay dhawrka dhaam ee ugu qaalisan, dhaamka kalena waxaa laga samayn doonaa Laascaanood oo la doonayo inay biyo macaan hesho ayaa dhaamkan mid la mid ah oo la qiimo ah laga samayn doonaa. Waxa kale oo la isku dayayaa oo dhaam kale loo hayaa halka dooxyada oo dhammi ku af go'aan ee Waaheen la yidhaahdo, in iyadana biyo xidheen laga sameeyo. Himiladii ahayd in baahida koobaad ee dalku qabaa biyaha tahay ayuu ka mid yahay mashruucani, madaxweynuhuna wuu ku guulaystay," ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale ammaanay safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil Cumar oo muddo kooban xilkaasi hayay "Waxaan halkan ka ammaanayaa oo ammaan dheeraad ah aan ammaanayaa, safiirka safiirrada ugu da'da yar ee dhawaan la magacaabay Baashe Cawil, oo durba ku guulaystay inuu halkan keeno tobaneeyo wefti oo qaarkoodna yihiin kuwa dhaamkan inoo samayn doona. Safiirrada kale waxaan ku dhiiri galinayaa inay ku daydaan, intii xaman jirtayna maanta ha ka hadho," ayuu yidhi wasiir Cukuse.

No comments: