10 September, 2012

Xasan Sheekh Maxamuud oo ku Guuleystay Madaxweynenimada Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud oo ku Guuleystay Madaxweynenimada Soomaaliya



Muqdisho, September 10, 2012, (Weedhsan) –  Musharrax Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya kula loollamayayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ku guuleystay 190 cod, halka uu Shariif Sheekh Axmedna ka keenay 78 cod, waxaana codeeyay 268 mudane.
Haddaba waa kuma Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya? Waxaannu halkan idiinku soo gudbin doonnaa Taariikh-nololeedka Xasan Sh. Maxamuud oo kooban ee nala fiirsada:
Xasan Sheekh Maxamuud waa aqoonyahan iyo dhaqdhaqaaqe siyaasadeed iyo bulsho kaas oo ka soo shaqeeyay dhowr urur oo maxalli iyo caalamiba ah oo ka shaqeeya horumarinta iyo nabadda.

Maxamuud waxa uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed 1981-dii, kadibna waxa uu waxbarasho u aaday Hindiya halkaasi oo uu ka qaatay shahaadada Masterka Jaamacadda Bhopal sanaddii 1988-dii.
1993-dii, Maxamuud waxa uu noqday madaxa waxbarshada ee UNICEF ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ilaa 1995-tii, markaasi oo howlgalkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la joojiyay.
1999-kii, waxa uu kamid ahaa aassaasayaashii Mac'hadka Maamulka iyo Maarraynta Soomaaliyeed ee Muqdisho, taasi oo markii dambe loo rogay Jaamacadda Simad, Hormood ayuuna ka ahaa ilaa 2010-kii.
2011-kii, waxa uu aasaasay Xisbiga Nabadda iyo Hor'umarka, oo uu hadda yahay guddoomiyihiisa.

Maxamuud waxa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska – Xogtan waxaannu ka soo xigannay Sabahionline.com.
Si kastaba ha ahaatee, doorashada Madaxweynahan cusub ee Soomaaliya ayaa noqonaysa mid weji cusub iyo waa ugub ah u riixaysa siyaasaddii Soomaaliya oo sannadihii u dambeeyay ku soo jirtay marxalad ku-meelgaadhnimo.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: