08 September, 2012

Nin Swedish oo Soomaali garaacday ka dibna ay gubtey.


Ninkaan dhalinyarada ah oo ay Soomaalidaas garaaceen ka dibna ay dabka qabadsiiyeen oo lagu magacaabo Rudolf Moilanen oo 18 sano jir ah una dhashay dalkaas Sweden oo dhawaantaan uga waramey warbaahinta dalkaas Sweden sida ay wax u dhaceen asagoo ku jira isbitaal looga daaweynaayo dhaawacyadii ay u geysteen Soomaalidaas ayaa waxaa la sheegay in dhawaantaan uu saaxiibadiis la soo caweeyey ka dibna uu damcay inuu gurigiisa aado xilli ay saaxiibadiis sii aadayeen baashaal kale asagoona kaga harey halka baska laga raaco ee magaalada Jordbro ee dalkaas Sweden laakiin intii uu baska sugaayeye ayaa uu ninkaas meeshii wax yar indhaha is galiyey oo uu seexday asagoona ku soo baraarugey Soomaali kor taagan kuwaas oo weydiiyey inuu wato wax qiimo leh ka dibna waxay ku bilaabeen garaacid iyagoona ka qaatey teloofoonkii gacanta iyo jaakadiisii, Soomaalidaas ayaan intaas uga harin ninkaas ayagoona u jiitey meel jiq ah ka dibna kor kiisa ku bil bilay ama ku shubay wax sidii baasiinkii oo kale ah ka dibna taraq ku daaray oo dab qabadsiiyey ninkaas taas oo keentay inuu ninkaas ololo gabi ahaantiisa laakiinse arinta ugu sii daran ayaa waxay ahayd ka dib markii mid ka mid ahaa Soomaalidaas uu ninkaas qoorta cagta ka saarey si uusan u rafan taas oo keentay inuu ninkaas sii gubto asagoo qeylinaayo xanuun awgiis intaas ka dib ayey Soomaalisaasna ay goobtaas ka baxsadeen. 

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay dad badan ay la yaabeen falkaas naxariis darada ah ee Soomaalidaas qaxootiga ah ay u geysteen ninkaas ay wadankiisa ugu tageen aayaa baaritaan iyo dabgal dheer waxay dhawaataan ay booliisku u qabteen arintaas mid ka mid ah Soomaalidii falkaas geysatey oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cali oo 19 sano jir ah iyadoona ay booliisku baadi goob xoogan ugu jiraan 2 kale oo ahayd saaxibada ninkaas la qabtey, hooyada ninkaas la jirdilay ka dibna la gubay oo lagu magacaabo Eliisa Moilanen ayaa waxay si caro leh u eedeysay Soomaalidaas oo ay ku tilmaantey inay aahaayeen kuwo rabey inay si xun u waxyeeleeyaan wiilkeeda, Ninkaan oo 50% uu jirkiisa gubtey ayaa waxaa la geeyey isbitaalka magaalada Uppsala si jirkiisa loo kabo iyadoona uu hada ka soo kabanaayo dhaawacyadii ay Soomaalidaas gaarsiiyeen. 

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: