08 September, 2012

Magac iyo sharaf bay u tahay Somaliland , in Aqoonyahanada Amina-Waris noqoto Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland,oo halgankii SNM & Qaranimada Somalilandba baal Dahaba kaga suntan

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan dhammaantiin  Allaha awoodda leh  idiinka baryabyaa , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhi raba liibaana , xaqa ku adima, cadaaladda u hiiliya , Qabyaaladda & qudhunkeedana iska fogeeya.

Inta aanan u gudbin dulcuda qoraalkaygan iyo halka aan u dan leeyahay,ee ay muhatay laabtaydu , bal aan ku ibbo furo cutubyo ka mid ah Heestii Hooyo,ee uu curiyey Abwaankeena weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi):


Hooyoy la'aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Dayax heego joogoo
Sida haad ma fuuleen
Xiddig hawd ka lulatoo
hawo laguma gaadheen

   ************


Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaabiyo
Tiro lagu helayne
Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey dhiiran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

 ************

Marka aad nin hooggiyo
Ka hor taga dagaalkoo
dabka hura baqtiiyoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
ku hagoogta dhiigoo
Dadka kala hagaajoo
Kala hage dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

 ************

Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hub-qaadloo
Quruxdana ka hodanoo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa.

  ************

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq-dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa,
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Weligey hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon

 ************
Haddii aan intaa ku dhaafo suugaanta aan duugoobin ee Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi),bal aan u daa daago ujeedada qoraalka ,qadarna aad is dul taago macnaha iyo ujeedad aan ka leeyahay qormadan .Marwo Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde,waxay waqtigii dib u xoreynta Somaliland ku sugnayd Dalka Ingiriiska ,waxaanad qiyaasi kartaa Marwo odeeygeedii halgan adag,oo dheer ku jiro, culayska saaran dhan walbba , masuuliyadii qoyska,masuuliyadii korinta caruurta,oo ay weliba intaa u dheereyd , hormoodna ka ahayd  dhaqaale ururintii lagu taageerayey Mujaahindintii SNM ee dagaalka ku jiray.

Iyadoo hawsha intaa leeg u dhabar adaygtay ,ayay haddana waxay ay bar bar waday inay dhinacna Jaamacadaha Ingiriika wax ka barato,si ay barrito Dalkeeda ,dadkeeda iyo diinteedaba  u anfacdo....Halkaa waxaad ka garan kartaa tacabka iyo juhdiga  ay ku bixisay, ee ay u hurtay si Dalkeedu xaq darrada iyo dulmiga uga xoroobo.Waxaa iyana mudan in la xuso,taageeradii ay mar walbba la garab taagnayd odaygeeda, Mujaahid, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waana kii Gabayaagii weynaa ee Ismaaciil Nuur hore u yidhi:

Tabantaabaday laba gacmood,tamar ku yeeshaane,
Hadday midigtu kali taagantahay,tahar ma goyseene,
Tiska waxa la qaadaa ,markay tiirisaa bidixe


Inkastoo aan abaalka Haweenka Somaliland ee soo halgamay aan marnaba la gudi karin,taariikhduna ay xusi doonto, waxaa hubaal ah inay magac iyo sharafba u tahay Jamhuuriyadda Somaliland, in maanta Aqoonyahanada Amina-Waris ,tahay Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland.Waxaa taa garab socota, oo xaqiiqa ah ,kaalinta  aan la iloobin  karin ee ay Haweenka Somaliland ka soo qaateen halgankii xaq u dirirkii ee SNM ,ha noqoto Mujaahid ay dhaawiciisa dhayaan,mid ay jalaan iyo mid ay dhiig-baxa ka bad baadiyaanba.Waxaa iyana markhaati ma doonto ah, gacantii & kaalintii  ay ku  lahaayeen nabadayntii,colaad damintii, isku soo dhaweyntii,walaalayntii iyo aasaaskii  Qaranimada Somaliland.Waxaan qoraalkaygan ku soo gunaadadayaa, magac iyo sharaf bay u tahay Somaliland,in Aqoonyahanada Amina-Waris noqoto Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda
Somaliland,oo Halgankii SNM  & Qaranimada Somalilandba baal Dahaba kaga suntan.


Waxaan idinku dhaafayaa dhammaantiinbba,Somaliland ha jirtoo , oo ha joogto abidkeed,Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) & Marwadiisa,Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde,ha guuleystaan,aamiin.

Eng.Maxamed Cali Muse (Farshaxan)
September 7,2012




No comments: