10 September, 2012

MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOOMAALIYA HA LA YIMAADO SIYAASADDA LABA DAL OO WALAALO AH.

Doorashadii Madaxweynha Soomaaliya oo  uu ku guulaystay Xasan Sh Maxamuud ayaa doorkii hore oo ay ay isu soo sharaxeen 22 murashax ayaa u dhacday sidan oon hoos idiinku muujinayo inta cod heshay, iyagoo ay jiraan rag aan hal codna helin oo uu ka mid yahay Maslax Maxamed Siyaad, taas oo ka dhigan in xataa naftiisu u diiday inay u codeyso. Waa amuur la yaab leh, ruuxa isagu isu codeyn waayey, yaa uu cod ka sugaayey.


Natiijada doorashada Musharaxiinta
Cabdi Wali Gaas 29 cod
Cabdullahi Cadow 24 cod
Shariif Ahmed 63 Cod
C.raxman Baadiyow 20 Cod
Cabduqadir Cosoble 27 Cod
Yusuf Garaad 8 Cod
Mohamed Gacal 1 Cod
Mohamed Farmaajo 13 Cod
Xasan Shiikh 59 Cod
Saciid Lugoole 1 Cod
Ahmed Samatar 8 Cod
Xaaji Yasin 2 Cod
Sakariye Xaaji 1 Cod
Cabdi wali shiikh 3 Cod
Maxamed OOmaar 1 Cod
Cabdi Wali Goonjeex 3 Cod
Cumar Salaad 2 Cod

Waxay doorashau u dhacday daah-furnaan iyo hab dimuquraadi ah soona jiitay indhaha bulshada caalamka. Waxa barlamanku xajiijiyeen inay ka door bidayaan ragga dalka joogay ee dhib iyo dheef dadkooda la wadaagay, ragga qurbajooga ah, iyo inay doortaan aqoonta ooy ka baxaan dagaal oogayaal.

Haddana arrintani waxay ina tusaysaa in hab qabiil lagu heshiiyey oo ah in loo daayo beesha Hawiye, Abgaal Madaxnimada, halka la filayo in Daaroodna qaato Raisal Wasaaraha oo weliba loo filaayo Majeerteen. Faalo kale ma leh ee ma laga yabaa in arrintani ku noqoto Soomaalida mid joogta ah oon ku eekaan xiligan dib u dhiska.  Aan u rajeeyo inay ku eekaato xiligan dib u dhiska, walow waxa loo bartaa caado noqoto.

Waxaan leeyahay Madaxwyne Xassan Sh. Maxamuud hanbalyo, bogaadin iyo guul iyo guul. Dardaaranka ugu muhiimsan een u dirayaa waa inuu noqdo nin eega danta guud iyo nabadgelyada lana dagaalama musuqmaasuqa oo aanu inna u dulqaadan in la dhaco hantida guud, waa inuu iska jiraa eexda iyo qabyaaladda, waa inaan shisheeye wax u yeedhin, waa inuu naftiisa ku kalsoonaadaa oo uu yeeshaa go'aan adag iyo hoggaan awood leh. 

Siyaasadiisa Soomalilandna ha ahaato mid run ku dhisan oon malo awaal iyo riyo ahayn. Waa inuu ka shaqeeyaa siyaasadda laba dal oo walaalo ah oo wax wada qabsada taas oo danta Soomalinimadu ku jirto. Yaan waqti kaga lumin dib u raadin aan suuragal ahayn iyo midnimo aan la helayn. Dadku waxay u baahan yihiin dib u dhis dhaqaale, bulsho iyo caafimaad, uma baahan muran iyo colaad hor leh. Aan ka wado shaqayno inaynu helno hab iskaashi oo ay u aayaan dadweynaha labada dal, taas ayey guushu ku jirtaa. Noqo Madaxweynihii ka midho dhalin lahaa wada hadalka labada dal.

Alle ha garansiiyo halka dantu ku jirto. Soomali meel ay joogaanba waxaan u rajeynayaa nabad iyo horumar.


Axmed Xasan Carwo 

 samotalis@gmail.com


http://samotalis.blogspot.com/

1 comment:

Buuxiye said...

In my humble opinion Hassan Sheik has shown the prerequisite of the mentality required to fathoma 2 state dialogue that is mature and aimed at producing a satisfactory outcome that is both beneficial and a contribution to the 2 states concerned. In his speeches he has avoided the usually propaganda deployed by moqadishu politicians and has sworn to respect the choice of the people of the 2 states be it UNION or INDEPENDENCE. If his words carry any value he made it clear that he is against FORCE and POLITICAL manipulation to achieve UNION even though he would like another union to occur as a result of the wishes of the people.