09 September, 2012

Maayarka Berbera Oo Ka Waramay Sababaha Ku Kalifay Inuu Kulmiye Galo

Maayarka Berbera Oo Ka Waramay Sababaha Ku Kalifay Inuu Kulmiye Galo

Berbera, September 9, 2012 (Haatuf) - Munaasibad si loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayey Maayarka Degmadda Berbera Cabdalla Maxamed Carab (Cabdale Sandheere) oo isagu dhawaan ku biiray Xisbiga Kulmiye ayaa shalay lagu qabtay Hutelka Maansoor ee Magaaladda Berbera. Xafladaas ayaa waxa ka soo qaybgalay Hogaanka Xisbul Xaakimka Kulmiye oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirada Kaluumaysiga, Ganacsiga, Diinta iyo Awqaafta, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaano badan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris X.Maxamuud Jirde, Salaaadiin, Cuqaal iyo taageerayaal badan, taas oo uu Maayar Cabdalle mar kale ku cadeeyey inuu Xisbiga Kulmiye uga Tartami doono doorashadda deegaanka degmadda Berbera. Sidoo kale Maayarka Degmadda Berbera Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) oo Xalay Haatuf ugu waramayey Khadka Telefoonka, isla markaana ka jawaabay su'aal ku saabsanayd Sababta uu uga digo-rogtay Xisbiga UDUB, uguna biiray Xisbul Xaakimka Kulmiye, waxa uu yidhi  "Sababta aan uga baxay Xisbiga UDUB ee aan uga digo-rogtay waxa aan kaaga sheegi karaa Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo aan u arkay in Waxqabadku dhab ka yahay, taas oo anigana igu dhiiri galisay inaan waxqabadkayga ii qorshaysnaa inaanu iskula Jaanqaadi karno. Sababta oo ah marka adiga oo ay kaa go'an tahay inaad ummadii ku dooratay aad uga tagto wax qabad Cad iyo wax lagagu soo xasuusta, isla markaana aad aragto xukuumadda u soo jeeda inay bulshadda wax u qabato run ahaantii waa inaad si cad uga badheedho oo aad ka mid noqoto".

Maayar Cabdale isaga oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya Shahaado ay ku Maamuuseen Haweenka Gobolka Saaxil oo ay guddoonsiisay Marwada Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamin Waris, waxa uu intaas raaciyey "Shahaado sharafta ay i guddoonsiisay Marwadda Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina-waris Sh. Maxamuud Jirde waxa iigu sharfay Haweenka gobolka Saaxil, run ahaantii waan uga mahad naqayaa Shahaado sharaftaas waanay i dhiiriyeen Haweenka gobolkaas iyo Marwada Madaxwaynuhuba aadna waan ugu mahad naqayaa".

Dhinaca kale Munaasibadaas shalay loo sameeyey Maayarka Degmadda Berbera oo noqonaya Masuulkii ugu Miisaanka waynaa ee ka soo jeeda Gobolka Saaxil ee Xisbiga Kulmiye ku biira, isla markaana noqonaya Maayarkii ugu mudada dheeraa ee degmadda Berbera ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inuu Maayar Cabdale mudo dheer ku qancinayey inuu ku biiro Xisbigooda, isla markaana ku amaanay Waxqbadka uu ku talaabsaday mudadii uu degmadda Guddoomiyaha ka ahaa. Muuse Biixi isaga oo arimahaas ka hadlaya, isla markaana ka sheekaynaya sababta uu ku jeclaaday inuu Maayarka ka codsado inuu xisbiga Kulmiye ka mid noqda, waxa uu yidhi "Waxaan ka imid Magaalada Boorama, waxaanan soo dhaafay Hargeysa oo hawlo badani ii yaaleen, waxaan intaas oo dhan u sameeyey inaan reer Berbera kala qaybgalo Xafladan qiimaha leh ee ay u samaynayaan Maayar Cabdalle oo bulshadda reer Berbera wax badan u qabtay, isla markaana horumar wayn ka sameeyey Magaaladan, waxaanan reer Berberow idinka codsanayaa inaad Codkiina siisaan Maayarkaas Waxqabadka ku sifoobay si waxqabadkii uu hore u sameeyey uu u sii amba qaado".

Muuse Biixi isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray "Mudo sadex sano ku dhaw  ayaan daba socday mayor Cabdale si uu xisbigayaga ugu soo biiri lahaa waayo waxa aan aan ogaaa kartidiisa iyo waxqabadkiisa".

Waxa kale oo iyagu Munaasibadaas loo sameeyey Duqa degmadda Berbera ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif, kaas oo Maayar Cabdale ku amaanayisbedelka uu ku sameeyay Berbera, waxaanu yidh "Bulshadu waa in ninkii wax u qabanaya ay laabta ka ogaataa, Maalin baan Maayarka ku idhi xiliyadii hore maxaad sidan wax ugu qaban waydeen isaga oo aan ii jawaabin ayaan ku idhi iskadaa anaa gartoo waraaqihii fadlanta ahaa ayay xukuumadu joojisay markaa wixii cashuurta idinka soo galay ayaa wax ku qabateen".

Si kasta ha ahaatee waxa iyagu Xafladaas ka hadlay Xildhibaano, Salaadiin, Cuqaal waxaanay dhamaantood qireen Miisaanka uu leeyahay Maayar Cablaha Maxamed Carab iyo horumarka uu hormoodka ka ahaa ee ay ku talaabsatay Magaalada Berbera dib usoo noolaysay.

Dhinaca kale Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab oo isaguna ka hadlay Xafladaas lagu soo dhawaynayey ee ka qabsoonta Hutelka Maansoor ee Magaaladda Berbera ayaa ugu horayn u mahad naqay Madaxda kala duwan ee soo xushmaysay xafladan ee Caasimada Hargaysa uga timid.

No comments: