09 September, 2012

Feysal Cali Waraabe: Xildhibaanadii Ka Tegay Somaliland Waxaan Leehay Codkiina Meel Wanaagsan Mariya

Feysal Cali Waraabe: Xildhibaanadii Ka Tegay Somaliland Waxaan Leehay Codkiina Meel Wanaagsan Mariya

Hargeysa, Sept 09, 2012,  Siyaasiga Feysal Cali Waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa talo u jeediyey xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee berri dooranaya madaxweyanaha dalka.


Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jar’aaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa mudanayaasha baarlamaanka kula taliyey iney soo doortaan madaxweyne wax u tari kara Soomaaliya.

“Waxaan jecleystay inaan fariin u diro shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada, waxaana u sheegayaa shacabka Soomaaliya in haddii aan nahay reer Somaliland aanan wax xumaan ah u qabin” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

“Maalin dhaweyd ayaan jirircooday markii Augustine Mahiga uu la talinayey xildhibaanada, marka waxaan leehay xildhibaanayahow Alle ka baqa oo codkiina ha siina qof ajnabi wato oo dano gaar ah laga leeyahay” ayuu sidoo kale Feysal Cali Waraabe.

“Codkiina siiya dad ay ka dhab ka tahay iney Soomaaliya wax u qabtaan oo nabad kusoo celiyaan, kuwa annaga naga tirsan ee Somaliland-na waxaan leehay mar hadaad meeshaa tagteen codkiina meel wanaagsan mariya oo codkiina yuusan noqon mid laga baayac mushtarayo” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.


Mar wax laga weydiiyey in siyaasiyiinta Somaliand ay kala taageersan yihiin musharrixiinta madaxweynaha Sooomaaliya ayaa sheegay in arrimaha Soomaaliya ay ka hadlaan dalal badan sida Jabuuti, Imaaraadka, Kenya, iyo Itoobiya, Somaliland ay saameyn ku leeyihiin arrimaha Soomaaliya.

“Soomaaliya mandiqadda ayay ka mid tahay, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa ka hadla, annaga wey na saameyneysaa oo aad ayay inoo saameyneysaa, marka waa inaan taladeena ka geysanaa, haddaanu ka geysan weynay inaan gogoshii dhigno sidii Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya waa inaan caqligeena iyo taladeena aan ku tarnaa” ayuu yiri Feysla Cali Waraabe.

Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay war shalay kasoo yeeray maamulka Puntland oo ahaa ineysan aqbali doonin natiijada doorashada haddii ay soo baxaan siyaasiyiin aysan rabin ayaa sheegay in reer Puntland aysan xaq u laheyn iney helaan xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha labadaba.

“Faroole waa inuu dowladda ka tirsanaadaa ama waa inuu isaga go’aa” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo sheegay in Faroole doonayo in wixii uu kasoo helo koonfurta Soomaaliya uu ku dhisto deegaanada Puntland.

 http://samotalis.blogspot.com/

No comments: