A. In Doorashada lagu galo 1.200.000 ee qof ee ay soo jeedisay,
B. In mudada Serverka loo kordhiyo, oo ugu yaraan laba bilood oo dambe lagu daro.
C. In ay Somaliland Doorashadeeda ku qabsato bilaa diiwaangelin la'aan,
waxaa Kulmiye Qaatay qodobka A. oo ah in doorashada lagu galo Halka Million iyo labada Boqol ee qof, isagoo Dib u dhac dambe ka ordaaya, taasoo Deeqbixiyeyaashu kharashka bixinayaan. UCID-na waa ay la qaadatay. Komishinku waxa uu qaatay optionka ah in bilaa diiwaangelin lagu galo, sababtoo ah waxa meesha ka baxaysa bedelaadii xubnaha qaarkeeda, iyo shuruudihii Dee-bixiyeyaasha. Deeq-bixiyeyaashuna waxay taageereen in Diiwaangelin lagu galo, waxayna ka digeen cawaaqib xumo in ay ka dhalan karto haddii doorashada somaliland lagu galo bilaa diiwaangelin. Sidaasi darteed, waxaa la sugayaa waa xukuumada iyo xisbigeeda UDUB go'aankooda, bal dhinaca ay raacaan ee ay ku dhawaaqaan, in kastoo Xoghayaha UDUB ee dhinaca siyaasada ninka la yidhaa Cumar Jaamac uu sheegay inay ku khasban yihiin go'aanka Komishanka, hadana ilaa hadda cid ka wayn lagama hayo wax hadal ah.dhinaca kale, waxa isweydiin mudan xukuumada Riyaale, oo shaqaalaheedii aan dhawr bilood mushahar siinin ma qaadi kartaa 4 milyan oo dollar oo kharashka doorashada ah iyo 4 milyan oo ay ku kaanbayn garayso. sidoo kale, waxa iyana meesha taagan 15 kii milyan ee diwaangelinta ee deeq-bixiyayaashu bixiyeen xashiishka ma lagu dari karaa, oo deeq-bixiyayaashu maka samri karaan, mise haddii aynu diidno inaynu qaadano tirada Server-ku soo saaray saamayn dambe ayey inagu yeelan doontaa, oo dhinaca deeq-bixiyayaasha ah.
- Dhinaca kale, waxa xalayto Dawlada Somaliland albaabada u xidhay TV-gii HCTV ee xorta ahaa.
- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa markuu shalay Hargeysa ku soo laabtay isla markiiba ku dhawaaqay in aanu doorashadaba ka qaybgalayn inta Komishankaniba fadhiyo.
No comments:
Post a Comment