19 May, 2008

XAFLADDII 18KA MAY 2008 IYO CARDIFF (KAADHIF) U.K




XAFLADDII 18KA MAY 2008 IYO CARDIFF (KAADHIF) U.K

Axadii 18ka bisha waxa magaalada Cardiff ee xarunta Wales lagu qabtay xuskii 17naad ee maalinta qaranka Soomaliland, xus si qurxu badan loo soo abaabulay. Madasha weyne ee Channel View, waxa soo buux dhaafiyey dadweyne u riyaaqsanaa xuska maalinta qaranka. Waxa isla madasha lagu soo dhoweeyey laba halyeel oo ka tirsanaa inta kifaaxa dheer u soo martay maalintan. Waa mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim.

Xuskan oo uu daadihinaayey Ibraahim Carab, waxa lagu furay aayado quraan ah oo uu akhriyey Sh. Ismaaciil Miire. Waxa xafladda furay Gudoomiyaha jaaliyadda Mud. Axmed Xasan Carwo oo si faahfaahsan uga waramay qiimaha ay maalintani inoo leedahay iyo qiimaha dimuquraadiyadu kaga jirta dhismaha qarannimada Somaliland. Waxuu Axmed yidhi “ Waxa waajib inagu ah dhammaanteen muxaafid iyo mucaaradba inaynu dhowrno sharciga iyo distoorka oo aynaan noqon qaar indho la,aan dawladda amba mucaaradka ugu sacab tumo. Taas ayaa dhisaysa qaran sharcigu hago iyo dawlad danta guud u darban iyo mucaarid sharciga dhowra. Qof iyo qabiil daafac qaran laguma dhiso waxa horumar bulsho lagu gaadhaa daafaca danta guud, la-xisaabtanka dawladda, iyo xorriyadda siyaasadeed ee dad weynaha. Caddaalad iyo sharciga oo loo guntadaa, loo sinnaadaa xaakim iyo maxkuumba ayaa ah dhiiga waraabiya dhismaha bulsho horumar ka gaadha arrimah nolasha nooc walba… Waa in xukuumaddu noqotaa mid lala xisaabtamo, loona oggolaadaa in mucaaradku six or u u dhaliilaan oo warbaahinta dawladda loo sinnaado, si bulshadu u qiimeyso cidda tartanka siyaasadeed ku jirta” Waxuu Axmed si kaftan ah u sheegay in marka ruux runta laga sheego, aanu noqon mid miciinsada been iyo ceebeen aanu u meel dayin. Waxuuna soo qaatay sheeko Talyaani ah oo laba siyaasi dhex martay. Midbaa yidhi “ Haddaad run iga sheegto, been ayaan kaa sheegi”, waayo wax xun oo run ah ninka kale kuma hayo, isna wax wanaagsan oo laga sheego ma leh..

Hadalka Axmed oo aad u dheeraa si qiime lehna u iftiimiyey nabarada bulshada ku yaal iyo midnimada looga bixi karo, kuna jireen matalo ay murtiyi fadhido iyo tilmaamo si qumaati ah u abaaraya meesha ay sartu ka qudhuntay, waxuu ku soo gunnaanaday isagoo si weyne madasha ugu soo dhoweeyey labada mujaahid, una mahadnaqay dadweynha Cardiff ee sida quruxda badan u soo dhoweeyey Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi iyo Muj. Jamaal Caydiid, kana tirsan Madaxda Uruurka Qaran, isla markaasna ahaa raggii aasaasay ururka SNM una soo maray dhib dagaal iyo mid xadhigba.


Waxa hadalka lagu soo dhoweeyey Muj Jamaal Caydiid oo aad uga waramay hadafka Ururka Qaran iyo hanaankii loo soo maray maalinta aynu xusayno. Waxuu yidhi “ hiigsiga ictiraafka iyo dhismaha dalka aynu xoog, naf iyo maalba u soo hurnay, ma aha inuu marin habaabo. Meel wacan waa la gaadhay, waxa se jira khatarro inagu gadaaman, una baahan inaynu wadajir ugu toosno dimuquraadiyada oo ah asaaska ictiraafka aynu raadinayno”. Habkii loo xidhay waxuu ku tilmaamay mid dhaafsiisan distoorka iyo shuruucda dalka u yaal. “ Waxaanu ku jirnay shirar aan ku bandhigeyno afkaartayada iyo qadyadda distoorku ka qabo furitaanka Ururada. Wax qas ah amba qalalaase ah marna umaanu badheedhin. Xataa waxaanu weynay in Maxkammadda Sare nooga soo jawaabto dacwad aanu u gudbinay. Waxay arrintu noqotay mid qaab afduub oo kale ah naloo geeyo xabsiga Mandheera, gudihiisana nalagu xidho. Xaalkayagu xabsiga dhexdiisa wax dhib ihi nagama soo gaadhin, ee si sharaf ah ayaa shaqaalaha xabsigu noola dhaqmay, aadna wey uga duwanayd xadhigii aan hore xilligii halganka ku jiray. Waa se nasiib darro in mar kale isla meeshii qaab sharci darro ah aan ugu noqdo”

Intaas ka dib waxaa hadal dheer oo taariikhda 18 May iyo halgankii SNM ka akhriyey Muj. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka mid ahaa aasaasayaashii SNM kaga dhawaaqay London April 6 deedii 1981., isagoo xusay intii ku dhimmatay, inta ku naafowday iyo maal waxuu ku dumay. Waxa Maxamed u kacay dhinaca dhibaatooyinka jira oo uu sal uga dhigay xisaab la,aan iyo musuqmaasuq curyaamiyey qayb kasta oo dawladda ka tirsan. Waxuuna xusay in ilaa Labadii Xukuumadood ee hore iyo tan maantuba wax dhinacaas oo wanaag maamule ah loo kicin. Waxuu taabtay miisaaniyadda iyo xisaab xidh la,aanta. Waxuu tibaaxay sida musuqa loo xalaashaday. Waxuuna yidhi “ Dadweynow waa inaynu u gurmanaa danta guud, la dagaalanka musuqa inagoo muxaafid iyo mucaaradba leh. Waa inaan kuwa hawsha inoo haya la xisaabtanaa, kuwa kalena weydiinaa waxa barnaamaj ay hayaan ee ay kuwan kaga duwan yihiin. Aynu dhaafno hebelbaa reerka dawldda ugu jira oo aynu noqon hebel maxuu qabtay. Waxa Golayaashii Sharci dejinta curyaamiyey musuq. Shaqaalaha dawladda ee shaqeeya seddex sacadood halkay horumar ka gaadhi. Yaa se laga sugayaa inay saxaan. Meeday madaxnbanaanidii maxkamadahu. Kolka mushaharkooda laga xorreeyo madaxtooyada ayey heli karaan madax bannaani.” Waxuu raaciyey “Haddana waxa ina eeganaaya cadow. Cabdillaahi Yuusuf iyo kooxdiisa ma aha in la ilduufo ee waa in wax walba aynu ka hormarinaa isku-duubnida iyo midnimada, waxii inaga qaldana ku eegnaa distoorka iyo sharciga. Dawlada aan la xisaabtano ma aha dalka aan baabiino. Ananaga cid nooga lexjeclo badani ma jirto, nabadeeda iyo jiritaankeedu waa kuwaan naftayada u hurnay.”

Waxaa hadalka la wareegay Xaaji Ciise Geeljire oo mahadnaq ka soo jeediyey iyo soo-dhoweyn wafdiga ah isagoo ku hadlaaya magaca odayada Jaaliyadda. Waxuuna sheegay in arrimaha dalka ka jiraa yihiin qaar werwer ku haya qurbajooga, loogana baahan yahay siyaasiinta iyo waxgaradka dalka ku nooli inay si wadajir ah ugu hawl galaan in xal xaq ah dhakhso looga gaadho, oon la waxyeleen geedi-socodka dimuquraadiyada. Waana in la xusuustaa dhibta loo soo maray iyo halgankii dheeraa.Waxuu xaajigu dareen xoog leh ka muujiyey sida ay uga xumaayeen xadhigii madaxda Qaran ee ahaa birmagaydada inta ugu mudan. Waxuu sheegay inay cid walba iyagu uga habboon yihiin hoggaanka dalka, loogana baahan yahay inayna niyad jabin ooy u dhabar adeegaan wax kasta ilaa ay guusha gaadhayaan.

Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Mudane Axmed Geedi (Sanjab) oo ah xoghayaha guud ee hore ee UCID.Axmed waxuu si gaar ah uga waramay taariikhda Maxamed Xaashi ilaa 1963 oo uu ka badbaadiyey koox uu Sanjab oo hantidhowr ah Berbera ku eedeeyey musuq. Waxuu aad uga waramay sida Maxamed Xaashi uu uga dagaalamo danta guud iyo ilaalinta hantida qaranka, isagoo dhammaan shaqooyinka uu qabtay ku maamulay hagar la,aan iyo daacadnimo aan weli cid kale ku dayin. Waxuuna u gudbiyey qoraal bug ah oo uu ku dejiyey nidaamka xisaabadka dawladda. “Financial Policies and Procedures of Somaliland”, kaas oo xukuumaddii Cigaal u igmatay, lana ansixiyey, aan se lagu dhaqmin.

Axmed waxuu xuska 18 May uu soo jeediyey in lagu maamuso sanduuq loo sameeyo maatida, agoonta iyo dhaawacii SNM oo ay maalgaliyaan qurbajoogu, Cardiffna ay hormood ka ahaato.

Waxaa madasha lagu soo gebogabeeyey su,aalo iyo soo jeedino gaagaaban oon ka fogayn warbixintii hore ee akhyaartu ka hadashay.Waxuuna ku dhammaaday hanbalyo, iyo sawiro wadajir loo galay.

Somaliland ha noolaato.


Allaa mahad leh,

Axmed Xasan Carwo
Guddoomiyaha Jaaliyadda Wales.
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

04 May, 2008

Hambalyo iyo bogaadin

HAMBALYO IYO BOGAADIN GUDDIGA DHEXDHEXAADINTA

IYO XALINTA KHILAAFAADKII GOLAYAASHA QARANKA


Iyadoo muddaba dalka ay hadhaysay khilaafaad ka dhex aloosnaa Seddexda Gole Qaran ee dalka iyo khilaaf siyaasi ah oo ka socday bulshada dhexdeeda, waxaa maanka iyo qalbiga muwaadin kasta meel uu joogba la socday hawl-qabadka Guddiga Dhexdhexaadinta. Waxaa kor u kacday rajadii dad-weynah, kolkii la ogaaday in raga arrinta u garab-ritay yihiin xulkii culumada, aqoonyahanka, dhaqanyahanka iyo suugaanyahanka Somaliland.Marna shaki nagama gelin in go'aamada ka soo baxaa iyo talooyinka ay dhiibtaan noqon doonaan qaar midho dhaliya.

Haddaba waxaa manta si taam ah u xaqiiqowday qiimihii iyo qadarintii shacbigu u hayey Guddigan. Waxaa lagu farxay oo dhammaan muxaafid iyo mucaaridba lagu diirsaday go'aamada iyo talooyinka wax-ku-oolka ah ee soo afjaray khilaafkii curyaamiyey waxqabadkii Golayaasha qaranka. Waa go'aamo si dareen leh, oo ku salaysan dastuurka lagu dabiibay nabar haddaan sidan lagu soo daaweyn, ku fidi lahaa bulsha-weynta Soomaaliland.

Waxaanu hambalyo iyo bogaadin gaar ah u diraynaa Guddiga Dhexdhexaadinta oo muujiyey waddannimo, xilkasnimo, guurtinimo, geesinimo, iyagoon waxba kala hadhin aqoontooda sare mid diineed iyo mid adduunba, taas oo dhalisay inay si toos ah u qanciyaan dhinacyadii khilaafaadka soo kala dhexgalay sahayday danta dalka iyo dadkiisaba.. Waxay yihiin garsoorayaal aan leexleexad aqoon, dar bulshadeenu ku faani doonto, adduunkuna innagu qiimayn doono. Waad naga farxiseen ee guulaysta. Hawshana ha ka hadhina, weliba eega meelaha kale ee danta guud ka socon la'dahay.

Sidoo kale waxaanu hambalyo iyo mahadnaq u diraynaa dhammaan xubnaha ka socday Seddexda Gole iyo xisbiyada qaranka: Madaxtooyada, Shirguddoomada Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Guddoomiyayaasha Xisbiga KULMIYE iyo UCID iyo Xoghayaha xisbiga UDUB. Sunaha dawladnimo ayaan khilaaf laga waayeen, ee waa inaydun si niyadsan ku gorfeysaan oydaan marna hadalka kala xidhan. Sida dastuurku qabo wado-tashi iyo gogasho oo la balaadhsado ayaa dhalin kara in xal loo helo khilaaf kasta oo inagu yimaada. Geesinimada aad muujiseen, eed khilaafkiinii ku ilowdeen danta guud ha noqdo mid joogta ah, oo bulshadu ka dareento hawl-maalmeedkiina. Dhammaystira hawshan sharaftiina iyo maamuuskiina kor u qaaday, oo si dhekhso ah u fuliya go'aamada iyo talooyinka dadweynaha hortiisa ku ogolaateen.Guddigu hawshiisii si hagar la'aaneed ayey u guteen, waxa la sugayaa waa idinkoo ka midho dhaliya guushan aynu dhammaan ku faraxnay. Indhaha dadweynahuna waxay eegayaan sida Gole kastaa hawsha go'aamadan kala gudboon u fuliyo.

Illaahay ayaa mahad leh, guushana isagaa ina waafajiyey.

Soomaaliland ha noolaato.

Guul iyo Qarannimo.

Axmed Carwo

Guddoomiyaha

Jaaliyadda Soomalialnd ee Wales

Cardiff

samotalis@gmail.com