22 April, 2007

Maayarka magaalada Hargaysa oo booqasho gaaban ku soo maray magaalada Cardif

Maayarka magaalada Hargaysa oo booqasho gaaban ku soo maray magaalada Cardif



Cardif(samotalis)-Waxa socdaal laba maalmood ah ku yimid magaaladan Cardiff Mayorka Hargeysa isagoo socdaal shaqo ay u diyaariyeen Jaaliyadda Somaliland ee Wales. Waxa ururka Somali Progressive oo hormood u ah hawlaha jaaliyadda loo oggolaaday inay fuliyaan barnaamaj mataaneeya iskuulada, dawladaha hoose, cisbitaalada iyo ururada bulsho ee kale ee labada dal Somaliland iyo Wales.Guddoomiyaha Ururka SPA, Axmed Xasan Carwo iyo Agaasimaha ururka Cabdikarim Adan ayaa u diyaariyey iyagoo unkaaya barnaamajkan oo ay maalgelinayso Dawladda Wales – Wales Assembly Government.

Mayorka oo ay weheliyaan Guddoomiyaha, iyo Agaasimaha SPA iyo Maxamuud Musegoni oo ka tirsan samawadeenada Jaaliyadda , waxay la kulmeen Madaxa Ururka Golayaasha Deegaanka ee Wales (Wales Local Government Association) Ms. Naomi Alleyne iyo saraakiil kale. Waxay ka wado hadleen sidii WLGA iyo Golaha Deegaanada ee Soomalialnd ay u samayn lahaayeen xidhiidh ay ku hormariyaan danaha labada bulsho. Waxa si gaar ah uga hadleen sida ay labaduba ula shaqayn lahaayeen SPA oo Dawladda Gobalka Wales u xilsaartay mashruuc ay maalgelinayso oo isku xidhi doona hay'adaha adeegyda ee Soomaaliland iyo Wales. Maayor Xuseen Jiciir oo matalaayey Magaalo Madaxda iyo Golaha Deegaanada Soomaaliland, waxuu taabtay sida ay ugu faraxsan yihiin in la helo barnaamajkan oo ay ka heli doonaan waxtar badan, sida horumarinta maamulka, tayayeenta adeegyada golayaasha deegaanda, sharci dejinta, dhismaha siyaasada iyo dakhli-abuurka. Waxaana leysla gartay in socdaalkani yahay isbarasho iyo mid furaaya albaabka wado-shaqaynta, iyadoo hawlgalka iyo dabogalkaba la heli doono marka mashruuca Walaaleenta Wales iyo Somaliland uu dhowaan hawl galo. Waxa la taabtay sida ay u wacantay mataaneenta labada caasimadood oo noqonaaya hadafka fog ee iskaashiga labada magaalo iyo labada umadood.
Khamiistii 19ka bishan, waxa mayorka iyo Wasiir_Xigeenka Arrimaha debedda ee Paakistaan loo sameeyey qaabilaad rasmi ah oo uu qabtay Mayorka Caasimadda Wales ee Cardiff. Mayorka waxa raacay hawlwadeenada SPA iyo xubnaha ugu muhiimsan ee Jaaliyadda Somaliland oo uu horkacaayo Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Axmed Xasan Carwo.Waxayna ahaayeen Iid Calisalaan Axmed, Yaasiin Faratoon, Cabdi Kariim Adan, Ibraahim Carab, Maxamuud Muusogoni iyo Cabdirahman Yuusuf.

Mayor Jiciir waxuu ka jeediyey qudbad gaaban oo salaan iyo xogwaran la xidhiidha taariikhda Soomaliland. Waxa kaluu taabtay xidhiidhka qotadadheer ee duuga ah kana dhexeeya labada ummadood. Mayorka Cardiff soo dhoweyn diiran ka dib, ayaa hadalkiisa ku sheegay in Soomalidu tahay jaaliyadda ugu faca weyn ee degaanka Cardiff. Waxuu xusay inay Soomaalidu joogeen ilaa 1860, ayna qayb weyn ka qaateen dhismaha magaalada. Waxuuna saadaaliey in xidhiidhka labada Magaalo noqon doona mid si rasmi ah u taabogala.






Mayorka iyo wafdiga Jaaliyaddu, waxay si fiican u dhexgeleen martidii madasha joogtay oo ay nin nin uga dhaadhiciyeen qadyadda iyo taariikhda Somaliland. Waxuuna socdaalku ku dhammaaday jawi diiran iyo sadaal wacan, iyadoo dhammaan inta hawshan wax ka qabatay filayso midho-dhalinta Mashruuca Walaaleenta oo isku xidhi doona hay'adaha adeegyada sida kuwa caafimaadka, waxbarashada, golayaasha qaranka iwm.



Guul iyo Mahad Allah.

Ahmed Arwo

Guddoomiyaha Jaaliyadda
Cardiff, U.K.

17 April, 2007

RAAD SHIMBIREED

Ahmed Arwo — Cardiff, U. K — 17 April, 2007

RAAD SHIMBIREED.

Waxa fajac ah ammuraha aan madax iyo minjo kala lahayn ee laga sheegeeyo degmada Dhahar ee Gobalka Sanaag. Waxa arrintu u eegtay raad shimbireed aan la garanayn dhan uu u socdo. Weedhaha Madaxtooyada ayaa ah qaar lama filaan ku noqday bulshada Soomaliland qurbe iyo gudaba. Waxay ahyd mid aad uga fog waxii lagu seexday. Waaguna waxuu dhegaheena soo gaadhsiiyey weedho xaraf waliba yahay gantaal jidhkeena mudaysa. Waa la qaadan waa, waa dhagar, waa khiyaamo qaran, waa ceeb aan dhayal ku hadhin, waana wasakh aan biyo kaa maydhin.

Waxa maskadu diiday fasilaadda la sheegay, oo loo arko fashil ku arooraaya agaasinkii hore ee boqoolka cutubyada ciidan ee ay hoggaaminayaa raxan Wasiiro ahi. Waxa caqligu diiday dhowr arrin oo curad ah oo mar kaliya wada dhacay:

  1. Waxa la sheegay in Taliyihii Ciidanka uu labis madani ah ku joogo Hargeysa.
  2. Waxa ciidanka jiida bari loo igmaday Toban Wasiir oo ay ku jiraan Wasiirka Waxbarashada, Qorshaynta iyo Debedda, Gudaha iyo Difaaca. Waa arrin curad ah ciidan wasiiro wataan, iyo taliyihii ciidanka oo goobta ka maqan.
  3. Waxa ka mid ah in Wasiirka lagu eryey inuu ka goostay xidhiidhkii uu Taliyaha kula soo hadlaayey. Ma taliyahay ahyd inuu goobta joogo, oo uu Wasiirka la soo hadlo, mise wasiirka madaniga ah een darajo ciidan wadanbaa soo waramaaya. Habka noocan ihina dunida waa ku cusub yahay, waana hab ay alifeen Riyaale iyo dawladiisu, loona galinaayo buuga taariikhda dagaalka .
  4. Maxaa darsinka Wasiirada ah geeyey goob dagaal oon ammaankeeda la xasilin.Qorshe xumida ayey ka mid tahay. Sidoo kale talo Wasiiradan oo dham arrin dagaal ka talinayaan waa khilaaf ma weydo. Dhinaca kale waxay culays gaar ah saartay ciidanka ka werwersanaa ammaankooda, waxayna qayb ka ahayd tahay fashilkan ku yimid ciidanka.
  5. Haddii arrintu ahayd xuduud tag, maxaa Dhahar oo cirifka ugu fog ku taal keli looga dhigay goob dagaal. Maxaa loo furi waayey aagag kale. Maxaa loo dhaafay carada dheer ee ka sokeysa Dhahar.
  6. Maxaa u diiday Madaxtooyadu inay arrinta hoos u xaliso, intay ceebta Qaranka meel kasta kaga baaqayso. Maxaa u diiday in arrinta lagu daayo raxanta wasiirada ah ee goob joog ah.
  7. Fashilka iyo ceebta la soo gudboonaatay qaranku, waa mid aan ka horreyn, carooga Wasiirka Warfaafintu afuufay, isagoo idaacad gude iyo debedba si ku taagsi ah u akhriyey baaqa ka soo baxay Madaxtooyada.
  8. Iyana waa curad ee goormaa Wareegtada Madaxweynaha akhriyi jiray Wasiirka Warfaafintu, afhayeenkii cusbaa muu arrintan ku margaday, mise darajada cusub ee Wasiirka oo loo raaciyey Afhayeenka Dawladda ayaa u horseedi doonta, inuu noqdo Wasiirka Koowaad sidii warbaahintu hore ugu saadaalisay, aan ka sugno ayaamaha soo socda oo arrintan iftiimin doona.
  9. Waxa la sheegayaa saad la'aan iyo taageero ka daahday inay keentay go'aanka soo bixinta. Miyaan sideedaba xeeladda dagaal loo daynin cidda goobta dagaal joogta. Sidee go'aan eri loo gaadhaa, haddaan laba ogeyn waxa dhaliyey soo bixitaanka, illayn waa kan Madaxweyahu yidhi, xidhiidhkiiba wuu goosatay! Weli waxaa inaga maqan wejigii kale.
  10. Waxa qaladka aan marna looga saarayn xaydaabka Madaxtooyada, talooyinka iyo baaqyada ka soo baxaaya oon marna tuseen fikrad lagu diirsado. Bal u fiirso guddiga loo xilsaaray amuurtan, Waa Madaxweyne Xigeen, laba Wasiir oo ka soojeeda degaanka Hargeysa iyo Boorame iyo Sheekh Xasan. Kuma jiraan rag ka soo jeeda jiida la tegaayo, kuma jiraan rag aqoon iyo khibrad ciidan leh. Miyaan laga dhandhansanayn in talo xumada lagu jabay tahay mid ka soo birqamaysa Madaxtooyada.

Waxa faalooyinka qaar sheegayaan farogelin iyo cadaadis ka yimid debedda. Taasi ma noqonayso mid maydha ceebta manta ummadda ku habsatay, waayo waxay ahayd arrin la filaayey, loona baahnaa in xisaabteeda lagu daro qorshaha. Tan kale ee ah meesha nabadbaa loo tegay ee dagaal looma tegin, iyana waa hadal tiro, kas gaabka lagu maaweeliyo. Waxaynu ogayn socdaalkii Madaxweynaha ee Laascaanood, waxii ka dhashay, sidoo kale ayaa seddex doorasho oo dalka ka dhacay, laga baaqday in la gaadhsiiyo gobalada manta 20tanka Wasiir iyo xildhibaan u tafoxayteen, waana la filaayey in arrintani keeni karto dagaal, kaga yimaada dhinaca kale. Miyena ahayn kolkii Madaxweynahu tegay Laascaanood in si gardarro ah loogu soo duulay. Tana haddaan xisaabta lagu darin, waa talo xumada dhalisay fashilka.

Aan ku gunaanado su'aal aynu dhammaan jawaabteeda doono. Cadde Muuse, Madaxa Puntland, maxuu dalka dagaalku ka socdo, si kalsooni ah uga dhoofay?. Maxuu ogaa? Yaa damaanada siiyey? Dhinaca kale, maxaa Somaliland looga dareemi waayey dhaqdhaqaaq culus, haddii arrintu ahayd sida Madaxtooyadu sheegtay inaan dib ciidanka loo soo celin, oo xuduudka la soo xidho.

Haddaba aan faalo kale u dayno raxanta wasiirada ah, taliska ciidanka iyo degaanka Dhahar inay raad shimbireedkan wax inooga bayaamiyaan. Waa ammuur culus oo u baahan in la lafo guro, lana raad guro, oo gunteeda la taabto. Aynu wadajir u doona xanuunka ina haya iyo dawadiisa. Aan ogaan in runtu tahay tan keliya ee wax lagu saxo. Qaran waxaaa lagu hogaamiyaa run si kasta oo ay u qadhaadhay. Iyadaa keenta talada suuban. Beentu waxay kuu horseeda jab iyo guuldarro.Qaladkaaga ood garataa, deedna qaadataa, waa faa'iido kuu gacan galin karta furaha guusha.

Digtoonaan, samir iyo saadaal wacan.

Ahmed Arwo

Cardiff, U. K

samotalis@gmail.com