| Tuesday, 27 September 2005 | |
29KA SEPTEMBER 2005 WAA DHARAAR MASIIRKA SOMALILAND GACANTA SHACBIGA SOO GALAY.WAA MAALIN AAN SHAN SANO KU SOO MAREYN. WAA DHARAAR ACODKAAGA AD MAHADIN AMBA AAD QOOMAMAYN. Waxa gaaladu tidhaahdaa, maalinta doorashadu waa xajka dimuquraadiyada.Iyagoo uga jeeda sida dadku u siman yahay een nin awood leh iyo mid itaal yare, taajir iyo faqiir,wiil iyo waayeel, rag iyo dumar loo siman yahay oo cid kasta oo dada cod bixinta gaadhayba hal cod leedahay. Aniga uma dhiganto xaj, oo lama ag dhigi karo tiir ka mid ah tiirarka diinteenu ku dhisantay. Waxay se ina tusaysaa culuska iyo qiimaha ay ku leedahay nidaamka dimuquraadiga maalintani. Waa inaad sidaas u garataa, u samirtaa dafka dheer, cadeedka kulul, askariga usha ruxaaya, dadka is-riixa iyo qayladu u dabeecad tahay.U dulqaado, masuuliyiin safka ka dul booda oon ixtiraamin qaynuunka sinaanta. Yaan yoolka lagaa leexin, u codee si aad nolashaada wax uga bedesho, si aad ku jeexdo dariiqa Somaliland ku socon doonto shanta sano ee soo socda. Ogow, inaad furaddan qaaliga ah sugi doonto shan sano. Waxa kaliya ee wax bedelayaa, waa adigoo codkaaga ku hubsada xisbiyada mucaaradka uuna hormood u ayahay xisbiga KULMIYE. u CODEE AQOONTA, U HIILI WADANKA IYO MUSTAQBALKAAGA, MUSUQMAASUQ IYO CAGAJUGLAYN TUUR. UDUB IYO DULMIGEEDA IS RAACI, OO KU CIIL BAX CODKAAGA. UDUB KU DIID
Iyana waa yaabe, bal miisaan ragga Madaxweyne Riyaale golaha dawladda ka rukhseeyey. Waa Dr. Cabdi Aw Daahir, Axmed Yusuf Ducaale, Caynab, Dr. Ceelaabe, Dr. Gees, Dr. Hussien, Taliye Xasan Yoonis, Taliye Cabdisamad, Maxamed Xaashi Cilmi, iyo Cismaan Xasan. Bal ag dhig kuwa golaha ku hadhay. Maxay ku tusaysaa? Waa gole ku dhow 60dameeye. Wasaarad keliya oo qorshe raad raac lihi ma jirto.Waxa hubaal ah inaan Madaxweynahu qaarkood bilo iyo bilo arag. Haddaba si aad u toosiso qaladaadkaas aan soo koobay, waxa habboon in la helo Gole ka soo bixa hawsha looga baahan yahay wakiilada. Ku hubso inaad u codayso Mucaaridka oo xaqiijin kara la xisaabtanka dawladda.Qaar aan yeelayn in mushaharka madaxweynahu ka badnaado kan Bush iyo Blair oo leysku geeyo.Qaar aan ogalaan in miisaaniyad la ansixiyo ilaa tii hore xisaab xidhkeeda aan la sameyn.Qaar mudnaanta siiya wasaaradaha wax soo saarka leh iyo kuwa horumarinta bulshada. Wakiilo ka turjuma dareenkaaga oo joojiya wax kasta oo ka hor imanaaya distoorka iyo sharciga dalka.Qaar baabiiya xukunka degdega ah.Dar qiimeeya warbaahinta xorta ah. Kuwo hirgeliya idaacad dhexdhexaad ah oo dalka wada gaadha.Duul rumeeya kala saarka Golaha Fulinta, Kan Caddaaladda iyo Kan Sharci dejinta. Kuwo dhisa booliis iyo ciidan qaran, oo dalku leeyahay ee ayna gaar u lahayn Golaha fulintu. Maanta adigaa midida daabkeeda haya ku jar xadhiga dulmiga iyo duudsiga, ku dil cudurada, musuqmaasuqa, aqoon la'aanta iyo shaqo la'aanta. Ha noqon kan isagu is dooxa ee midida afkeeda isku soo jeediya.U gargaar nolashaada, tan ubadkaaga iyo tan danyarta Somaliland. Ha noqon mid doolar lagu iibsado. Diid in lacagtaada lagugu laaluusho.Gudo waajibkaaga oo ku hubso inaad codkaaga ka dhigto mid kuu hiiliya. U codee mucaaridka oo yaan codkaagu cadow kugu noqon. Dardaaran waxaan u dirayaa inta hawshan qiimaha badan u xilsaaran. Waxa nasiib u yeelateen in leydunku aamino dhismaha gole sharci dejineed oo si sharci ah ku yimaada.Haddaad maanta si xaq ah u maamushaan waxaydun taagi doontaan geedka cadaaladda iyo horumarka qaranka. Waxaydun heli abaalka dadweynaha iyo kan ma huraanka ah ee Illaahay. Haddii kale ummaddan waxaydun u horseedi dulmi iyo dibudhac, idina waa idiin holaca naareed. Illaahay haydiin fududeeyo hawshiina, nabad iyo xalaalna hay noogu dhammeeyo dhismaha dawlad dimuquraadi ah oo ku biirta adduun weynaha xorta ah. Ahmed Arwo |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
27 September, 2005
HOOY CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON ( DHAMMAAD )
25 September, 2005
Kulmiye Manifesto for the Parliamentary Election 2005
| WHAT KULMIYE PARTY STANDS FOR? KULMIYE Party — Hargeisa, Somaliland — 24 September, 2005 WHAT KULMIYE PARTY STANDS FOR? KULMIYE Party reaffirms the following principles which guide its policies: • That the public is the master of its destiny and that the government is only the servant and should serve with humility rather than with authoritarianism. KULMIYE also believes that it is incumbent upon the State to formulate ways and means to harness the creativity and the resourcefulness of its citizens for the common good. • That the fundamental and Constitutional rights of the citizens political or otherwise should be respected. • That the role of the government is to facilitate and not to frustrate the entrepreneurial spirit of the citizens; and with fewer taxes and regulations, the entrepreneurial ingenuity of the citizens is the shortest path to economic development. • That the future of Somaliland's economic strengths lies not in its meager natural resources but in the skills of its human capital; and that can only be achieved if we invest in the educational training and social welfare of our youth. Therefore, as an example, KULMIYE would mandate English as the medium of instruction • That fiscal responsibility, accountability and transparency should be observed and those who betray the public trust should be dealt with according to the law • That KULMIYE is prepared to compete in a free and fair parliamentary elections and welcomes international poll observers • That the unconstitutional ban on private radio and television is contrary to the law of the land and is impediment to development, creativity and commerce and must be lifted immediately • That an independent commission under a public broadcasting charter should be appointed to oversee the operation of Radio Hargeisa. • That Somaliland should safeguard the rights of minorities and the marginalized. • That KULMIYE would mandate public pension after five years service and would set aside a quota for women and the Gabooye
More freedom, and not less, is the road to prosperity. "KULMIYE Mantra"
KULMIYE Party would: • Streamline and restructure the taxation system to foster and facilitate economic growth and in the process rescind all unfair contracts issued without competition including Total Company's monopoly over oil importation; • Develop livestock and agricultural policies that enhance production and would explore other ways of marketing our livestock ; • Explore fishery, mineral and water resources • Redevelop Berbera port to accommodate containers to revitalize commerce • Expand public education to rural areas. • Welcome private Banks • Empower the poor through micro credit
• Enact stringent laws and procedures that govern and protect the environment and wildlife. • Preserving old growth trees and vegetation such as Qudhac and Gob trees. • Giving priority to planting trees and encouraging the citizens to plant trees. • Protecting valleys and hillsides from development and construction to prevent landslides and flooding. • For a long term planning, plant new forests like cedar trees and for the shorter term plant eucalyptus trees. Mass education about the benefits of environmental protection through the mass media and school curriculum.
• KULMIYE Party recognizes the important role women hold or can play in the socio-economic transformation of the country, and therefore; • Pledges to include women in any government that the party forms; • Pledges women representation in all levels of government; • Will give priority to girls' education up to university level, and to remove any barriers that they might face; • Encourages women to participate in all levels of business and economic development; • Attaches importance to mother and child and will invest in their health care.
For Further details visit: www.KULMIYE.com/manifesto |
23 September, 2005
CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON ( QAYBTII 5 )
Sidoo kale ayaa looga faa\'idaysanayaa caadifad qabiil, oo si badheedha uga soo baxaysa rag wasiiro ah. Dadweynahu ha gartaan marka wasiirku sidan ula hadlaayo in reerka uu fogaynaayo, kula jiro golaha wasiirada. Waxa Burco wado jooga koox wasiiro ah, oo midba kan kale qabiilkiisa wax ka sheegaayo, isla markaasna wada socda oo isku hadaf ah. Waxa habboon in dadweynahu gartaan ciyaarta ay dheylaayaan inay tahay ANAGU WAANU WADA SHAQAYNAYNAA EE IDINKU HAYS RAACIN...
NINKA WANAAGSANI XAQUU DOONAA KAN XUMINI MACAASHBUU RAADSADAA
Hadalkan waxa uu ku jiraa xikmadaha laga dhexlay fayloosuufkii Conficius ee Shiinaha ahaa.
Waxaan u soo qaatay markaan akhriyey, hadalo ka soo baxay madaxda dalka ugu sareysa, oo weliba is leh wanaagiina muujiya oo dadka soo jiita.
Waxa uu yidhi M/Xigeenku isagoo Borame jooga: Waa xaraan in gobalkayga iyo kan Madxweynaha ka soo baxaan mucaarid\"
Waa arrin muujinaysa hab-u-fakir qaldan, kuna salaysan danaysinimo iyo dulmi.Waaa mid cadaynaysa inuu si badheedh ah u gees maray distoorka iyo sharciga ilaalintiisa lagu dhaarshay..Waxa sidoo kale ka muuqata inaanu qadarin cidda dooratay. Waayo ma jiro nin mansabyada uu sheegaayo ku fadhiya oo gobal keeni karaa.
Berbera iyo Boorame horta yaa ku tartamaaya? Ma qaarbaa shisheeye ah? Muwaadinnimada Berbera iyo Boorame ma madaxtooyadaa laga bixiyaa? Odhaahda xaaraantimaysay in mucaarid ka soo baxaa waa mid qef ku ah nidaamka dimuquraadiga ee maal iyo nafba loo huray. Waxay meel ka dhac ku tahay reer Boorame iyo Berbera oo uu ula dhaqmay inay isaga iyo madaxweynahu keli ku yihiin talada deegaanka, oo inta kale tahay dad aan fikir iyo ficil toona loo ogolayn, oo iyaga loo fakiro lagana raba ogolaansho iyo maqal aan su\'aal wadan.
Waxa xaqiiq ah in madaxtooyada kursiga yaalaa ka dhigay qaar degdeg u kibra, oo ilooba shalayto waxay ku sugnaayeen. kibir ka dhigay ciddii la tartantaa inay yihiin qaar aan u dhigmin oo ka maqaan liita, kibir ka indhosaabay wanaaga iyo wadaninimada ay leeyihiin muwaadiniinta reer Berbera iyo Boorame. Kibir ilowsiiya inaan gobalna geli ku ahayn doorashadii la doortay.Bal haddaba ragga sidan wax u argaa, halkay geyn dalkan hayaanka ah, miyaa laga filayaa inay meel doog iyo biyo leh inoo horseedi doonaan.
Waxa markhaati ma doonta ah inay garab maraan dhabbadii dimuquraadiyada, cagtana saareen nidaamka keli-taliska. Maantana dadweynow waxaad haysataa fursad aad ku soo dabaasho dariiqii aad u jeexday. Taas waxa suurtagal ka dhigaaya waa adigoo u codeeya Mucaaridka.
Waxaan Doonayaa Dawlad Dadku Leeyahay
Haddaba iyadoo ay reer Boorame iyo Berbera ay muujin doonaan inay iyaga tahay kuwa xaq u leh inay cidda ay doonaan doortaan, ooyna u xidhnayn madaxtooyada. Bal aynu soo qadano wasiiro iyo Madaxweynaha laftiisa oo ku dhawaaqay inaan xisbi wasiiro,ciidan iyo bolis lahayn waxba tarayn. Waxa ayaan darro ah in qalad intaas leegi ka yimaado talis dawlad isku tilmaamaysa inay tahay dimuquraadi.Tani waxay ka dhigaysa in dawladuu leedahay ciidanka iyo boliska qaranka, lana odhan karo waa DAWLAD DADKA LEH. Habka noocan ihi waa kaynu ka dagaalnay. Waxa aynu u soconaa dawlad dadku leeyahay oo u shaqaysa danta dadweynaha, waana laga guuray dawlad u isticmaasha ciidanka qaranka wax ka baxsan sharciga.
Horta waa maxay dawladi?. Waxa dawlad afka Somaliga loogu yeedha waa la\'aanta fulinta oo ah Madxweynaha iyo Golaha Wasiirada, taas oo carabiga ku noqonaysa Xukuumad, Ingiriiskan government. Haddii sidaas loo sifeeyo dawladu ma leh ciidan iyo bolis toona. Ciidanak iyo Bolisku waa heer qaran. Wey u siman yihiin mucaarad iyo muxaafidba. Waa qaar u xil saaran ilaalinta nabadgelyada iyo sharciyada ay dejiyaan golaha wakiiladu. Cid wax sharciga ka baxasan ku amri kartaa ma jirto.
Haddaba waxa la yaab leh in wasiir si badheedh ah u yidhahdo dawladdaa leh boliska iyo ciidanka, oo weliba xisbibaa leh. Taasi ma aha mid looga fadhiyo xisbi ku tartamaaya nidaamka dimuquraadiga ah. Waxayna tahay in muwaadiniintu u arkaan waxa UDUB yahay, oo ah xisbi diktaatooriyad u horseedi doona dalka. Afkaarta ka imanaysa masuuliyiinta UDUB waa qaar ka fog nidaam dimuquraadi ah. Waana in laga digtoonaadaa. Waa iga digniin, haddii maanta loo codeeyo UDUB, waa la qoomamayn. Waayo waxa la dhisi doonaa, dawlad aan xisaab ogolayn, musuqa oo la sii xalaashado iyo weliba in ciidanka iyo boliska loo adeegsado cabudhinta iyo dabarka xorriyadda muwaadinka ee distoorku qeexay.Waana diliil ma doonto, oo waa kaa hortiina sida qaawan loogu faanaayo.
Waxa dhowr jeer ka soo yeedha UDUB in mucaaridku u horseedi doono nabedgelo darro dalka. Waxa taariikhdu marag ka tahay in nabadda ay col yihiin cadaalad darrada. Waxaana dhammaan la hubaa in taliska maanta jiraa yahay mid ka fog cadaaladda. Haddaba muwaadin, haddaad doonayso inaad nabad heshid ood kor u qaado heerka cadaaladda ee dalka, u codee mucaaridka, iyagaa keeni kara inay dhisaan nidaam lagula xisaabtamo dawladda. Waxa af yeelan sharciga jiifa, waxa dhaxantu ka duuli hay\'adda sharci ilaalinta oo ilko yeelan doonta. Waxa dhab u hirgeli madax banaanida maxkamadaha. Waxaana shaqadooda loo deyn doona boliska qaranka, oon noqonayn qaar wasiiradu kolba cid ku khuukhiyaan.
Waa dhawaaq kale, isna waa mid kale oo wasiirka Guduhu ku tibaaxay\" Wasiiradaa dhacaaya haddii aad mucaaridka doorataan\". Taasi waxay tahay arrin dadweynahu u baahan yahay in la waayo wasiirada magac u yaalka ah, ee cagacagaynaaya 60ka. Waxa waajib ku ah in madaxweynahu soo dhiso dawlad cusub, kolkaasna la horkeeno golaha wakiilada. Haddaad UDUB u codeyso, waxaad xoojinaysaa jiritaanka wasiirada tirada badan een tayada lahayn, miisaaniyadda dalka la degay, ee boobka ku haya danyarta iyo masaakiinta. Dhinaca kale haddaad dooratid mucaaradka, waxaad xaqiijinaysaa in la dhiso dawlad tayo leh oo kooban, waana taas tan dantu kuugu jirtaa.
Waxa rumoobi doonta in miisaniyadda dalku noqoto mid aan qarsoodi lahayn. Waxa iman doonta in kolkii ugu horeysay xisaab xidh Golaha Wakiilada la horkeeno. Taas oo u horseedi doonta inaad ka dheregto halka maalkii lagaa uruuriyey maray. Waxa hadhi doonta mushahaaro-siinta ciidan iyo shaqaale aan jirin. Sidaas waxaad ku helaysaa kolka aad diido xaaladda maanta jirta oo aad u codayso is-bedelka. U darbanow inaad dhisto gole xaqiijin kara himmiladaada, oo u codee mucaaridka.
Madaxweynahu isna waxa uu yidhi" Haddaad mucaaridka doorataan dawladdan waxba iska bedelimaayaan". Bal u fiirso iska hor imaadka hadalada xilwadeenada UDUB. Arrintoodu waa alif wax ma leh iyo wuu leeyahay. Waa dar aan is maqal oon lahayn siyaasad cad oo hadaf leh. Waxay ku hadlaan hadalo is burinaaya, xaqiiqdana ka fog, iyagoo marba meesha ay joogaan hadal caadifad ku subkan oo sacab doon ah dadka maqashiiya.Waxa xaqiiq ah haddad mucaaradka foodkaaga ku hubsatid inaad heli doonto, barlamaan xoojiya dimuquraadiyada aad u soo dhimmatay. Waxa hubaal ah in isbedel degdeg ah aad arki doontid. Waxaad arki doontaa dawlad barnaamaj leh, oo lala xisaabtamo. waxaad arki doontaa xafiisyada dawladda oo la dardar geliyo.Waxaad arki rag maalintooda ku dila Hargeysa Club iyo Bar Xaraf iyo hoteelada kale oo miiskooda laga helo.
Waxa xusuus gaar ah mudan hadal waayeel Madaxweynaha ku yidhi markuu maraayey Oodweyne. Oday la yaabay tirada ciidanka iyo tiknikada la socta wafdiga ayaa ku tibaaxay.."Madaxweyne dalku waa dalkaagii waana nabad, yaad ka baqaysaa..waxaan kaa codsanayaa inaad doorka dambe noo timaadid adigoo ul galool ah wata...."
Aan maqaalka ku soo gunaanado, ereyo ka mid ah xikmadii Hadraawi, kuna sheegaayo sida hubsami la'aanta ah ee aynu wax u doorano. Waa digniin waxtar leh oo xiligeeda joogta.
Waxu yidhi:"degmadayadu
duleed joogta maqashiyo
ka hagrada ma durugtada
ayey geel u dirataa"
Waxuu yidhi\"degmadayada
dibida iyo weylaha
waxa dhala dameeraha\"
Ahmed Arwo
http://samotalis.blogspot.com/
19 September, 2005
CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON (4)
Waxa ay Awdal raacisay 7 goobood, Hargeysana 2 Goobood, Ceel Sheekhna waxa la yedhi waxa wadaagaaya seddexda gobal ee Awdal,Hargeysa iyo Saaxil. Waa go'aan ka fog xaqiiqda sida ku cad khariidadii doorashada ee lixdankii oo gacanta ugu jirta Wasaaradda Gudaha. Waxa ha sii darran in Komishanka xalkiisu noqdo laalis. Waxa si sharaf leh yeelay xisbiyada oo seddexduba ku adkaystay in sidii lixdanka la yeelo.Waxa markaas la filaayey in hawsho fududaato. Ogow dhulkani ma aha dhul Somaliland ku soo biiray lixdankii ka dib, waa dhul jiray oo la og yahayhalka ay raacsanayd, laga se werwereegaayo. Waxa se soo baxday in komishanku garab maro sharcigii doorashad iyo xaqa distooriga ah eemuwaadin kastaa xaq u leeyahy in loo helo hab iyo meel uu ku codeeyo.
Maxaa loo waayey garsoor cad. Miyey tahay in xeer jabjab iyo la jiifiyaanabanaan lagu dhiso hay'adda loo igman doono sharci dejinta.Arrintan yaan looarkin qabyaalad, yaan cidna laga sheegan. Cidna laga rarimaayo, waayo dalkuwaa mid loo siman yahay. Waxa keliya ee ay tahay in la eegaa, waa sidiisharciga doorashada ee baarlamanku ansixiyey Madaxweynahuna sexeexay , loohirgelin lahaa. Arrintana waxa eedeeda leh waa Wasaaradda Gudaha iyoKomishanka. Marna eed ma leha labada gobal ee Hargeysa iyo Awdal, waxaarrinta qasaayaa waa garsoorkii oo baaqday. Waxa aan filaaya inkastoo aysaacad dambe tahay in ammuurtani ku dhammaato nabad iyo xaq, ooyna marnanoqon mid dhooqaysa doorashada.
Maqaalkii hore waxaan ku guubaabiyey in labada musharax ee Maxamed XMaxamuud Cumar Xaashi iyo Cabdirahmaaan Cabdiqaadir, Hargeysa iyo Burco aysharaf u tahay inay ka mid noqdaan tartamayaasha. Waxaan mahad u celinaayadadweynaha Hargeysa iyo Burco ee sida heerka sare ah ugu soo dhoweeyeylabadan murashax ee qiimaha badan, una muujiyey sida ay ugu kalsoon yihiin.
DAB DHAXAMOODAY MAXAA LAGU DIIRIYAA Su'aashan waxa aan uga jeedaaa,kolka cidda hawsha loo diray ee loo igmadayinay dalka hagto oo ay hoggaamisaa gaabiso ,maxaa lagu toosiyaa?. Waxajawaabteedu tahay in la shido oo la dardar geliyo. Taasina waa tan maantalooga baahan yahay inay dadweynahu gartaan. Waa inay doortaan xisbiyadamucaaradka ah si ay u helaan ciddii faraska shaabuuga la dhici lahayd, siuu xawliga orodka u badiyo.
Dawladda maanta jirtaa waa mid fadhiidnimo ay uweheliso daacad darrro. Mid siyaasadeedu tahy danaysinimo shakhsiyadeed,oon marna u jiidh nixin maatida, makasta iyo miskiinka toona, mid aanixtiraamin sharciga iyo distoorka, mid xaqsoorka ka aradan, mid xaqamuwaadinku u yahay col. Waxa dhibaatadaas oo dhan lagu xakamayn karaa markaaad shacbiyahow garataan inaydun u coddeysaan ciddi tubta toosan ku sooridi lahayd, ciddii tusi lahayd inay dhowraan sharciga., ciddii kahorjoogsan lahayd inay laba canleeyaan hantida danyarta lagauruuriyey.
Golaha wakiiladu waa xakamaha dabraaya kol kasta ooydawladdu dar dhaafto. Waa wakiilada ka turjumaaya dareenka iyo doonistadadweynaha, kuna qasban inay la xisaabtamaan dawladda, waayo iyagana waxadaba jooga dadkii soo dirtay.Bal aan dhan kale ka eegnee, maxaa laga sugayaa xildhibaanka la dooranaayo,sidee se loo asteeyaa kan hawshan fulin kara.Waxa laga rabaa inuu noqdo mid u hawlan sharci dejinta iyo la xisaabtankadawladda.
Taas marka ay tahay hawsha keliya ee laga sugaaya, waxa habboonin qofka loo igmanayaa noqdo, mid akhriyi kara oo fahmi karaa qawaaniinta,mid garan karaa nidaamka dawliga ah ee ka dhexeeya seddexda waaxood eeFulinta, Sharcidejinta iyo Garsoorka.Qof baran kara oo horumarin karaaqoontiisa la xidhiidha barlamaanka adduunyada horumartay.Wax uu reer hebel gaar ahaan wax ugu qaban karaa ma jirto. Sida keliya eeloo rabaa reer ahaan waa in reer waliba iska dhex arko inuu talada ka dhexmuuqdo.Waa mid bedeli karta in degmo waliba maamulka guud katirsanaato.
Ogow inaga degmo iyo reer waa isla mid, waayo degmooyinkeenaayaa ku saalaysan qabiil. Waana arrin adag si looga baxaa. Sidaas arteedwaxa habboon in halka afka baarkiisa lagu duraayo qabiilka dadka wax labaro, oo loo sheego in xildhibaanka ay dooranayaan noqdo mid hawsha golahawax ka tari kara. Wanaaga uu xildhibaan leeyahay waa mid saamayn doontagobalada oo dhan. Xildhibaanka xumi reerkiisa iyo dalkoo dhanba xumaan ayuuu soo jiidayaa, kan fiicanina waa mid wanaagiisa la wado dhadhamin doono.Sifooyinka xildhibaan tayo iyo taag lihi, waxa u hormood ah aqoon iyokhibrad. Waa in laga dheeraadaa qalin doorayaashii lahaa "dawladdu waaaniga".
Iyagoo isku qaldaayaa Golaha Fulinta oo ah tan dawladda loo yaqaan,iyo hay'adii la xisaabtami lahayd oo ah Golaha sharci- dejinta amba golahawakiilada. Ninka labadan isku QALDAYAA MEEL INA GAADHSIINMAAYO.Waa nin ladoortaa cid aan dhaameel loo ruxin, cid cadaaladda ku sifowday, codkar ah,dad-wedid leh, hogaan adag, maskax furan, samir badan, aakhlaaq qoys iyomid qofeedba leh, Nin Alle ka cabsi leh, naxariis badan oo u damqada marbainta dulman, inta itaal yar iyo inta taakulaynta u baahan. Sifooyinkaaskolba cidda aad dooranayso cidda ugu dhow ayaa ku habboon inaad ku kalasaarto tartamayaasha. Waxa taas dhinac socta midda xisbiyada.
Waxa habbooninaad eegtis wax qabadka dawladda oo ka turjumaaya tayada xisbigaxukuumadda ee UDUB. Haddaad dhaliishantay hawlgalka dawladda, u codeemucaaradka si aad u xakamayso daw-dhaca aad ku aragtoUDUB. Dheelitir masuuliyadda qaranka ee dhan ka raran. U ogolow inmiisaanka mucaaridku ka dhex muuqdo talada dalka, taasi ayaa dhelitiraysahab ku dhaqanka dawladnimo.Waxa weli socota magacaabistii aan maqaam iyo meel toona loo eegin. Waxasoo kordhay wasiir ku xiggen lagu magacaabay Wasaaradda Boosta. Muwaadinkala magacaabaa ha ogaado inuu yahay nin xaq u leh inuu hawl qaran qabto, maaha in lagu magaabo mansab kolka ujeedo ka baxsan tan wasiirnimo laga rabo.Waa inuu ogaadaa in haddii uu fuliyo hawl ka dhan ah musuuliyadda loodhiibay isaga iyo qeerkiiba in if iyo aakiraba xisaabi ka horeyso.
Ma ahasida waiiradii dhowaan la magacaabay u dhaqmayaan, in hawshoodu noqoto inaysi ka baxsan sharciga ugu ololeeyaan UDUB oo shalayto ay meel walba kaceebeeynayeen. Waxa murug leh, in ruux muwaadin ah oo shaqada loo dhiibayxaq u lihi, noqdo mid xaqa ka gabada, una dhaqma siduu yahay ajnabi.Hawshalaguu igmaday taag oo qaranka u qabo, cidna ha ka yeelin inaad sharciga kahortimaadid. Cidna kursiga ha ku duudsiyin. Kolkaad naftaada sharafto eedka ilaaliso inay noqoto daabka midida lagu dilaayo cadaaladda, yaad if iyoaakiraba sharaf ku noolaan doontaa.Askari ilaa wasiir ha ogaadaan in ruux kasta oo qaangaadh ihi naftiisa kamasuul yahay. Marna ma banaana in lagu andacoodo waa ley amray. Wax kabaxsan diinta islaamka ah iyo sharciga dalka cidina kuguma amri karto.Haddii sharci darro lagugu amro, awood sharci oo aad ku diido ayaadleedahay. Waxa loo raaci doona qof waliba waxuu gaysto, reer, sareeye iyohooseeye midna ku kafaale qaadimaayo. Haddaad addunka ciqaabteeda kabaxsatid, waxa hubaal ah inaad miisaanka aakhro la hor uman waxaad fashay.Waa ley amray iyo hebelbaa sargaal ahi kuma samato bixinayso. Cid kale waxha tarin, ee badbaadi naftaada, u nax ubadkaaga oo xusuuso ciqaabtaaakhiro.Dhandhan maalmeed iyo waji dhaq, ha u loogin dantaada ma-guurtadaah.Waxaad tahay muwaadin xor ah oo dalkiisa u shaqaynaaya.
Adiga iyoMadaxweynahu dalka waa u siman tihiin, midba hawl gaar ah ayuu hayaa,Sharciga iyo distoorka ku dhaqankiisa waad u siman tihiin ee ogow. Haddaad ku cabirtid cidda aad foodka siinayso aqoonta, kartida,daacadnimada iyo akhlaaqda, xataa haddaynaan isku raacin cidda aynuxulanayno, waxa xaqiiq ah in la heli doono gole hormood u noqda qaran kudhisan sharci iyo nidaam.Haddaynu se ku cabirno dheef maalmeed gaar ah, iyodan shakhsi, waxa meesha iman rag dhaameel sugayaal ah, oon waxba doorinkuwii hore loo eeday.Qubanaha Ololaha.Waxa dalka gees ilaa gees ka socda olole siyaasadeed oo si nabad ah usocda. Waxa se ayaan darro ah in xisbiga UDUB ee Awdal gacan saar ula tagotaageeryasha gabadha keliya ee Gobalka ka sharaxan Ikraam Xaaji Daa'uud,taasoo dhalisay in walaalkeed nabar 9 qodob qaatay lagu dhufto. Iyana waatilmaan wax ku qaadasho leh, oo iftiiminaysa hab dhaqanka UDUB.Waxa lamaarag ah in ninka lagu eedaynaayo qaska iyo shacri jebinta uu yahay odaygiiBuuni, ee 1960 ahaa Raisal Waasre Ku Xigeen...Somalilaanday odaynimo waataas.Madaxweyne Riyaale Oodweyne gaadh isna caano libaax soo dhan,kolkaKu-xigeenkiisu tegay meesha aad looga yaqaan ee Dhoqoshi oo dadkeedixusuusiyey sida Wasiirka Guduhu ula dhaqmay markay guteen waajibkiiwadaniga ahaa ee ay ku qabteen argagaxisadii dishay gabadhii Kiiniyaankaahayd. Gudoomiye Siilaanyo isna siyaaradii sheekha sanadkan booqay,Guddoomiye Faisal Boorame booqay wacdaran geysay, isagoo dhan walbau riday.
Odhaah Xusuus mudan:Madxaweyne ku Xigeen oo Berbera ka hadlay waxuu yidhi:..."Udub waa digo,digana waa lagu gubtaa". Waa dhab, oo gubasho adigaa ku gubtay oo waxa xusuus mudan badhtankii sanadka weedhihii kaa soo baxay eed sida cad kagarun sheegtay maamule xumida UDUB. Digada aad ku sheegtayna waa run kale oodu duur xushay.
Waxa se is qaban la ficilkii ka dhashay dacwadaadii meel ayku dambaysay cidi ogeen, iyo durdurada aad ugu ololeynayso xisbiga,madaxdiisa aad KA MID TAHAY KU TILMAANTAY QAAR SHARCIGA KU TUNTA.
Waxa soo baxaysa in shaqaalaha dawladda loo cago jugleeyo, oo lagu kalifayinayna ka maqnaan banaanbaxa UDUB, kii lagu arko golaha mucaaridkana larukhsayn doono.Waxa la sheegay in caaqil reer Burco ah u xidhnaabadhasaabka Burco si loogu dirqiyo inuu UDUB u ololeeyo.Waa tabo aanshaqaynayn oo ku danbayn doona guul darro.Haddaba aan ku gunaanado tilmaan uu ka baxshay Abwaan Hadraawi, in dadku isbedelay oon dhacdooyinkani ahayn qaar dabri kara.
Dadku maaha kii hee
maqli jiray daryeelkee
arki jirey darxumadee
saadaal ku degi jirey
Dadku maaha kii hee
dib waxay u eedaan
marka hore ku dagan jirey
Dadku maahe kii hee
gudin lagu dulbaaxsado
daabka looga dhigan jirey.
Ha noqon daabka Hadraawi sheegay, hana yeelin in cid aad taqaan laguutilmaamo,
ha iloobin inta ballan laguu qaaday. Garo inaad shaqo, iskuul,dhakhtar, jid
iyo biriijba aad xaq u leeday. Yaan maalkaaga lagugu laaluushin.
19 Sep, 2005
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
10 September, 2005
SOMALILAND FIRST ELECTED PARLIAMENTARY CANDIDATES BY PARTY,REGION AND CLAN.
http://samotalis.blogspot.com/
04 September, 2005
CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON (3)
CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON (3) |
Ahmed Arwo |
September 4, 2005 |
Maqaalkii hore waxa ka dhashay in aan dadweynahu badi la socon in xisbi sheegashada wasiirado tahay mid aan banaanayn. Haddaba waa in la ogaadaa dimuquraadiyadu waa mid salkeedu yahay tartan iyo doorasho. Si uu wasiirku u noqdo xisbi waa inuu soo maraa tartan iyo doorasho. Nidaamkaasi waa kii dalkeena ka jiray 60-ilaa 1969. Dadku waxay inta ila soo xidhiidhay isku raacsanyihiin in dib loogu noqdo nidaamkaas hore. Waayo waxa la waayi doonaa rag aan cidi dooran oo ku amar ku taagleeya awood been ah oo ka baxsan nidaamka. Waxa wasiir noqon doono rag dadweynuhu soo xulay lana xisaabtamo, kuna yimi doorasho dadweyne. Nidaamkan Maraykanka ee la soo xulo rag aqoon sare iyo waayo-aragnimo leh inama dhaqayo, waayo dhinaceena waxa la soo xulaa rag badankoodu aan aqoon iyo khibrad la sheego midna lahayn.
MABAY KICINE GOORMAY JABTAY
Waxa cinwaankani yahay sheeko gaaban oo la xidhiidha nin dhakhtar ah oo ilmo yar oo afar billod jiray loo keenay, lugta bidixna ka jaban. Wuu la yaabay, waxuuna arkay inaan ilmuhu jabin ee la jabiyey. Haddaba, waxa taas ka dhigan hawlaha lagu carqaladaynaayo doorashada ee soo if baxaaya, iyadoo hadduun loo dhaqaaqay in la xaqiijiyo riyada dadweynaha ee raagtay.
Waxa wax lala yaabo ah:
- Maanta oo axad ah 4da September 2005, waxa la soo saaray liiska goobaha doorashada ee Hargeysa, waxa liiska ka muuqdo 11 meelood oo hore loogu daray Awdal. Lama fasilin sida ay arrintana meel mar u tahay, iyadoo toos uga soo horjeeda sharcigii doorashooyinka ee barlamaanku ansixiyey. Wasaaraddu mey caddeyn waxay ku salaysay iyo sida ay arrintani u waafaqsantay sharciga loo ansixiyey doorashooyinka iyo gobal-xadeynta.
- Maalintii khamiista waxa fursad u yeeshay inay soo banaan baxaan xisbiga UDUB. Waxa fagaarayaasha ka hadlay wasiiro qaarkood ku tiraabaaya caadifad qabiil, sida Oday Cabdi Xasan Buuni oo ku tiraabay caadifad qabiil isagoo weliba la yaaban ragga leh waar sharciga doorashada aynu ilaalino, oo qodobka xadaynta ee ku salaysan 1960 aynu dhowrno. Ninka yidhi sharci aynu ku dhaqano ma qabiilbuu u hiiliyey, misa wuxuu daafacay hirgelinta qaran ku dhisan sharci iyo horumar. Waxa wasiirka ugu da'da weyn golaha looga fadhiyey mahadnaq iyo inuu si odaynimo arrinta uga taliyo. Weyse seegtay. Waxa xusuus mudan hadaladii Odayga laga maqlay labadii doorasho ee hore, iyo qaar kale oo badan oo rag reer Boorame ihi ii sheegeen, waxna ka tilmaamaaya kaalinta uu kaga jiro Awdal oo reer Awdal ka dheregsan yahay.
Arrintan dhulka waxa habboon in Komishanku qalqalooc la,aan ku fuliyo sharciga ay ansixiyeen barlamaanka iyo madaxweynuhu. Ha dhaafaan la jiifiyaana banaan. Waxa aynu dhisaynaa hay'adii sharci dejinta, yaan lagu dhisin sharci darro. Xaraf xaraf ha loo fuliyo sharciga doorashada, iyadoon Hargeysa iyo Boorame aan midna loo dabcin. Aynu ku socono odhaahda caanka ah ee Ina Sanweyne: Sharcigu ma yaqaan sodog, seeddi iyo saaxiib toona.
- Magacaabista horjoogayaasha degmooyinka aan lahayn guddoomiyaal la doortay. Waxa meesha ka muuqda in la xulaayo rag hawl gaar ah loo diro. Waa rag u darban inay fuliyaan HAWL-GAL UDUBAYSAN. Waxa magacaabista ku jira Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco oo uu magacaabay wasiirka arrimaha gudahu. Iyana waa cibaaro cusub. Komishanka waxa ku habboon inuu eego sida arrintani u xisbiyeysantay. Ma aha inuu ilaaliyo hanti kutakrifalka oo keliya ee waa inuu qadariyaa awood-kutakrifalka oo ka saamayn weyn tan hore.
- Idaacadda Hargeysa oo noqotay afka xisbiga UDUB. Iyadoo faalooyin lid ku ah mucaaridka la sii daayo, weli se aan marna loo ogalaan in Mucaaradka jawaabtooda la baahiyo. Ma aha in komishanku qadariyo barnaamajyada khaaska ah ee idaacadda xisbiyadu ka sii daynaayaan oo qudha. Waa inuu miisaamaa warka, faalada, murtida, heesaha, madadaalada, wareysiyada iyo wax kasta oo ka baxaaya idaacaddu inay si dhexdhexaad ah ku baxaan, oo xisbiyada si siman looga waramo, aanna leysu duur xulin. Waa inay xaqiijiyaan inaan wasiiradu ku yeelan farogelin ay ku maareeyaan xulka barnaamajyada, ooy xaqiijiyaan madax banaanida hawl wadeenada idaacadda, wariyayaal iyo iskudubaridayaalba. Xogwaranka ka baxay Radio Hargeysa kuna saabsanaa banaanbaxyadii xisbiyada, waa houmar cusub, hase yeeshee iskuma dheelitirna. Taasna waa mid ay sixi karaan komishanku. Waa inay qaladaadka maalin maalin ay u saxaan ooyna isgaadhsiin.
- Komishanku waxa uu soo saaray meelaha laga codeenaayo. Waxa habboonayd inay eegaan sida loogu kala badan ayahay dalka oo ay u kordhiyaan meelaha dadku ku badan yahay. Iyagoo ka qiyaas qaadanaaya, sidii doorashadi madaxweynaha loogu codeeyey. Waxa la sheegayaa inaan taas la eegin. Si gaar ah magaalada Hargeysa goobihii kiyuugu dheera aan wax sidaas ah loogu darin, kolka weli meelihii uu gaabnaa aan waxba laga jarin.
- Xoghayaha Guurtida oo fagaare kala hadlay dadweynaha. Waa yaab, goormay shaqaalaha guurtidu noqdeen siyaasiin. Waxa iyana meesha yimid rag leh waxaanu la hadlayna dadweynaha oo dhexdhexaadnimo sheeganaaya, haddana leh, waxaanu nahay xisbiga dawladda. Iyana waa cibaarada adduunyada iyo astaamaha aakhir saamanka.
- Shaqaalaha dawladda ee la eryaayo, haddii eheladooda lagu arko inay ka tirsan yihiin xisbiyada mucaaradka, amba ay UDUB u balan qaadi waayaan. sow ma aha gardaro lagu sameeyey sharciga iyo distoorka.
QUBANAHA OLOLAHA
Waxa oday Geeljire yidhi, " Kulmiye waxaanu Oodweyne ugu lisnay libaax, oo waxaanu siinay caano libaax". Haddaba waxaan leeyahay Kulmiyoo Caano libaax dhammay, yaa maanta joojin kara! Waxa sare u kacay xowliga uu Kulmiye ku socdo, min Boorame ilaa Ceerigaabo. Wuxuu olalaha keli ku yahay illaa maanta gobolka Sool, oo afar murashax ay si la yaab leh uga hawl galeen Caynaba.
Waxa iyana is bedeshay balanqaadkii ahaa in Madaxweynuhu socdaal ku maro gobalada Bari. Waxa maanta la leeyahay waxa halkiisii ka tegay ku xigeenka Madaxweynaha. Waxa ballankan baajiyey xilligan olalaha waa mid niyad jab ku ah taageerayaasha UDUB ee goballada Bari. Mudane Axmed Yaasiin se muxuu uga booday Oodweyne iyo Burco oo uu Berbera uga duulay Sanaag. Waxa suufiyadu ii sheegeen inuu siyaaranaayo Maydh, si uu u soo qaato ducada Sheekh Isaxaaq, weliba laga yaabo inuu muriidka Sheekha laftiisa u soo kaxaysto Burco! Isagoo Mudane Yaasiin qabo in guushii doorashada Madaxtooyada ay u sabab ahayd siyaaradan uu isagu sameeyey, kolka dhinaca kale Silaanyo ka baaqday!
Guddoomiyaha UCID gool ayuu ka dhaliyey xafladdii qalin jabinta ee Jaamacadda Hargeysa markuu xisaabtan ula dhaqaaqay waxqabadka dawladda Riyaale oo dhinac fadhiya, waxuu se si aan habboonayn ula tacaalay Haatuf, oo arrin dacwad ku jirta oo ay tahay in maxkamadda loo daayo, ayuu dhex galay. UCID, aad ayey ugu baahantay warbaahinta, waxaanan filayaa in khilaafkani soo afjarmo. Diiraddana la saaro, olalaha iyo qiimaha ay doorashadu leedahay.
Tanina waa ammuur kale oo yaab leh. Waxa aynu maqli jirnay in dhulka seddex qof iyo in ka badanba isla goob loo caseeyo. Waxa taas ka dhigaysa mid sahlan, kolkaad arrintan maqasho. Waxa Jariidada Haatuf lagu qoray qisadan. Waa guri dawladdu leedahay oo uu maamulo wasiirka Hawlaha Guud, horeyna ay ugu jirtay Hay'adi. Gurigii wuxuu ku soo noqday wasaaradda. Waxa Wasiirka ka yaabiyey seddex waraaqood oo ka yimid Madaxtooyada oo midwaliba uu siinaayo guriga qof. Waxa madaxtooyadu ugu horaantii siisay Guddoomiye Qaybe, haddana waxa laga dabo keenay Wasiirada Maaliyadda iyo Kan Ganacsiga. Labada Wasiir weyba isu ciidan doonteen, inkastoo ayna isku dhicin, hanjabaad iyo aflagaadaba wey dhex martay. Arrintani waxay ay kuu sawiraysaa hogaanka UDUB sida uu yahay. Ma kula tahay inaad cadaalad iyo Horumar ku gaadhi doontu taliska aragtidiisu sidan tahay.
Waa sawir kale oo kuu xaqiijinaaya tacaddiga UDUB. Waxa xabsiga si gardarro ah loogu taxaabay Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa Dr. Yaasiin Carab. Waxba ka odhan maayo sifaha Yaasiin, waxa inaga filan sida ay shaqaalahiisu oo kor u dhaafay 40tameeye ay xabsiga isu soo hor tubeen, dhaawacna qaarkood askartu soo gaadhsiisay. Waxayse mutaysteen mahadnaq iyo qadarin. Waxa ay muujiyeen in ninka fiican loo abaal gudo. Waxa ay rumeeyeen inaan awoodda dadweynaha cidini loodin karin. Waxa ay ku kalifeen UDUB iyo dawladeedu inay in ka yar seddex saacadood ku sii daayaan Dr. Yaasiin. Waa guul ku dayasho leh.
Dhinaca kale waxa dalkan Ingiriska soo gaadhay laba musharax oo markhaati u ah in dad tayo lehi tartanka ku jiraan. Waxa na soo gaadhay Maxamed Maxmuud Cumar Xaashi, iyo Cabdirahmaan Cabdiqaadir. Murashaxa hore wuxuu ka tartamayaa Gobolka Hargeysa, kan kalena gobolka Togdheer. Waa laba nin oo aqoon, khibrad, talo qaadasho,talo wadaag, codkarnimo, halkannimo, wadan u shaqayn, madaalenimo, cadaalad jacayl, iyo daacadnimo lagu yaqaan. Waxay yihiin rag aan shaadhkoodu ku madoobaan saaxadda siyaasadda, marna aan aan ka bixin halganka dhismaha dalka. Maxamed waxuu ahaa hogaankii ururka UFFO ee soo dedejiyey samayntii SNM, kolka Cabdirahmaan uu ka mid ahaa raggii aasaasayaasha ururka SNM ee Londhon. Waxa reer Hargeysa iyo reer Togdheer nasiib u yeesheen inay ragani ku jiraan tartanka doorashada. Waxa looga fadhiyaa inay ragga sidan oo kale ah ee liiska ku jira golaha keenaan. Taas ayaa lagu dhisi karaa barlamaan kaalintiisa ka soo baxa, oo dalka u horseeda nidaam ku salaysan sharci iyo cadaalad, kana fog musuqmaasuq iyo eex. U fiirso waxaad maanta fali, oo ha qoomamayn berrito.
U GARGAAR CADAALADDA, U DAMQO DAN YARTA, U HIILI AQOONTA, DIID JAHLIGA, GAAJADA, IYO DUUDSIGA. U CODEEY ISBEDELKA. BARO SIDA NINKA XUN LOO TUURO.TAAS AYAAD KU GAADHI DOONTAA GUUSHA AAD TABAYSO. KA FIIRSO OO YAAN CODKAAGU CADOW KUGU NOQON.
ILAAHAYOW XAQA U HIILI. AAMIIN.
Ahmed Arwo