28 August, 2005

CARDIFF AND VALE NHS TRUST ANNUAL REPORT 20042005 AHMED ARWO NON-EXECUTIVE DIRECTOR


Who's who on our Trust Board

Your Trust is managed by a Trust Board, with a
Chair, Chief Executive, and both Non-Executive
and Executive Directors. The Board ensures high
quality patient care, monitors performance and
ensures objectives are achieved. It also
determines the strategic direction of the Trust,
maintains a high standard of professional
conduct, clinical and corporate governance, and
maintains the Trust's financial viability.
TO READ MORE CLICK THE FOLLOWING LINK:

19 August, 2005

CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON (2)

Inta aanan maqaalka labaad u gelin, aan dib u jaleeco kii hore. Waxa ila soo xidhiidhay rag dhowr ah oo qaarkood aanu saaxiib nahay, .Nin aanu aad u saxiib nahay oo UDUB ka sharaxan ayaa ka damqaday maqaalka. Waxuu ii sheegay inuu dhammaan arko dhaliisha UDUB leedahay. Isla markaas uu isu sharaxay si uu u baajiyo in la soo sharaxo nin kale oo ah nooca farta loogu yeedho. Isaga iyo rag uu ku tilmaamay tobaneeye ay is arkeen,ayna noqon doonaan qaar aan dhaameel loo ruxin,inta badana la codeen doona mucaaradka, kolka ay dawladdu qaldan tahay.

Waa nin aan ku kalsoonay inuu sidaas yeeli doono, mase aha aqlabiyadda UDUB qaar sidan u dhaqmi doona. Waana taas tan aanu dadweynaha uga digaynaa inay codkooda ka fiirsadaan oo ay soo saareen barlamaan xakamayn kara dawladdan sida foosha xun ugu takri fashay awoodii loo igmaday.Haddaba bal aan u degno maqaalka maanta.

DORASHADA IYO WASIIRADA,SHAQAALAHA DAWLADDA IYO KOMISHANKA
Hab dawladeedka dunida dimuquraadiga ahi, waxuu u qaybsamaa laba nidaam. Midi waa kan wasiiradu ka soo baxaan barlamaan la doorto, waana kan lagu tilmaamo Parliamentary System, kaaso oo inta badan leh Raisul Wasaare awood leh, iyo madaxweyne hab-maamuus leh. Nidaamkaas waa kan dunida inta badani ku shaqayso. Waana mid ku salaysan awoodda bulsho weynta dalka. Waayo barlamanka ayey ka soo dhex baxayaan wasiiradu. Taas oo ka dhigaysa inay yihiin qaar ku yimi doonista dadweynaha.Raggaasi waa rag siyaasiin ah, awood lexaad leh leh. Oo kolka Wasiirnimada laga qaado, ku noqonaaya barlamaanka.Taas darteedna aan u habran Madaxweynha amba Wasiirka Koowaad (Prime Minister). Nidaamkani waxuu ka dhigayaa Wasiirada qaar xisbi ka soo jeeda oo doorashada si toos ah u galaaya.

Haddaba xilliga lagu dawaaqo in olalahu bilaabmay, waxa laga joojiyaa awoodooda oo dhan, waxa xataa laga xidhaaya emailka xafiiskooda, waxa laga qaadaa baabuurta dawladda, waxay noqdaan tartamayaal caadi ah, iyadoo laga xayuubinaayo magaca wasiirka, waxay isticmaalaan magaca Tartame (Candidate). Xilku waxuu ku wareega Agaasimayaasha Guud, iyagoo aan qabanayn wax ka baxsan hawsha caadiga ah. Waxii culus ee dalka ku yimaada, waxa u xil saaran guddi ay ku jiraan Madaxda Xisbiyada ugu Waawaayn dalka. Matalan dalkan Ingiriiska waa madaxda Labada Xisbi Mucaarid, Raiisal Wasaaraha, dhowr wasiir iyo Boqoradda oo Guddoominaysa. Taas ayaa ka dhigaysa tartanka mid xalaal ah, oon la isticmaalin awoodda dawladda maal iyo noolba
Nooca kale ee dawlad dimuquraadi ahi ku timaadaa waa kan la yidhaahdo jamhuuriga ( Presidential System), waxa toos loo doortaa madaxweynaha oo shacabku si toos ah oo gaar ah ay u igmadaan madaxweyne.
Waxa madaxweynahu dhisaa dawlad aan Raisul Wasaare lahayn,taas oo ka dhigaysa isagu inuu yahay Madaxa qaranka iyo Dawladda. Waxuu dhisaa wasiiro aqoon sare iyo khibrad balaadhan leh, oo ka fog xisbiyada,oon ahayn siyaasiin la doortay oo golaayasha Sharci-dejinta ku jira. Waxaana la horkeena Golaha barlamaanka oo guddi u saara soo baadha taariikhda nin waliba leeyahay, ka dibna soo bandhiga warbixin balaadhan, deedna inta loo yeedho ayaa maalmo su'aalo iyo baadhis lagu wadaa. Ka dibna amba la ansaxiyaa amba la diidaa.

Wasiirka habkan lagu doortaa waa mid ka baxsan xisbi, lamana ogola inta uu xilka hayo inuu xisbina u ololeeyo, ma sheegan karo, lama shiri karo, mana maamule karo xisbi. Waa nin aan doorasho xisbi iyo mid dadweyne midna ku iman. Kolka doorashadu socoto iyo mar kale midna uma ololayn karo xisbi. Haddaba iyadoo aynu leenahay waxa aynu qaadanay noocan jamhiuuriga aha, ayaad arkaysaa sida meel ka dhaca lagu hayo dimuquraadiyada. Nimankan wasiirada sheeganayaa goormay xisbi ka soo baxeen oo dadweynu u fooday. Miyeyna ahayn in cid kasta oo xisbi sheeganaysaa noqoto mid ku timaada doonista dadweynaha.Maanta waxaad arkaysa iska daa xisbi ee wasiiro shirinaaya beelo, oo si toos ah ugu ololaynaaya qabiilkooda. Waa ayaan darro in wasiir loo dhiibay hawsha qaranku uu yidhaahdo reerkeena waxaa u fiican sidan. Sidee hawsha qaranka uu u fulin karaa kol haduu talada ku eegeeyo indho qabiil. Maanta waxa qiimo dhac aan la arag lagu sameeyey mansaabkii wasiirka. Waxa loo magacaabay rag aqoon iyo khibrad ka madhan, rag garaadkoodu aanu dhaafsanayn aflagaado iyo dhooqo is marin.

Dar aan cadaalad meelna u soo marin, qaar dadweynaha u yaqaan addoon ay leeyihiin, qaar hantida ay dan yartya ka soo uruuriyeen u isticmaala maal ay gaar u leeyihiin. Qaar sharciga aan ka xishoon, Illaahayna ka baqan.Dar ku xaragooda waxii laga xishoon jiray. Xataa xiligii Inna Barre wasiir shir jaraaid ku qirta oo ku qayliya, beeshayada ayaan u ololaynayaa, iyo qabiilkayga lama maqal. Waa ayaan darro in waxii taliskii macangaga ahaa ka xishooday lala shir yimaadaa.
Bal markaad wasiirada ka timaado eeg. Waa badhasaab, waa taliyaha ciidanka, waa horjoogaha boliska, waa agaasimaha guud waa nin kasta oo hawl qaran haya. Waxa lagu amray ooy si nacasnimo ah u qaateen inay yihiin xisbiga talada haya. Kolka sharciga doorashooyinka Idaacadda maalin kasta looga digaayo inay dhex ka noqdaan doorashada ooy danbi tahay u ololayn xisbi, ayaa rag madax ihi kaba tirsan yihiin golaha dhexe ee xisbiga UDUB. Komishanka waxaa la gudboon inay arrintan baadhaan ooy gacan bir ah wax ku saxaan intaan doorasho dhicin.

Waxa haddaba arrintaba isku fuuqsaday, kolka nin ka tirsan komishanku leeyahay xaq ayaan u leeyhay inaan beeshayda ka dhex ololeeyo.GOODIR waa nin weyn. Waxaan laba sano ka hor ku arkay Birmingham, waxuu iila eekaa nin xishood leh oo af gaaban. Maanta arrinta ka soo yeedhay waa af kala qaad. Hadday garasho la'aan ka tahay waa hoog, hadday badheedh ka tahayna waa ba. Sinaba arrintani ma aha mid la yaraysto. Ma aha mid lagu helaayo doorasho xalaal ah. Waa in si dhakhso ah loo guda galaa oo waajibkeeda la mariyaa.
Dhinaca kale LAALUUSHKAN Madxweynahu hadhka cad sheegeeyo sidee lagu joojiyaa?.Dunida dimuquraadiga ah hawlaha aan ahayn caadiga, wey joogsadaan kolka doorashadu soo dhowaato.Haddaba magacaabista ragii murashaxnimada waayey halkay kaga taalaa dimuquraadiyada.

Sow ma aha laaluush toos ah. Meeday cadaaladi.Maantana waa sheeko kale waa xubin sharafeed. Dal dimuquraadi ah kama dhacdo in madaxweyne keli iska magaabo ciddii uu doono. Waxa la dhisaa nidaam iyo guddi soo bandhigta cidda sharaf dheeraad ah dalka ka mudan, deedna inta la soo koobo, ayaa loo gudbiyaa guddi kale oo sii shandhaysa, deedna magacayo gaaban iyo tilmaamo kooban loo gudbiyaa Madaxweynaha deedna ka soo dhex saara qofkuu la garto gudiyada soo shaandheeyey. Anigaa iska magacaabiya, waa mid ku salaysan nidaamka keli-taliska, oo si toos ah uga soo horjeeda kan aynu qaadanay.
Haddba naf la caariga Riyaale ma la tahay in beelaha uu xaqooda doorasho yaraystay, inuu ku kasbi doono rag marba meel ku magacaabo, Aw Nur iyo Dhoore se mey noqon doonaan daabka gudinta dadkooda lagu dilaayo. Waa arrin labada oday la gudboon inay ka tashadaan, dadkoodana la tashadaan.

Ha ogaadaan sidii uu shalayto uga tegay inuu maantana awrkiisa ku kacsanaayo, kolka ay hawsha dulmiga dadkooda fuliyaana uu debedda dhigi doono. Waxay haystaan fursad dahab ah oo ay ku kasbaan doonista dadweynaha oo aan wax loo dhigaa jirin. Talada ay maanta gaadhaan waa mid la socon doonta inta ay nool yihiin. Illaahay waxaan ka baryayaa in odayaashayda uu talada waafajiyo. Waa inay ogaadaan sidiii looga takhalusay iyo cidda meeshoodii la siiyey. Waa inayna xusuustaan arrinta degaanka ee ka taagan waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa, iyadoo dhul ballaadhan oo ka tirsan degmada Hargeysa lagu wareejiyey maamulka Awdal, iyadoo weliba aan Awdal laga sharaxin cid degaamadan ka soo jeeda.
Ha la ogaado kordhinta aan xadka lahayn ee la kowsatay doorashadu inayna sumcadda dawladda waxba u tarayn.

Horeyba rag badani wey la joogaan oo magac u yaal ah. Ogow dawladdani waxay ka koobantay 55 xubnood reer walibana tira ahaan wuu ku wadhwadhay.Waa se halkii laga yidhi xerado waa wada ul oo ul la qaato ma leh. Hadday tiradaasi wax tari weyday, Riyaale laba iyo seddex lagu kordhiyaa wax bedelimaayaan, ee waxaa fiican inaad shaxda si kale u degtid.Waan qaldamay mey ahayn inaan talo dhiibto. Waxa haboon inaad khadkan aad ka baratay ku socotid.Waa inoo doorsho iyo dadweyne garaadkooda qaba, indhahood leh, dhegahooduna furan yihiin, oo la socda bayd kasta ood ciyaarta la timaado, maankoodana ayna cidina qufulan.Waa dad samir badan, kolkaay gadoodaan aan cidi joojin karin. Gadoodka maantu waa mid ku imanaaya doorashada oo ay xaqooda la soo noqdaan. Uma baahna qori iyo qax. Arrintu intaas ka sahlan, oo codkooda ayey ku tuuri doonaan heeryada duliga iyo duudsiga.
Dhinac kale waan yaabay,waan naxay waanan fajacay. Waa oday weyn oo dada ay u weheliso aqoon iyo khibrad maamul. Waan u han weynaa waxuu se u muuqdaa geed qolofi ka dhacday. Odayga waxa laga soo taagay qaylo iyo aflagaado. Adeerkay Xuseen Cali Xirsi,waxaan leeyahay maanta ma tihid ninkii mansabka aflagaadada iyo qolof-ridka sheegan lahaa. Illaahay u toobad keen,kana bari ceesh kan ka kheyr badan. Anaguna Aamiin ayaanu leenahay.Ma tihid ninkii kolba cidda la aflagaadaynaayo loo tilmaami lahaa.Haddaad hadal ka jawaabayso, maxaa u diiday horta inaad hadalka hore idaacadda ka sii dayso, si loo maqlo bal waxaad ka jawaabaysaa waxa uu yahay.

Miyey se tahay in Idaacad Qaran jawaab ay bixiso, aan la maqal waxa laga jawaabaayo. Dadweynahu waa arkaa oo wuu maqlayaa, hab xumida loo isticmaalaaya idaacadda qaranka. Kol kasta oo maamulka UDUB sidan u dhaqmo, waa guul u soo hoyanaysa Kulmiye. Maamulka dawladdan waxa ka marag ah idaacadda ka jawaabta wax ayna sii dayn. Jawaabaha idaacadda ka baxaa waa qaar ka qaawan xishmad iyo karaamo waxayna si toos ah u muujisaa foolxumada hab-u-dhaqanka taliska Madaxweyne Riyaale.OOB. Tanina waa talo kale oo iga baxsatay ee aan sidaa ku xidho waa intaasoo muftaaxi guusha aan UDUB u dhiibaaya.
Waxa Rasuuleenu ka ducaysan jiray: Illaahay danbiyadada dartood ha nagu salidin nin aan kaa baqeen anagana aan noo naxariisanayn. Waa duco fiican oo dadkeenu u baahan yahay inay badiyaan.

DIID UDUB OO U CODEE DANTA DADKAAGA. DIID MANSAB LAALUUSH AH. DIID IN MAALKAAGA LAGUGU LAALUUSHO.U DAMQO UBADKAAGA. XUSUUSO WAXII DHALIYEY DHIBAATADA INA SOO MARTAY. TOOS OO TOOSI INTA HURIDA,INTA LEEXSAN IYO INTA DHADHAAMADA DHUUNI MOODAY. DIID UDUB OO U CODEE DANTA DADKAAGA. HA KA GAABSAN INAAD BARIDO GARGAARKA EEBBE.CUSKO TIIRKA ILLAAHAY ISAGAA GUUSHA KUU HORSEEDIYE. IIMAAN XOOG AH IYO CUDUD TAMARISA.

19 Aug 2005

AHMED ARWO

http://samotalis.blogspot.com/

08 August, 2005

Codkaagu yaanu cadow kugu noqon

Waxa la gaadhay xili dadweyne awood leeyahy. Xili raggii aan la arki jirin fadhidiideen. Xilli wax qabad aan jirin awood loo helay. Xilli xataa Madaxweyne Riyaale gurigii ka soo baxay.Waxa la shirinayaa intii aan la arki jirin. Waxa la siraadayaa wadooyinkii madoobaa, waxa la laamiyeeyay dariiqa madaarka Hargeysa, waxa la keenay Maansha Allee Telefiishan cod iyo muuqaal ah oo Madaxweyhana sii fiican looga daawado. Awdal.Waxa iyana la dhagax dhigay garoonka Boorame, iyadoo marwada lagu ixtiraamay. Waxa Madaxweyne u socdaalayaa dhinaca bari, iyadoo markan aanu gaadhi doonin Laascaanood. Waxa iyana dhankooda ka socdaalay wasiirada debeddda iyo maaliyadda oo Jabuuti gaadhay, waxay soo wadaan balan qaad kale oo ay doorahada dadka maqashiiyaan.Waar yaa bil walba inooga dhiga doorasho.

Bal wax qabadka dawladda eeg. Haddaba dadweynaha waxa la gudboon inay arrimahan u arkaan LAALUUSH, qadyadooda lagu dabraayo. Ogow in tan oo kale hore kuu soo martay. Ogow Gabiilay iyo Oodweyne balamadii loo qaaday, xusuuso Idaacaddii dalka oo dhan gaadhi lahayd oo 3 sano ku jirta miisaaniyadda dawladda. Ogow cadaaladda weli jiifta. Xusuuso in xukunkii degdega ahaa weli jiri. Ha iloobin kumaakunka maxbuus ee xukunka ku sugaaya xaaladda foosha xun ee Guurtida, Wakiilada, wasiirka Gudaha, IYo Maxkamada sare ka dayriyeen ee uu ku sugan yahay xabsiga Hargeysa.Maxaad ka filaysaa gobbalada kale marka sidaad ogeed laga soo dheegay caasimadda.Ha iloobin xabsiguu dhallinta ku dhawaaqday "waxaan rabnaa dawlad tayo leh" loogu taxaabay xabsiyada qaarna jir dil lagu sameeyey.Ma iloobi karno markii weerarka lagu qaaday xarunta Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa iyo Burco. Waa taariikh aan la iloobi karin baadhistii Radio Horyaal iyo xabsiga weriyaasha Dhuxul iyo Hoodo.

Ma xusuusataa falkii Guddoomiyaha UCID lagaga sameeyey Oodweyne iyo Burco,ee kaga timid maamulka Togdheer.Iyana miyeyna ahayn dhacdo la yaab leh, markuu dhexda loo gelay wefdigii Kulmiye ee ku socday Gabiilay.Dib u jaleec dilalka ay gaysteen boolisku. Caasimadda oo keliya maxaa ka dhacay. Sow laba nin oon hubaysnayn oo dhul dhistay rasaas laguma dilin. Sow labada Wasiir ee Gudaha iyo Hawlaha Guud midba kan kale warbaahinta dusha ugama saarin falkaas foosha xun. Khadbadii kali ahayd ee uu Madaxweyne Riyaale ka akhriyey labada Gole bishii Jeenaweri 2005, waxuu ku yidhi" Umaddaa Xaal ayaan ka siiyey eedaynta ay labada wasiir hawada isu mariyeen, anigaan hawshu ii taal iyo wax qabadkeedu". Weli waa la sugayaa wax qabadkii uu ku ballan qaaday. Maxaa se laga qabtay dilkii isna boliska dawladda hoose ku dileen arrin la xidhiidha dhulka. Maxaa se laga yeelay dilkii muwaadinka fasaxa u tegay ee ka soo jeeda Gabooye. Ma xaqbaa in la yidhaa ninka dilka gaystay waxa la xidhayaa 5 sano.

Is maan dhaafka dawladda sare iyo hoosaba, waxa ay fadhiidisay wax-qabadkeeda. Karti-darrada waxa u sal ah aqoon la'aan. Hawsha cid loo igmadaa waxa sal u ah in ciddaas tahay mid garasho u leh waxa laga sugaayo. Haddaba hab-dhaqanka dawladdani waa mid la cadow ah aqoonta, iyadoo xulka manaasiibta lagu helo....si kasta oon ahayn aqoonta. Waxa xil loo dhiibaa rag aan meesha ay fadhiyaan garasho u lahayn. Haddaad makhaayad furato, waxaad raadisaa nin cunta kariska ku fiican, u dhiibimaysid nin geel jire ah, oon weligii dheri dabka saarin.Haddii makhaayadi sidan tahay, bal ka waran xilka loo dhiibaayo wasiirka.Rag aan hor-joog meelna ka noqon,aqoontooda iyo khibradooduba bakeeri ayna buuxin, ayaa wasaarad dhan loo dhiibaa.Maxaad ka filaysaa.. oon ahayn jaahwareer, boob, iyo dhan ka dhasha kalsooni la'aanta iyo kibirka ka iman kara ninkan loo geliyey kabo aad uga weyn. Maxaa ka socda dawladda hoose ee caasimadda. Waa mayoor iyo ku xigeenkiisii oo si fiican uga dayday macalimiintooda, waa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.Somalidu waxay tidhaahdaa haddii hasha weyni durduriso, aaranka maxaad u malayn. Kolkay Madxaweynaha iyo Ku xigeenkiisu au warbaahinta isu galeen, oo ay isu dhigdhigeen.

Xaalkuna gaadhay dacwad iyo shaqo ka fadhiisi, sow ma aha inta ay madaxda u yihiin inay dariiqaas maraan.Waxa caado noqotay in nin waliba war-baahinta u sii daayo, dacaayad ka dhan ah nin ay maamulka wadaagaan. Waa dar aan wanaag laga sugayn,kuwa aan iyagu is ixtiraamin een is qadarin. Dal ma hagi karaan, kuwa aan wada shaqyn karini, kuwa midba kan kale suuqa ugu jiro, kuwashakiga kala qaba ee balaayadu u gacan haadisay.Arrinta taabatay Wasiir Abiib Timacadde oo ahaa rukun adag ee UDUB ku taagantay, waa mid u horseedaysaa guuldarro ay kaga timaado doorashada. Waxa cadaatay in maalinba maalinta ka dambeysa dalku u gacan galaayo nin keli talis ku socda.Waxa taas si toos ah uga sanqadhiyey rag badan oo ka wareegay UDUB. Xisbigii talada loo dhiibay, waxuu noqday mid nin leeyahay. Liiska kama dambaysta ah, waxa keli saxay madaxweynaha.

Taas waxa ka daran inuu Madaxweynahu dacwad u qoro maxkamadda sare uu ku dalbaayo inuu UDUB keli u helo kuraasta gobalka Sool. Taas oo toos uga hor imanaysa seexeexii Xoghayaha Guud ee UDUB kula galay xisbiyada.Waxa se maanta soo baxday inay dheeradaan taliska xisbigu oo ay wada jir Golaha Fulintu sexeexo sida ay dacwaddan uga soo horjeedaan, iyadoo waliba uu la sexeexay Madx/W-xigeenku, ogeysiisna siiyey Madax/w. Waana taas tan joojisay dacwaddii. Waana arrin ka marag kacaysa inaan UDUb ahayn xisbi talo lagu aamin karo.Waayo is-qabsigooda iyo kooxaysigooda ayaa ka horjoogo inay hawsha qaranka qabtaan.

Waxa xusid mudan dhacdadii dhex martay wasiirka warfaafinta iyo kan arrimaha debedda. Meel ka dhaca lagu sameeyey Wasiir Edna oo ah xidigta keliya ee ka dhex iftiimaysa golahan gudcurka ku jira, waa mid dadweynow ay tahay inaad wax ku qaadatid.Waxa aan jeclaa in haweenku ka tiro bato inta sharaxan, waayo waxa hubaal ah inay dhaqan doorin lahaayeen hab maamulka golaha. Waxa la xaqiijiyey in dumarku ragga kaga horeeyaan wada shaqaynta (Teamwork) isla markaas ay afka iyo aqoonta mujtamaca kaga horeeyaan. Waxa daliil u ah labada wareysi ee Radio Horyaal la yeeshay Aniisa iyo Ikraam. Waxaan si aan xisbi lahayn u rajaynayaa inay dhammaan inta dumarka ka sharaxani ku guulaystaan kuraastooda.Ma u darbantay dantaada. Ma doonaysaa cid dalka horumar u horseeda. Ma jeceshay tacliinta, ma u oomantay cadaalad, ma dannaysaa inaad afjarto musuqmaasuqa.

Miyey kula tahay in shan sano oon lahayn xisaabtan, shan sano oon cidi dawladdan Riyaale la xisaabtamin, shan sano oo sex iyo qalad dalku u xidhnaado dawlad aan dabar lahayn, lagu gaadhaayo himmilooyinkaaga.Haddaba u meel day codkaaga, oo yaanu codkaagu kugu noqon cadowgaaga, ku ciil bax codkaaga, u codee aqoonta, u hiili daacadda,ka fagow dulmiga, ka xorrow duudsiga oo gacantaada ku gooso xaqaaga.

DIID UDUB OO U DANEE DADKAAGA.
Ahmed Arwo 08 Aug, 2005
http://samotalis.blogspot.com/